Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gabayo: Silsilad Billaw ah

W.Q. Xuseen Xalane

Saaxiibkey Cabdirashiid Xaashi oo ka mid aha ragga inta badan igu riixa inaan Afarayda tiriyo, ayaa Twitterka galiyey Gabaygan soo socda oo meelo taataabtay sida tayo-xumida iyo tabaqsiga rayiga isticmaalayaasha Baraha Bulshada. Taas kuma ekenaanina meelo kaluu fantay sida Ninka iska leh Twitterka Ellen Musk iyo arrimo badan. Gabayga 2aad  wuxuu tixraac u yahay Gabayga C/Rashiid, anigoo muujinaya sidaan u saluugey in xaaladda Soomaalida ayba jiri karaan Maqaawiir.

Gabayga 1aad: Gole-maqaawiir (Cabdirashiid Xaashi)

Cabdirashid Gabaygiisa aan raadi-raaci doono, waxa uu ku yidhi sida soo socta:

  1. Twitter-kaan sidii suuq mug-weyn, edeg la meegaartay;
  2. Oo kii maan leh & laba miirahii, meel la wada keenay;
  3. Oo been mowjadaa ay runtii, moolka sare geysey;
  4. Macno dad aan lahayn iyo troll, loo markaday ciidan;
  5. Oo  Majaaniini ay mufakariim, sheegan magacooda;
  6. Oo maal-qabeenadu ay miskiin,muran la meeraysan;
  7. Madax faradka media-yahani dhigay, waa maanka geli-waaye;
  8. Lamana mooga oo ina Muskina xaal, sii mushkiladeeye;
  9. Madax iyo minjaba wuu u rogey,Twitter miisaaman;
  10. Waa ninkaa mark-kadi ku xiray, mood ninkii bixine;
  11. Afartaas miisaanka gabay, miin ma ka higaadshey;
  12. Ma mireeyey maansadaa, anoon marin habaabaynin;
  13. Afar kalana mid aan maaganaa,  an meeriskiis mariyo;
  14. Madashaan milgood een kal-hore, siiyey magaceeda;
  15. Ee aan MUXALLAL-kii dalkaan, duubki madax saartay;
  16. Aan macneeyo maantoo kalaa, gabay la meershaaye;
  17. Waa madal aqoon-yahanka mudan, doodda ku-mideeyo;
  18. Majlis weeye maqaawiiri talo, meel isugu keento;
  19. Maktab weeye Soomaaligii mutaa, loogu mahadheeyo;
  20. Misal baa ka dhaca daalimkana, lagu maqaar siibo;
  21. Marjac weeye oo waa maktabad, jiil xog loo mariyo;
  22. Muslim baa leh oo diintu waa, moral-ka hogaansha;
  23. Waa maal u leeyahay qofkii, muruqa loo sheegto;
  24. Waa maddariso gesigii mintidi, macalinkeediya;
  25. Waa madal af-Soomaali-gana, meeris lagu qaato;
  26. Oo waa mareeg maansada abwaan, meerisyadi keenta;
  27. Madadaalo & HAAYEE-HAAYEE, kama marnaan doonto;
  28. Waxba gabaygu yuu sii murgine, waxaan ku soo miisay;
  29. Maashaa Allaahuye madashatani, waa minanka kiinaaye;
  30. Mareeg weeye uu muxallalkiin, idinku maamuusay;
  31. Martina maydun tihin ee ruux kastaa, madax banaantiisa;
  32. Wixii uu macnayn maan-hadal, talo wuxuu muujin;
  33. Ha soo maaxdo, madashu waa, gole maqaawiire;

Haddaba gabayga Meelo-qaban waa ayaan ugu jawaabay sida hoos ku qoran:

  1. Rashiidow Adduun murugsan baad,  maami leedahaye
  2. Murti dhimatay Maansiyo Xigmado,  loo mashxaradaaye
  3. Raggii Gabayga miihaahiyo,   madhay Abwaankiiye
  4. Miisaankiisa nimaan aqoon, midhaha luuqdiisa
  5. Ninba malihi meel ula abraar,  malo habowgiiye
  6. Dad Minjaha kor loo soo marshoo, madaxu laadlaado
  7. Waxay dhuunta mariyaan dadkaa yahay muraadkoodu
  8. Dalkan aan Maktabad soo jirtiyo,  kayd muglaba haysan
  9. Xaggee Gole Maqaawiir kaba iman, waaba weel madhane
  10. Culimadu Minhaajkii sidii,  uma macneeyaane
  11. Xerta sumaca loo meerin jirey, Golaha meegaaran
  12. Muftidigii maslaxad raadin jirey, kaalintiis maqane
  13. Waa labo midkood Culumadaad,  maanta aragtaaye
  14. Muslimnimo mid kula sheeganoo,  Madaxa kaa gooye
  15. Iyo Ribada qaar muudsadoo, nooc mushtara sheegta
  16. Masjidkaba hadduu Mawdki degey miiqan nabadiiye
  17. Xaggee Gola Maqaawiir kai man Miiqan Nabadiiye
  18. Majnuun baa qabsaday Meediyaha,  Maanta badidoode
  19. Macno ma leh Magaankii hadliyo,  Baali malaftaaye
  20. Haweenkaan maryaha tuurayee,  Mirani Yuutuubka
  21. Iyo Muranka Tiiktoogga iyo,  ceebta mulacyeysa
  22. Mooryaanta Facaebuug ku mamay,  mehered beelkooda
  23. Nin intaa u wada muuqatoo,  maahsan baan ahaye
  24. Hadba Aniga oo maarsadaad,  igu ridaa mole
  25. Hay mudmudin inaan dhiig mantaqo maanta ii furane
  26. Nimco lagu mannaystiyo Dhulkaa,  khayrka lagu miisey
  27. Dadkan Maashi iyo maal Adduun,  boqol malyuun haysta
  28. Ee Malayga Badahooda miran,  cidi malayneynin
  29. Ee midhaha beero iyo Moos,  dhoofin kara maanta
  30. Ee wali macluushaa u dhiman,  maamin kari waaga
  31. Waa waxaan la madaluufayaa,  meel qaban waaye
  32. Aayar baan ismiidaamiyaa sida Miskiinkiiye
  33. Hay mudmudin inaan dhiig mantaqo maanta ii furane
  34. Elen Muska aad maagi iyo,  meelahaad fanini
  35. Tabartii Nin moog baad tahaoon,  garan maqaamkiise
  36. Inuu Mudug ismaagii ka jiro,  muruqi Laandheere
  37. Oo maamul iyo Dawladnimo,  miiggan iman weydey
  38. Ma moogide ka muluq siibadkaa,  maanki kaa xadaye
  39. In Goldogoba oon loogu madhan,  milicda jiilaalka
  40. Oon Ceel Tolkaa uga mudneyn,  maqashay shaalooye
  41. Inta aad xal muuqdaa u  heli,  mahadhadaa taagan
  42. Ee magacaga Soomaalidiyo,  sharaftu soo meeri
  43. Hays mutuxine Maandho,  sidii Maganta gaagaabso

Dhammaad

Xuseen Xalane

Email: [email protected]>


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.