Monday, October 03, 2022
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

GANACSIGA XOOLUHU WAA KU KHAMAAR XOOLO-DHAQATADA

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

“Marka duunyo nooshahay ayaa dad nool yahay” Murti Soomaaliyeed

Sida aan maqaal hore ugu soo baxay WardheerNews ku xusay, waxay xoolo-dhaqatada Soomaalidu la falgaleen suuqyada badeecadaha ee mgaalooyinka; taasoo ay ka dhalatay lacagaynta neefka xoolaha ahi. Qoraalkani wuxu isku koobi xidhiidhka qoyska xoolo-dhaqatada ahi la leeyahay sicirka suuqa ee raashinka la quuto, cunto ahaan.  

Qoyska xoolo-dhaqatada ahi waxay xoolaha geeyaan suuqyada magaalo, halkaas oo ay ku soo beddeshaan noocyada kala duwan ee raashinka, oo inta badan laga soo waarido dalka dibeddiisa sida bariiska, qamadida, burka, saliidda, sonkort, caano-booraha iwm. Sidoo kale waxay xoolaha ku soo geddistaan badeecooyin kale oo lagama maarmaan u ah nolosha sida weelka, dharka, kabaha iwm.

Haddaba, awoodda raashin gadasho ee qoyska xoolo-dhaqatada ahi waxay ku xidhan tahay:  sicirka raashinka iyo qiimaha lacageed ee neefka (celcelis ahaan) ee maalintaas la joogo. Weliba waxa intaas dheer in sicirka neefka laga jaro cashuurta dawladda hoose, noolkii gaadhiga iyo kharashkii habeen-dhaxa ee qofkii/dadkii iib-keenay xoolaha. 

Sicirka raashinku ka joogo suuqa, isna, waa mid ku xidhan xaaladda suuqa caalamiga ah ee lagu kala xaraashto raashinka iyo qiimaha doollarka ee ammintaas. Tusaale waxa inoogu filan saamaynta uu maanta dagaalka Ukraine ku yeeshay sicirka raashinka dunida siiba Afrika iyo bariga dhexe. 

Waxa jirta su’aal, had iyo goor, ku jirta is-waraysiga xoolo-dhaqatada, taas oo ah: imisa gadbadood oo raashin ah ayuu neefka ahminka ahi ka jarayey suuqii? Gadbaddu waa 50kg oo raashin ah. Waraystuhu jawaabta uu helo ayaa siisa qiyaasta inta neef ee uu xerada ka soo saarayo. Raashin waxay uga jeedaan waa firileyda markaas dadku intooda badani ka quutaan degaankaas sida: bariis, messago, galley, qamadi iwm.  

Haddaba, marka xaddiga raashinka ah ee neefku goynayaa hoos u dhacdaba waa in la kordhiyaa tirada neefafka ah – adhi iyo ishin kay tahay-ba – ee xerada laga soo qoor-qabanayo, loona safrinayo xagga iyo suuq magaalo. Taas oo geyeysiisa in xerada laga soo saaro, lana suuq geeyo, neefaf dhaqmaatin ah (dheddig dhalayey), baahi raashin loo qabo darteed; si uu qoysku u helo cunto, ugu yaraan, ay bakhtiga iskaga ilaaliyaan. Waxa kale oo ay tilmaamaysaa xidhiidhka ka dhexeeya “awoodda raashin gadasho (Kg/neef)” iyo “inta neef ee ay tahay in la suuq geeyaa” – xilligii ba – ay isku yihiin, xisaab ahaan, saamigal aan qummanayn/rogaal ah.

Tirada neefafka ah ee suuqa la geeyey waa inay qoyska u goysaa raashin laga heli karo, sida la filayo, tamar-cuneed (Kiilo-Kaalori) ku filan xubnaha qoyska oodhan, yar iyo weyn-ba.  Haddii taasi dhici weydo waxa qoyska soo foodsaara gaajo (ugu wacnaan) ama macaluul; xataa iyadoo aysan abaari jirin. 

Sicirka neefka waxa kale oo saamayn ku leh xilliga sannadka ee lagu jiro. Tusaale ahaan jiilaalka horraamihiisa, inta aan xooluhu jilcin, ayey xoolo-dhaqatadu door-bidaan inay xoolahooda suuq-geeyaan. Laakiin taasi waxay keentaa in xoolo badani suuqa yimaadaan, isna qiimo jebiyaan. Haddiise jillaal la gudo galo sicirka neefku dhulka ayuu galaa. Waxa intaas weheliya, xilliga jiilaalkii, inay qaali noqdaan dalagga beeraha ee dalka ka soo go’ay sida digirta, meseggada, galleyda, sisinta iwm.

Haddii jiilaalku dheeraado ama roobabka gu’gu baaqsadaan, waxa xoolo-dhaqatada soo foodsaara abaar looga aayo xoolaha oo la’ada iyo macaluul sida haddaba ka taagan geyiga Soomalida oodhan. Isla markaana keenta in qoysas badani lumiyaan tiro badan oo xoolo ah, hoosna ugu dhacaan ilaa heer aan ka soo kabasho lahayn, macnihii caydhooba.

Waxa halkaas kaaga soo bixi in xoolo-dhaqatadu – Ilaah ka sakow – magan u yihiin sicirul-suuqa iyo cimilada. Gar bay noqotay, markaas, in la yidhaa: ganacsiga xooluhu waa ku khamaar xoolo-dhaqatada.

Goobta/unugga wax-soo-saar ee Soomaliyi leedahay waa xerada qoyska raacatada/beeraleyda ah. Badeecadda ay soo saaraan qoysaskaasi – caruur, haween iyo waayeel-ba – dheeftiisa inta badan waxa qaata ganacsatada magaalo-joogta ah iyo maamulada dawladda. Bal suuree caruurta iyo hooyooyinka xoolo-dhaqatadu waxay 24ka saacadood ee maalinta, 356 maalmood ee sannadka, ku foogan yihiin soo-saarka badeecadda keliya ee Soomaliyi ku nooshahay: xoolaha. Feedho-buurta magaalo waxay duudka ka saaran yihiin hooyooyinka iyo caruurtaas taagta daran ee gaajada la liicaya. 

Dakhliga xoolaha ka soo xerooda waxa kaga soo noqda qoyska xoolo-dhaqatada ahi waa wax aad u yar oo sanduleelto ah. Dheefta dheeriga ah ee ganacsiga xoolaha waxa iska wada qaata ganacsatada iyo maamulada dawladda; iyagoo habayaraatee wax maalgelin ah dib ugu soo celin xerada xoolaha lagu dhaqo. 

Xoolo raacatadu ma laha ururo ay iskaga caabiyaan dheef-miiradka magaalo ee joogatada ah, ama af-hayeeno dantooda u hadla. Weliba waxay ugu dareen in dhulkii daaqsinta ahaa ee ay xoolaha ku raaci jireen, reer-magaalku ka samaystaan ceshiimooyin/seerayaal looga jeedo, keliya, dhul-xidhasho iyo hanti-boob; iyagoo lib ka haysta maamulada jira. 

Isma qabato in mar kasta maamulada Soomaalida iyo reer magaalku ku faanaan: “xooluhu waa udub dhexaadka dhaqaalaha dalka” iyo inay daayac ahaadaan tan iyo maalintii dawladnimo la helay, 1960kii. Ilaa hadda lama hayo dawlad Soomaaliyeed oo qaadata murtida reer-miyiga ee tiraahada: “marka duunyo nooshahay ayaa dad nool yahay”; oo u darban daryeelka dadka reer-miyiga ah; siiba xoolo-dhaqatada. Waa la sugayaa. Insha Allaahu way imaan.

Wa Billaahi Towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2022 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.