W/D: Idiris M. Cali
Axmed Xaaji Ciise (Khadar), oo ah gabayaa deggan gobalka Firjiiniya ee dalka Maraykanka, waxa uu gabaygan tiriyay 27kii bishii 11aad, sanadkii 2010. Waxa uuna gabaygan ugu caqlicelinayay qurbajoogta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii ay Jigjigi u soo hillaacaysay. Ku dhowaad toban sano ka dib, xaaladihii uu gabaygani waagaas ka curtay wali lagama luqluqan. Maxay yihiin sababuhu? Mid qur ah haddaan is dul taagno: Dulucda gabayga, oo ah waddaniyad baraxla’, ayaan wali dadkeenna qaarkiis ku duxin, siiba qurbajoogta la moodo inay u hiloobeen dalka.
Gabayaagu isagoo ka hadlaya sababaha keenay gabaygan waxa uu yiri: “Gabaygaan waxaan tiriyay wakhtigii qolyihii macaaradka ee DDSta ahaa ay la heshiiyeen dawladdii Itoobiya ee Meles Senaawi. Wakhtigaas isaga ah ayaa dhinaca kale waxaa ii muuqanayay qolyo “qurbajoog” isku sheegoo, waddanka ku yaacayoo, dhulkii iyagu ay lahaayeen aad mooddid [inay ka yihiin] shimbiro haruur loo daadiyay, oo boobtamayoo, inay bilaash wax ku helaan raba. Maansadan ayaa i hor martay, aan dib ugu milicsanayo wakhtiyaashii hore ee Minilik, Hayla Salaase iyo Mingistu Haaylamaaryaam ay waddanka soo ragaadiyeen.”
Wuxuu gabayaagu yiri:
Qarniyadiyo taariikhda iyo qaybta igu aaddan
Qoto dheere waa waxaan marnaba qalinku koobayne
Wax yaroon ka qooraansadaan qurub ku taabsiine
Aan qiyaaso waa tay wax badan igu qasbaayeene
Waxaan qabay qadaad riixis iyo quudhsi liidnimo e
Waxaan qabay anoon gaadhi karin malaha qayrkay e
Waxaan qabay qisaas iyo dhac iyo qooq la ii dilo e
Waxaan qabay anoo inaan qof ahay lay qaddarinayne
Waxaan qabay qormada dowladnimo qaab ka goonniyahe
Waxaan qabay anoo qaawanoon qeydna xidhanayne
Waxaan qabay anoo inaan qoslaa qoonsimaad tahaye
Waxaan qabay “Qabtaay!” iyo “Xidhaay!” iyo “Qushaashaa!” e
Waxaan qabay qarfaha oommanaha ceel an lay qodine
Waxaan qabay qoraal iyo tacliin layga qadiyaaye
Waxaan qabay haddaan qawl idhaah qoorta lay jaro e
Waxaan qabay anoon kaabad qudha lay qotominayn e
Waxaan qabay dadkoo quusta oo qaadka laasima e
Waxaan qabay quruun camal la’aan qoodan suuqyada
Waxaan qabay inaan soo qaxoon dunida quudaaye
Waxaan qabay dadkii wada dhashoo kala qandhoodaaye
Waxaan qabay quruush laygu gado qaalin saan ahaye
Waxaan qabay qandhiyo duumo iyo qaado aafa ahe
Waxaan qabay sidaa lay qoqobay qoloba meesheed e
Xaqa oo indhaha laga qarsaday qiimo iima lehe
Qabqablaha sidiisiyo kuwii qaranka aafeeyay
Qurbajoogta duul baa ku jira quud wax dhaafsada e
Kuwa soori naga qaadday oo quus ah baa jira e
Waxba yaan qalaas ruux kaliyo qooddi la i siine
Waxba yaan cad quudheed aniga jeegag lay qorine
Waxba yaanan qaan la igu siin qari cadkaagiiye
Qandaraasyo yaan ani mar qudha tooggo ii qabane
Anigoon qasaariyo dil iyo dirir u qaashaysan
Oo qaabka nololeed samaha sii qaddarinaaya
Kuwa nabadda qaatow midhkaa waan idiin qiraye
Tallaabada aad qaadeenna waa qodobki koowaade
Hayeeshee wax badan baa qabyo ah xiiso loo qabo e
Haddii aan la qaban shacabku tuu idinka quudaayo
Qoraalkiyo anigu maansadiyo qayladaan tebinne
Qaradliyo danaystow ayay kula qadhaadhaanin
Ninka qoonsadow gabaygu waa qawl-xorriyadeede!
Ma mooddaa in gabaygan maanta la tiriyay, oo lagaga falcelinayo falaadyada isla maantaba ka aloosan dalka? Bal aynu aragno sida ay falaadyadani ula falgalaan dulucda gabaygan, siiba tusaalaha gabayaaga ee toolmoon ee uu keni-adayggiisa ku diiddan yahay ka qaybqaadashada tacaddiga umadda. Bal aynu aragno sida aynu u kala furdaaminno isdiiddooyinka jira, oo ay kow tahay in dal laga shaqaysto mooyee aan loo socon dal loo shaqeeyo—isagoo afku ka go’i la’yahay sida beenta loo daldalo; gacmuhu, sida wax la isu dabamariyo; luguhu, sida danyarta loo harraatiyo; calooshuna, sida ay ugu dibbirto xaaraanta.
Waxaa gabayaaga lagala xiriiri karaa dhanjiciisa: ahmedsinta@live.com
W/D: Idiris M. Cali
Dhanjac: idiris.m.cali@gmail.com
Leave a Reply