Muqdisho, Abril 17, 2013 (WDN)- Dowladda Soomaaliya, ayaa heshiis lagu dhowrayo deegaanka, laguna yareynaayo jaridda geedaha dhuxusha laga sameeyo, la saxiixatay QM, iyadoo xuska maalinta dhirta ee 17-ka ee Apbil-na Muqdisho lagu qabtay.
Heshiiska ay Soomaaliya la gashay QM oo ku kacaya $23-Miliyan, ayay madaxda hay’adaha FAO iyo WFP wad saxiixeen madaxweyne Xasan Sheekh, kadib xaflad maanta ka dhacday xarrunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Md. Luca Alinova, madaxa hay’adda Beeraha ee FAO u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in ay muhiim tahay taageerada beerista dhirta, isla markaana kheyraadka dalkaan lagama maarmaan ay tahay in laga faa’ideyto, dowladda Soomaaliyana ay qaadato go’aan lagu hakinayo dhoofinta Dhuxusha.
Mudane xasan Shiikh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta si dadka uu ugu dhiiragaliyo beeridda geedaha, waxa uu isna gudaha madaxtooyada ku abuuray hal geed.
Waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday Soomaalida inaysan dalka nabaad guurinin balse ay beeraan, daryelaana dhirta.
Xafladdaasi, ayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan.
Maxamed Muur Amiin
Wardheernews
Muqdisho
Leave a Reply