Muqdishu (WDN) – Doorashaddii madaxweynaha Soomaaliya oo maanta oo ku beegan bishan Febraayo 8-dii ka dhacday magaalada Muqdishu, ayaa wareegi labaad waxa ku guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, oo iskugu soo hadhay wareegii labaad, ayaa waxa kaalinta koowaad ku guuleystay Farmaajo oo helay 184 cod, halka Xasan Sheekh ka helay 97 cod, iyo Sheekh Shariif oo isna helay 46 cod.
Xasan Sheekh ayaa ka gadaal ka tanaasulay in la galo wareeg saddexaad, isaga oo u hambalyeeyay Farmaajo xilka cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa isla goobta lagu dhaariyay.
WardheerNews
Leave a Reply