Farmaajo oo saxiixay 13 kursi oo la sheegay in Gobolka Banaadir ku yeelano Aqalka Sare

Farmaajo oo saxiixay 13 kursi oo la sheegay in Gobolka Banaadir ku yeelano Aqalka Sare

Muqdisho- Warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo saxiixay 13 Kursi oo la sheegay in Gobolka Banaadir ku yeelano Aqalka Sare.

Madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisii ay u hadhay wax ka yar 10 casho, ayaa dad badani u arkaan arintan uu ku dhaqaaqay mid hareer marsan dastuurka dalka, islamarkaana uu rabo in uu ku kala jabiyo mucaaradka ka soo horjeeda.

Warsaxafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay WardheerNews ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:

———

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Xukuumadda in ay xeeriyaan habraac u gaar ah matalaadda Gobolka Banaadir oo ay ka muuqato isku dheelitirnaan bulshada Soomaaliyeed, iyada oo qaddarin gaar ah laga siinayo deegaanka Caasimadda lana fulinayo inta lagu guda jiro doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya