Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

GEERIDII GUULEED YARE (Q.4AAD)

W.Q. Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid

Axmed markii uu siddeed bilood wasiir ka ahaa dawlad goboleedkii tolku dhisteen, ayaa xukuumaddii uu ka midka ahaa la ridey, oo mid kale lagu beddelay. Maanta oo dhowr sanadood laga joogana weli wuxuu ka dhur sugayaa in uu markale wasiir noqdo. Doorashadii dhowaan la qabtayna, ninkii uu dhisayey kursigii waa looga adkaaday. 

Waxa la yiri, wuxuu eersaday markii uu rumaystay af-ku-xooglayaal Facebookga iyo Youtubeka ku sheegay in ninkaasi fursad fiican leeyahay. 

Af-ku-xooglayaashu waa rag iyo dumar beryahan dambe saamayntoodu ku soo badanaysey warbaahinta Soomaalida. Kuwaas oo badankoodu si indha la’aan ah baraha bulshada uga difaaca nin siyaasi ah iyo xisbigiisa ama reerkiisa, kuwa ka soo horjeedana eed ama ceeb uga dhiga wax ay yihiin iyo wax aysan ahaynba. 

Axmed markii uu Facebookga ku arkay geerida Guuleed Yare, ayuu soo wacay Dhool si uu ugu tacsiyeeyo. Iyaduna waxay u sheegtay in ay mar dhowayd la hadashay Guuleed Yare, oo uu noolyahay, warkaasina been fakatay runi ma gaadho yahay. 

Axmed inta uu rumaysan waayey jawaabta Dhool, ayuu ku yiri: “Naa ma warka meel walba lagu qoray, oo hebello sheegeen ayaa been ah?”. Dhowr goor markii warku waa run iyo waa been la isku celceliyey, ayuu isaga oo aan ku qancin warkeedii sheekadii beddelay oo ku yiri: “Naa mid madax adag baad tahay, oo warkaa ku heshiin maynnee iga sii daa. Waxaan rabaa in aan kuu sheego, maalin dhowayd oo aan Nayroobi tegey ayaan (International Conbunity) ga kula soo kulmay”. Wuxuu ula jeedaa (International Community). Waxaase Ilaahay ku sahlay in aysan wax weyn ku dhaamin isaga, oo aysan khaladka ka qaban karin. Markii ay dib u waydiisayna wuxuu ugu jawaabay “Sorry, waxaan ka wadaa Beesha Caalamka”. 

 Beel iyo caalam toonna ma uusan arage, mid caddaan ah oo dhowaan shaqo ka helay shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ka haysata mid ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ayuu makhaayad bunka lagu iibiyo kula kulmay. Weliba isagu ma uusan aqoone waxaa u geeyey mid ay isku reer yihiin, oo magaalada uga galaangal roonaa. 

Ninkii caddaanka ahaa markii ay is baranayeen, Axmed wuxuu isugu sheegay in uu yahay wasiir hore, isaguna wuxuu isaga qaatay wasiir hore oo Dawladda Dhexe ka mid ahaa. Isla markiiba ninkii caddaanka ahaa waxaa galay hunguri, bal in wasiirku hay’adaha dawladda taageera shaqo tan dhaanta uga raadiyo, ama mashruuc uu isagu u madaxbannaanyahay uga soo dhammayn karo. Wuu ogyahay in dadyowga dunida ugu tabaalaysan mashaariicda la siiyo dhacdhac fiican laga helo.  

Ninkii si uu isaga dhiso labada nin ee Soomaalida ah wuxuu isugu jacburiyey warar Soomaalida ku saabsan oo uu warbaahinta dunida ka soo akhriyey iyo wax yar oo uu ka maqlay rag ka shaqeeya hay’adda Qaramada Midoobey ee ay qandaraaska ka haystaan iyo xoogaa xawaaj ah oo uu dusha kaga sii daray. Sidaas oo ay tahay haddana labada nin intii ninku duryamayey oo dhan si niyad ah ayay warkiisa u dhegaysanayeen ulana dhacsanaayeen. 

Axmed isaga oo Dhool hadalkii u sii wada, ayuu u sheegay in Beesha Caalamku mashaariic badan Soomaaliya u soo waddo, doorashada soo fool lehna ka taageeri doonto iyo arimo kale oo gabadhu ku dawakhday oo aysan diyaar markaa u ahayn in ay dhegaysato. 

Waa halka uu u socdaye, wuxuu ugu dambayntii u sheegay in qolyaha saamaynta ku leh siyaasadda Soomaalida ay rabaan in dumarka loo kordhiyo tirada ay ku leeyihiin baarlamaanka. Maantana dumarku ka fursad badanyihiin ragga, sidaa darteed ay xubinta reerkooda u tartanto. 

In door ah markii uu Dhool fursad ay ku hadasho u diiday, ayay hadalkii ka boobtay, oo dib u waydiisay: “Axmadow, gabdho badan oo aqoonyahan ah, oo dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba daacad u ah, weliba qaarkood jaamacadaha wax ka dhigaan ayaa reerka ka dhashay, oo aniga igaga habboone, maxaad aniga iila maagtay?”.

Inta uu markiiba jawaabta la soo booday, ayuu ku yiri: “Naa kuwa wax yaqaan murankooda cidina ma rabtee, gabdho miyir qaba oo wixii loo keeno u codeeya ayaa maanta loo baahanyahay.”

Taladaa in ay aqbasho ha joogtee kama aysan jawaabin. Waxayse u hollatay in ay wayddiiso: “Oo inta aad marba Nayroobi tegaysid, maxaad caruurtaada oo dalka kula joogta, oo aadan dhowr sanadood arag ugu iman waydey?”. Haddana way ka noqotay, sababta oo ah hore ayay taa ugala quusatay. 

Isagu wuxuu ku andacoodaa, in magaalada ay deggantahay ay ka tirsantahay maamul goboleed kale oo aan kiisa ahayn. Maamulkaana ay wasiirro ka yihiin kuwo ay qurbaha isku xifaalayn jireen, isaguna ilaa uu wasiir noqdo ay xaaraan ka tahay in uu yimaaddo. Markii ugu dambaysey ee ay arrinkan la soo qaadday wuxuu ku yiri: “Anigu kuwii foosha xumxumaa ee aan aqaanney, maanta iyaga oo wasiirro ah inta aan gurigooda ugu imaaddo igu wiirsan maayaan.” 

Hadda ogow, kuwaa laftigooda marka ay Nayroobi isugu tagaan way kulmaan, oo kaftamaan, oo weliba xabadda roodhiga ah kala goostaan.

Maama Dhudi, Guuleed Yare iyo Xasan Madaxey dood dheer ka dib waxay ugu dambayntii isla garteen in xaafaddii la tago, dadka guriga ku soo ururayna lala hadlo oo loo sheego in Guuleed Yare noolyahay. Markii ay gurigii soo gaadheen oo ay dadkii meesha tubnaa Guuleed Yare oo lugihiisa ku soconaya arkeen afka ayay gacanta wada saareen. 

Xasan Madaxey ayaa hadalka ku horreeyey. Hadalkiisuna wuxuu u badnaa eedayn iyo hanjabaad uu kala dul dhacay dadkii uu isagu u haystey in ay dacaayadda beenta ah Facebookga ku faafiyeen. Dadka badankoodu gaar ahaan dhallinyaradu way fahmayeen qolyaha Xasan farriinta u dirayo.

Markii uu xoogaa hadalkii ku cadho burburay, ayuu maama Dhudi ku wareejiyey.

Dhudi ilaa iyo markii ay guriga Guuleed Yare ka soo dhaqaaqeen waxay ka fekeraysey wixii ay dadka u sheegi lahayd. Ilaa iyo hadda oo uu Xasan hadalka dhammeeyeyna weli madaxeeda kuma soo dhicin waxay odhan lahayd. 

 Dhudi waxay dusha uga baxday dhagxaan tuunsanayd waddada u dhaxaysa gurigooda iyo guriga ka soo horjeeda. Sidaa waxay u yeeshay in dadka goobta jooga oo dhammi muuqeeda u wada arkaan hadalkeedana u maqlaan. 

Markii ay dhagixii ugu sarreeyey ku dul joogsatey, oo dadka badankoodu u soo dhowaadeen, ayay cabbaar aamustay, oo wejigeeda calaacasha ku masaxday, oo inta dadkii goobta tubnaa si fiican uga ilbogatey dhowr dumar ah oo ay ka garatay xoogaa isha dul hojisey, mar kalena Dhool oo dadka ka dhex muuqata cabbaar ku dhaygagtay. 

Dhudi intii ay meesha saarnayd waxaa ku soo dhacday in ay ka hadasho dhibka maanta iyada gaarka u haysta oo keliya. Haddana waxay is tustay in ta iyada haysata ay hooyo walba oo Soomaaliyeedi la qabto. Ugu dambayntii waxay isku qancisay in ummadda Soomaaliyeed oo dhammi dhibkan la wadaagto. 

Dhudi hadalkii ma aysan billaabin jeer dadkii oo dhammi wada aamuseen, qof walibana dhowrayo hadalka afkeeda ka soo bixi doona.

Dhudi sidii hadal kale looga sugayey, ayay inta ay gabaygan hoos ku qoran si qurux badan ugu luuqaysay, markii ay dhammaysay dhagaxii ay saarnayd ka soo degatay, oo iyada oo aan dhinacna eegin gurigeedii iska gashay. 

  • Gu’ yaal iyo gu’yaal badan hashii gama’a noo diiday
  • Goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
  • Guuraha habenimo hashan gabi walba ujiidhay
  • Gaashaandhiggeedii hashuu galowgu eedaamay
  • Hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
  • Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayey raadkeeda
  • Garre iyo guntane maalintay gees isugu boodday
  • Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane
  • Geeraarradeedii hashaan anigu googooyey
  • Galool iyo maraa iyo hashaan kediga geylaanshay
  • Gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayey
  • Goortuu sidkeedii go’ay galabtii fool qaada
  • Iyadoo candhada giijisoo godol ku siidaysay
  • Garaad midaan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
  • Annagoon gantaalaha dhiciyo haysan qori gaaban
  • Hashaan gaada weynow libaax uga gaboon waayey
  • Inaan Gorayacowl uga tagaa waa hal soo gudhaye.

Ilaahay godka ha ku janneeyo Cabdullahi Suldaan Timacadde wuxuu yidhi: 

Garaad midaan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine !

Tolow maanta haddii uu joogi lahaa muxuu ka odhan lahaa?

<<<< Dhammaad >>>

W.Q. Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid

Eamil: [email protected]

Halkan ka akhri qaybihii kale


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.