Muqdisho (WDN)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda xagjirka ee Al Shabaab. War ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed (NISA), ayaa sheegay in hawlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen ciidanka gaarka ah ee Gaashaan deeganka Sabiib ee Shabeelada Hoose, lagu dilay horjooge sare oo aan la sheegin magaciisa, oo ka tirsanaa Al Shabaab. Sarkaal kaas oo la sheegay in uu qaabilsanaa Al Shabaab weerarada hoobiyayaasha ee Muqdisho.
Warkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeymo lixaad leh lagu qaaday Al Shabaab, kuwaasi oo ka dhacay deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan, iyada oo halkaasi lagu dilay 46 ka tirsan maleeshiyaatka Khawaarijta ah oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah.
Warkaasi ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto ol’oleha lagula jiro la dagalaanka shabakada Khawaarijta iyo soo celinta xasiloonida guud ahaan gobolada la xoreeyay iyo deegaanada ay ka taliyaan.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa dhawaanahan sare u qaaday weerarada iyo dagalaada ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, oo ay soo food saartay culeys iyo dib u dhac ku yimid ciidanka Soomaaliya, oo ay keentay maamul xumo iyo musuq baahsan, taasi oo sbababtay in Al Shabaab sare u qaado weerarada caasimadda Muqdisho iyo deegaanada koonfurta Soomaaliya.
WardheerNews
Leave a Reply