WardheerNews
Doxa (WDN)- Tan iyo intii ka dambeysay burburkii Dowladda Dhexe ee Soomaaliya sanadki 1991, waxa jiray isku dayo badan oo la rabay in dib loogu dhiso ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taasi oo keentay in dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed tababaro kala duwan loogu qaado dalka dibadiisa, iyaga oo la geeyay wadamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Yugaandha, Imaaraadka, Eriteriya, Turkiga, Itoobiya, Masar iyo Maraykan. Qiyaas aan la xaqiijin ayaa sheegaysa in la tabbaray ciidan kor u dhaafay 60,000. Waxaase jirta in tababaradaas iyo ciidankii la rabay in ay hantiyaan difaaca dalka Soomaaliyeed ay ragaadisay maamul xumo iyo musuq baahsan, oo keentay in aysan ciidankaasi daboolin baahidii loo soo tababaray. Sababaha ugu waaweyn ee dib u dhaca keenay waxaa ka mid ah hoggaan xumo, istaraatijiyad iyo qorshe la’aan ku habsatay yegliilida ciidan loo dhiso dalka.
Haddaba waxaa soo baxay warar sheegaya in Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu soo tababaray dalka Qadar dhawaan la keenay qeybtii u horeysay magaalada Muqdisho horaantii bisha May, 2025, si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda xagjirka ee Al Shabaab. Dhalinyaradaasi ayaa la sheegaya in aysan aheyn kuwa dowlada Soomaliyeed tababar ciidan ugu dirty Qadar, ee ay yihiin dad iskood si xoogsi ah u galay ciidamada Qadar.
WardheerNews oo samaysay baadhitaan saxaafadeed (investigative journalism), ayaa u kuur gashay ciidamadaas waxa ay yihiin iyo qorshihii ka dambeeyay in tababar Qadar siiso iyo dib u soo celintooda dalka. WardheerNews ayaa xoggo badan ka heshay qaar ka mid ah dhalinyaradaasi, xogtaasi oo si kooban aanu hoos idinkula wadaageyno.

Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa sanadkii 2017 iyo 2018 ay dawlada Qadar qoratay, kuwaasi oo laga soo ururiyay goboloda kala duwan ee Soomaaliya. Haddaba waxa jirta in Dawladii Soomaaliyeed ee xilligaa jirtay iyo kuwii ka dambeeyey in aysan wax shaqo ah ku laheyn qoritaanka dhalinyaradaas, balse ahaa dad si shaqaale ama xoogsi u glay ciidamada Qadar.
Dawladda Qatar ciidanka waxay qoratay xilli ay collaad kula jirtay dawladaha Imaaraadka (UAE) iyo Sucuudiga, oo uu xiriirkoodu xumaa. Qadar ayaa wakhtigaasi u diyaar garoobeysay colaaddaasi iyo marti gelinta Koobka Kubada Cagta, ee Caalamka (World Cup), taas oo ay u baahneyd sugida amniga.
Ciidankaas Soomaalida ahi waxay ka mid noqdeen ciidamada Qaranka ee Qadar, iyagoo loo tababaray qaybaha kala duwan ee ciidanka. Mudo 7 sano ka badan ayey ciidankaasi shaqooyin kala duwan u qabanayeen dawlada Qadar, iyagoo qeyb mug leh ka qaatay amniga iyo ilaalintii xasiloonida koobkii caalamka.
Xilligan waxaa soo kordhay dawlada Federaalka ee Soomaaliya oo ku guul dareysatay sugida amniga dalka iyo la dagaalanka Al Shabaab. Dowladda Federaalka oo ciidan la’aan soo wajaahday, iyada oo baahi weyn u qabta ciidan, ayaa waxa ay ku kaliftay in ay ururiso macawilsay iyo caloooshooda u shaqeystayaal.
Qadar ayaa bishii May, 2025 bilawyday in si khasab ah, islamarkaana ay khayaamo ku jirto in dhalinyarada Soomaaliyeed ee 7 sano in ka badan ciidanka u ahaa u daabuleysa Muqdisho. Waxa kale oo ay Qadar ugu balan qaaday dhalinyaradaa Soomaaliyeed ee hadda la geeyey ama la qorsheynayo in la geeyo Muqdisho in ay si ku meel gaar ah (KMG) uga soo dagaalami doonaan Soomaaliya, ka gadaalna dib ugu soo noqon doonaan shaqadooda ciidan ee Qadar.
Ciidanka qaybta hartay, ee aan wali loo qaadin Soomaaliya, waxay ka ogaatay qeybtii la qaaday in Baasaboora-doodii laga qaaday, loona qorsheeyay in ay ciidanka Qaranka Soomaaliya qeyb ka noqon doonaan, iyadoo ay hadda gacanta ku hayaan saraakiil Turki iyo kuwa Qadar ah, oo soo daabulaya iyo barbarjoogayaal Soomaali ah.
Ciidankaa Soomaalida oo badankoodu hal xero wada deganaa ayaa dawladda Qadar bilowday in ay kala rarto, si ay aanay mawqif u wada qaadan, maadaama qaar badani dalbadeen in loo ogolaado in ay shaqada laga fasaxo.
Dawladda Qadar ayaa ka diiday ciidankaa in loo fududeeyo in ay hadday rabaan dadkooda Soomaaliyeed u adeegaan, loo kala diro deegaanada maamulada ay ka soo jeedaan. Hase yeeshee waxa loo sheegay in ay Dawladda Dhexe ee Muqdisho oo keliya ay arintan ku jirto, sidaa darteed ay geynayaan Xamar si ay dagaalada socda uga qeyb qaataan.
Badanka ciidaanka Soomaalida ah ee Qadar ku sugan, ee qeybaha kala duwan oo ciidanka loo tababaray, waxay qarka u saaran yihiin in ay dawlada Qadar iyo iyagu iska horyimaadaan, haddii aan si cadaallad ah qorshe loogu suubin. Taas oo ah in loo caddeeyo:
1) In Qadar sheegto in ay ka maarantay oo markaa ay siiyaan in ay kala doortaan in ay ciidan Xamar la geeyo noqdaan oo dagaal gala
2) In ay tagaan deegaanada ay ka soo jeedaan ee Soomaaliya iyo
3) In la fasaxa oo shaqada ciidan ee Qadar iskaga tagaan.
Waxa yaab oo la sheegay in ciidanka Soomaalida ee hadda loo qaaday Muqdisho, ay aaminsanaayeen in ay si dhakhso ah ugu soo laabanayaan Qadar, iyaga oo qaar ka mid ah xitaa furayaashooda gawaarida soo qaatay oo Geerash-ka baabuurta (parking) sii dhigtay, iyagoo rumeysan in 4 bilood ka bacdi dawladda Qadar ay dib ugu soo celineyso shaqadoodii ciidan ee Qadar iyo Dooxa.
Dad ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar, ayaa WardheerNews u sheegay ” Waxa halis ah in dhalinyaro Soomaaliyeed oo si shaqo caadi ah, ciidan dal u qornaa lagu soo kaxeeyo khayaamo oo Soomaaliya loogu soo celiyo.”
Waxa kale oo xusid muddan in Dawlada Qadar dhalinyaradaa u balan qaaday oo ku geysay Soomaaliya in mushaharkoodii iyo xuquuqdii ay lahaayeen markay ciidanka qaranka ee Qadar ka tirsaneeyeen ay u sii socon doonto inta ay Soomaaliya joogaan.
Gunaanad
Waa arin ka baxsan sharciga in Dawlada Qadar dhalinyaro Soomaaliyeed oo ciidan ahaan ugu adeegayay 7-8 sano, ay si khasab iyo khayaano dalka kaga daabusho, oo ciidan aysan raali ka aheyn lagu khasbo.
Qaree nu doodda xuququl insaanka ayaa WardheerNews u sheegay “Qadar waxa looga baahan yahay in Soomaalida ciidanka hadda u ah ay u ogolaato xuquuqdooda, oo si xor ah dalka uga baxaan ama ugu biiraan oo ka mid noqdaan Ciidan Soomaaliyeed. ”
Safaarada Soomaaliya ee Doxa, maadaama ay ugu horeyn u joogto dalka Qadar illaalinta danta muwaadinka Soomaaliyeed; waxa waajib ku ah in aanay fududeyn oo qeyb ka noqon sidii Soomaalida ciidanka Qadar mudada ka tirsanaa Xamar si xoog iyo khayaamo ah lagu geeyo.
Dawlad Qadar waa in aanay u dhaqmin sida hay’adaha shaqaalaha xoogsatada caalamka shaqa geeya, oo ganacsiga beenta ku shaqa geeyo, ee u dhaqanto dawlad ilaalisa xaqa ciidankeeda ha ka soo jeedeen dal kasta.
WardheerNews
