Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

FEDERAAL BEELEEDKA SOOMAALIDA: LIBAAX DHAGAHIIS SOOMAALIDA LOO DHIIBEY

W.Q. Axmed Khaliif

Nidaamka dowlad-isku-darsiga ah ee loo yaqaan Federaalka( Federalism), waxaa adduunka ku dhaqma dowlado yar oo faro ku tiris ah. Dowladdahaas ayaa inta badan waxaa ku kalifay inay qaataan nidaamkaas dowlad-isku-darsiga ah dadyowga dowladdahaas oo ku kala duwan dhaqanka, diinta, midabka, ama luuqadda iwm. Nidaamka dowlad-isku-darsiga ah oo ka kooban dowlado yaryar oo midkasta u madaxbannaan tahay arrimahooda gudaha ayna ka dhaxayso dowlad dhexe oo ay wadaagaan, ayaa ujeeddadiisa ugu wayn tahay in dowladda dhexe aysan yeelan awood xad-dhaaf ah oo ay ku caburiso shacabkeeda guud ahaan ama ay si gaar ah ugu cadaadiso diin, dhaqan, midab, ama luuqad ay leeyihiin mid kamid ah dadyowga wadaaga dowladdaas. Waxaase inta badan dhacda, markii aysan jirin dowlad dhexe oo xoog leh, in dowladaha yaryar ay ku mashquulaan danahooda gaarka ah, dabadeena ay halkaas ku lunto dantii guud ee ay wadaageen.

Haddii aan wax laga baran, oo cashar laga qaadan, qaladyada ay dadka kale sameeyeen ma dhici karto in aan qof/qolo iyadu qalad kasta samayso. Inta aysan Soomaalidu qaadan nidaamkan Federaal-Beeleedka ah, waxay ahayd in baaritaan dhab ah lagu sameeyo faa’iidada iyo khasaaraha uu nidaamkaas u leeyahay Soomaaliya; in laga faa’iidaysato, oo laga cabbir qaato, qaladaadka ay sameeyeen ummaddaha inooga horreeyey ee nidaamka Federaalku u shaqayn waayey, sida Lubnaan.

LUBNAAN: CASHAR KA FAA’IIDAYSI MUDAN:

Ka dib heshiiskii Sykes iyo Picot oo ay 1916kii Ingiriiska iyo Farsnsiisku ku qaybsadeen dhulalkii carabta ee laga qabsadey imbarodooriyaddii Cusmaaniyinta, ayaa markuu dhammaaday dagaalkii koowaad ee adduunka Lubnaan waxay gacanta u gashey Faransiiska 1923-43kii. Gumaystihii Faransiiska ayaa isagoo ka duulaya siyaasaddii da’da wayneyd ee gumaysiga ‘qaybi oo xukun’, wuxuu Lubnaan ka hirgaliyey dowlad ku dhisan nidaam-dowladeedka loo yaqaan Federaal [Dowlad-isku-darsi] Fariiqo-Diineed (Sectarian Federalism).

Federaalka Fariiqo-Diineedka Lubnaan ayaa wuxuu ka koobnaa: Maronaayt-kaatolik, Oortodokis, Suni-Islaam, Shiica-Islaam, Daruusiyiin, Calaawiyaat, iyo Kobtik. Nidaamka Federaalka Lubnaan – inkastoo uu awood dheeraad ah siiyey fariiqada Maronaaytka – ayaa sida Soomaalida maanta awooddii dowlada ugu kala qaybshey Fariiqo-Diineedyada, oo fariiqo kasta siiyey xilal iyo wasaaraddo iyaga loo qoondeeyey Nidaamkaas ayaa:

– Madaxwaynaha dalka u qoondeeyey Maronaayt-ka,
– Wasiirka-koowaadna Suni-Islaamka,
– Fariiqo-Diineedyada kalena mid kasta  u qoondeeyey jagooyin u gaar ah.

Nidaamkaas ayaa fariiqo-diineedkasta u ogolaanayey in ay soo doorato tiro xildhibaano ah, oo loo qoondeeyey, oo uga qaybgalaya Baarlamaanka Dowladda Federaalka Lubnaan.

Doorashada xildhibaanada Fariiqo-Diineedyada uga qaybgalaya Baarlamaanka Federaalka Lubnaan, ayaa waxaa awoodda ugu wayn lahaa odayaal dhaqameedka Fariiqo-diineedkaas. Arrintaasi waxay keentey, ayaa la sheegey, odayaal dhaqameedka Fariiqo-diineedkasta u soo dirsadaan Baarlamaanka Federaalka shaqsi ka fakaraya oo kaliya difaaca arrimaha u gaar ka ah Fariiqo-diineedkaas; taasina waxay keentey in dagaal siyaasadeed sokeeye ka dhex bilaabmo Fariiqo-diineedyadii Federaalka ahaa, sidaa darteedna ay meesha ka baxdey dantii guud ee Lubnaan. Gumaystaha Faransiiska ayaa isagu ugu talo galey sidaas, in dadka Lubnaan ay u kala qaybsanaadaan Fariiqo-diineedyo oo aysan isaga wadajir uga hor imaan, si danihiisa gumaysi ugu suurto galaan. 1958 ka dib markii ay ka xoroowdey gumaystihii Faransiiska, oo dawladdii dhexe (Faransiika ) ee xoogga lahayd meesha ka baxdey, muslimka iyo masiixiga Lubnaan waxaa markiiba ka dhex billaabmey dagaal sokeeye. Kala qaybsanaantaas diineed ee uu gumaystaha Faransiisku ka dhex abuurey shacabka Lubnaan, ayaa loo aaneeyaa inay sabab u ahayd dagaalkii sokeeye ee dabodheeraadey ee Lubnaan 1975-1990.

Lubnaan ayaa wali illaa iyo hadda, waxay mar kasta qarka u saaran tahay inuu ka qarxo dagaal sokeeye, kala qaybsanaantaasna  cadowgeedu uga faa’iidaystaa.

LIBAAX DHAGAHIIS SOOMAALIDA LOO DHIIBEY:

Soomaaliya oo ka mid ah ummaddaha faro ku tiriska ah ee adduunka aan diin, dhaqan, midab, iyo af midna ku kala duwanayn, ayaa qaadatey nidaamka federaalka oo ku dhisan beelo.

Kadib dagaalkii sokeeye ee qabiillada, ayaa Soomaalidu u aragtey in nidaamka federaalka ah oo kaliya lagu gaari karo dowlad Soomaaliyeed oo wadaag ah oo aan awooddeeda lagu caburin shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ama aan beel si gaar ah loogu waxyeelayn sida dowladdii milatariga ahayd ee M. Siyad Barre – dadka qaar ayaa qaba in nidaamka Federaalka Beelaha Soomaalida loo soo alifey ee uusan ka imaan fikir Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee waxay iminka u eeg tahay in nidaamka federaalka ah uu xallin kari waayey dhibaatadii Soomaalida. Nidaamka federaalka [dowlad-isku-darsiga] ah] oo ujeeddadiisa ugu wayn tahay in qayb ka mid ah qaybaha dowladda dhexe ama dowladda dhexe ee la wagaago [federaalka], aysan yeelan awood ay si gaar ah ugu caburiso qayb ka mid ah ama qaybaha dowlad-wadaaga ah oo dhan si guud – ayaa haddana haddii awoodda dowladda dhexe ee federaalku aad u yar tahay ay horseedi kartaa kala qaybsanaan, fawdo, iyo dowlad la’aan. Haddii dowladaha xubnaha ka ah dowlad-isku-darsiga [federaalka], sida ka dhacdey Lubnaan iyo meelo kaleba, aysan u midaysnayn ilaalinta danta guud oo ay kala yeeshaan dano gaar ah, waxaa halkaa ka dhalan kara in danta guud ay dayacanto iyo kala qaybsanaansho ay kala qaybsan yihiin qaybaha federaalka ah oo cadawgoodu si dhib yar uga faa’iidaysto.

Beelaha Soomaalida oo wali si dhow u xasuusta xukunkii milatariga ahaa ee Siyaad Barre oo awoodda dowladda dhib loogu gaystey ummadda Soomaalida si guud iyo si gaar ahaaneedba, iyo waliba dagaalladii sokeeye ee qabiillada Soomaalida oo aan wali si dhab ah looga heshiin, ayey adag tahay inay ogolaadaan dowlad dhexe oo leh awood ay ku muquunin karto guud ahaan shacabka Soomaliyeed ama  qayb[o] ka mid ah qaybaha federaalka gaar ahaan. La’aanta dowlad dhexe oo Soomaaliyeed oo xoog leh iyo qabiillada Soomaalida oo wali kala shakisan oo aan loo samayn dib u heshiisiin dhab ah – kana cabsi qaba dowlad dhexe oo xoog leh – waxay sababtey muran iyo isqabqabsi joogta ah oo u dhexeeya dowlad beeleedyada xubnaha ka ah federaalka [dowlad-isku-darsiga], iyo waliba iyaga iyo dowladda dhexe ee ay xubnaha ka yihiin.  Nidaamkaan federaalka [dowlad-isku-darsiga] noocaan ah ee aan ku dhisnayn heshiis iyo is-af-garad dowladaha xubnaha ka ah, haddana aan ku tiirsanayn dowlad dhexe oo xoog leh ayaa sababi kara,  bal xal inuu keeno daaye,  in  i) dowladda dhexe ay burbuto ii) dagaal sokeeye oo cusub ka dhex bilowdo dowlad beeleedyada iii) cadowga Soomaaliya uga faa’iidaysto kala qaysanaanta iyo awood la’aanta Soomaalida.

Nidaamka Federaalka [Dowlad-isku-darsiga] Soomaalida ee ku dhisan Dowlad Beeleedyada ayaa u eeg  mid loo soo allifay in Soomaalida lagu kala qaybiyo. Khilaafkii shaley ayaa maanta ka dhextaagan, berrina ka dhextaagnaan doona Dowlad Beeleedyada dhexdooda ama iyaga iyo dowlada Federaalka. Dhib uu keeney mooyee Illaa iyo hadda ma jirto dhib uu xaliyey nidaamka Federaal Beeleedka Soomaalidu; Walina waxay dhibta ugu wayn ka iman doontaa in laga noqdo: haddii lagu jiro waa shiddo, hadii laga baxona ka sii daran. Soomaalida ayaa maanta u eeg nin libaax nool dhagihiisa loo dhiibey (real Pandora’s Box).

Nidaanka Federaal-Beeleedka Soomaalida ayaa u eeg mid laga soo minguuriyey nidaamkii Fariiqo-Diineedyada ee Lubnaan ayaad mooddaa in Soomaalidu iyadoo aan si fiican uga fiirsan ay xal moodeen oo iska qaateen.

GUNAANAD:

Isku soo duuduub oo nidaamka dowladnimo ee ugu habboon beelaha Soomaalida/Soomaaliya ayaa ah nidaamka loo yaqaan xukunka baahsan (Power Devolution). Nidaamkaas oo si fiican looga fakarey ayey Soomaaliya qaadatey 1960 kii, markii ay  ka xoroowdey gumaystayaashii reer Yurub, illaa xukunkii milatariga ee 1969 kii. Xukunkaas baahsan ayaa beelaha Soomaalida u ogolaanayey in illaa xad ay u madaxbanaanaadaan maamulka hoose ee degaankooda; iyagoo dooran jirey golaha deegaanka iyo gudoomiyaha degmadooda. Xildhibaano laga soo doortey heer degmo, oo dadku si toos ah ugu codeeyeen, ayaa degmooyinka ku matali jirey heer qaran, iyagoo danta degaanka laga soo doortey ku ilaalin jirey danta guud ee qaranka.

Maadaama ay dhici karto in gobollada qaarkood ay wada degaan beelo kala duwan, ayna dhici karto in ay ku heshiin kari waayaan doorashada Guddoomiyaha Gobolka, Dowladda Dhexe ayaa u soo magacaabi jirtey Guddoomiyayaasha Gobollada, iyadoo la isku deyayo in gobol kasta loo helo Guddoomiye dhexdhexaad u noqon kara beelaha gobolkaas wada dega. Taas macnaheedu ma aha in aan nidaamkaas waxba ka khaldanayn balse wuxuu ahaa nidaam waxa ka khaldan wax laga saxi karo, halka nimaadanka federaal beeleedyada Soomaaliya ee maanta ay adagtahay in wax laga saxo, in wax sax ah ka soo baxaan, iyo in xitaa laga noqdo. Sidaas darteed ayaad moodaa in nimaadka Federaal Beeleedyada Soomaaliya, sida kii Lubnaan ee aan kor ku soo sheegnay, loogu talo galey in dhib loogu sii gaysto Soomaalida daalka iyo darxumida la dalanbaabiyaysa/dhacdhacaysa.

Xalka dhibta Soomaaliya ayaa ku wanaagsanaan lahaa inuu ka yimaado Soomaalida dhexdeeda; in aan kor looga keenin ee uu hoos ka soo unkamo. In dib-u-heshiisiin dhab ah, oo heer degmo ah, oo siyaasad ka madax banaan,  loo sameeyo beelaha walaalaha ah ee wada dega degmo kasta; iyo in la helo dowlad dhexe ee Soomaaliyeed—  ee aysan lahayn  Qatar, Immaaraad, Sacuudi Careebiya, Kenya iyo Itoobiya midna — oo u hawl yaraysa, muhiimadda koowaadna siisa, dib-u-heshiisiintaas beelaha Soomaalida, kana fogaata wax kasta oo sii kala fogayn kara beelaha Soomaalida.

W.Q. Axmed Khaliif
Email:  [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.