Muqdishu (WDN)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan afaafka hore ee labo maqaayad oo isku dhow oo ku taal degmada Hodan, kuna dhow agagaarka Isgoyska Banaadir.

Markii hore warar kala duwan ayaa kasoo baxay qaraxaasi, iyadoo la sheegayay in la bartilmaameedsaday Posh Hotel oo ku dhow, Posh Treats. Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogan sida ay sheegeen dadka ku dhawaa goobta uu ka dhacay.
10 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen weerarka oo sidoo kale saameyn ku yeeshay hotelka Posh Treats oo siweyn ugu dhaw Pizza House.
Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya oo howlgal ka wada maqaayadaha la weeraray ee Pizza House iyo Posh Hotel ayaa soo badbaadiyay tiro dad ah oo ay ka mid ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalalka Kenya iyo Itoobiya
Xaalada ayaa hada ah mid deggan, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku haya, waxaana socda tira koobka khasaaraha uu geystay qaraxa.
Dhanka kale Afhayeenka howlgalada Al-shabaab Cabdcasiis Abuu-muscab ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan ururka Shabaab weerar ku qaadeen caawa sida uu hadalka u dhigay Posh Hotel, isaga oo intaa ku darray in wali halkaa howlgalku ka socdo.
Wixii warar ah ee soo kordha, waxaanu idinkula socodsiin doonaa wararka dambe haddii Eebe idmo.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho