W.Q. Xuseen Xalane
Saaxiibkey Cabdirashiid Xaashi oo ka mid aha ragga inta badan igu riixa inaan Afarayda tiriyo, ayaa Twitterka galiyey Gabaygan soo socda oo meelo taataabtay sida tayo-xumida iyo tabaqsiga rayiga isticmaalayaasha Baraha Bulshada. Taas kuma ekenaanina meelo kaluu fantay sida Ninka iska leh Twitterka Ellen Musk iyo arrimo badan. Gabayga 2aad wuxuu tixraac u yahay Gabayga C/Rashiid, anigoo muujinaya sidaan u saluugey in xaaladda Soomaalida ayba jiri karaan Maqaawiir.
Gabayga 1aad: Gole-maqaawiir (Cabdirashiid Xaashi)
Cabdirashid Gabaygiisa aan raadi-raaci doono, waxa uu ku yidhi sida soo socta:
- Twitter-kaan sidii suuq mug-weyn, edeg la meegaartay;
- Oo kii maan leh & laba miirahii, meel la wada keenay;
- Oo been mowjadaa ay runtii, moolka sare geysey;
- Macno dad aan lahayn iyo troll, loo markaday ciidan;
- Oo Majaaniini ay mufakariim, sheegan magacooda;
- Oo maal-qabeenadu ay miskiin,muran la meeraysan;
- Madax faradka media-yahani dhigay, waa maanka geli-waaye;
- Lamana mooga oo ina Muskina xaal, sii mushkiladeeye;
- Madax iyo minjaba wuu u rogey,Twitter miisaaman;
- Waa ninkaa mark-kadi ku xiray, mood ninkii bixine;
- Afartaas miisaanka gabay, miin ma ka higaadshey;
- Ma mireeyey maansadaa, anoon marin habaabaynin;
- Afar kalana mid aan maaganaa, an meeriskiis mariyo;
- Madashaan milgood een kal-hore, siiyey magaceeda;
- Ee aan MUXALLAL-kii dalkaan, duubki madax saartay;
- Aan macneeyo maantoo kalaa, gabay la meershaaye;
- Waa madal aqoon-yahanka mudan, doodda ku-mideeyo;
- Majlis weeye maqaawiiri talo, meel isugu keento;
- Maktab weeye Soomaaligii mutaa, loogu mahadheeyo;
- Misal baa ka dhaca daalimkana, lagu maqaar siibo;
- Marjac weeye oo waa maktabad, jiil xog loo mariyo;
- Muslim baa leh oo diintu waa, moral-ka hogaansha;
- Waa maal u leeyahay qofkii, muruqa loo sheegto;
- Waa maddariso gesigii mintidi, macalinkeediya;
- Waa madal af-Soomaali-gana, meeris lagu qaato;
- Oo waa mareeg maansada abwaan, meerisyadi keenta;
- Madadaalo & HAAYEE-HAAYEE, kama marnaan doonto;
- Waxba gabaygu yuu sii murgine, waxaan ku soo miisay;
- Maashaa Allaahuye madashatani, waa minanka kiinaaye;
- Mareeg weeye uu muxallalkiin, idinku maamuusay;
- Martina maydun tihin ee ruux kastaa, madax banaantiisa;
- Wixii uu macnayn maan-hadal, talo wuxuu muujin;
- Ha soo maaxdo, madashu waa, gole maqaawiire;
Haddaba gabayga Meelo-qaban waa ayaan ugu jawaabay sida hoos ku qoran:
- Rashiidow Adduun murugsan baad, maami leedahaye
- Murti dhimatay Maansiyo Xigmado, loo mashxaradaaye
- Raggii Gabayga miihaahiyo, madhay Abwaankiiye
- Miisaankiisa nimaan aqoon, midhaha luuqdiisa
- Ninba malihi meel ula abraar, malo habowgiiye
- Dad Minjaha kor loo soo marshoo, madaxu laadlaado
- Waxay dhuunta mariyaan dadkaa yahay muraadkoodu
- Dalkan aan Maktabad soo jirtiyo, kayd muglaba haysan
- Xaggee Gole Maqaawiir kaba iman, waaba weel madhane
- Culimadu Minhaajkii sidii, uma macneeyaane
- Xerta sumaca loo meerin jirey, Golaha meegaaran
- Muftidigii maslaxad raadin jirey, kaalintiis maqane
- Waa labo midkood Culumadaad, maanta aragtaaye
- Muslimnimo mid kula sheeganoo, Madaxa kaa gooye
- Iyo Ribada qaar muudsadoo, nooc mushtara sheegta
- Masjidkaba hadduu Mawdki degey miiqan nabadiiye
- Xaggee Gola Maqaawiir kai man Miiqan Nabadiiye
- Majnuun baa qabsaday Meediyaha, Maanta badidoode
- Macno ma leh Magaankii hadliyo, Baali malaftaaye
- Haweenkaan maryaha tuurayee, Mirani Yuutuubka
- Iyo Muranka Tiiktoogga iyo, ceebta mulacyeysa
- Mooryaanta Facaebuug ku mamay, mehered beelkooda
- Nin intaa u wada muuqatoo, maahsan baan ahaye
- Hadba Aniga oo maarsadaad, igu ridaa mole
- Hay mudmudin inaan dhiig mantaqo maanta ii furane
- Nimco lagu mannaystiyo Dhulkaa, khayrka lagu miisey
- Dadkan Maashi iyo maal Adduun, boqol malyuun haysta
- Ee Malayga Badahooda miran, cidi malayneynin
- Ee midhaha beero iyo Moos, dhoofin kara maanta
- Ee wali macluushaa u dhiman, maamin kari waaga
- Waa waxaan la madaluufayaa, meel qaban waaye
- Aayar baan ismiidaamiyaa sida Miskiinkiiye
- Hay mudmudin inaan dhiig mantaqo maanta ii furane
- Elen Muska aad maagi iyo, meelahaad fanini
- Tabartii Nin moog baad tahaoon, garan maqaamkiise
- Inuu Mudug ismaagii ka jiro, muruqi Laandheere
- Oo maamul iyo Dawladnimo, miiggan iman weydey
- Ma moogide ka muluq siibadkaa, maanki kaa xadaye
- In Goldogoba oon loogu madhan, milicda jiilaalka
- Oon Ceel Tolkaa uga mudneyn, maqashay shaalooye
- Inta aad xal muuqdaa u heli, mahadhadaa taagan
- Ee magacaga Soomaalidiyo, sharaftu soo meeri
- Hays mutuxine Maandho, sidii Maganta gaagaabso
Dhammaad
Xuseen Xalane
Email: [email protected]>
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2023 WardheerNews, All rights reserved