Ciiddamo Soomaaliyeed oo Tababar Loo Xirey Iyo Turkiga oo Rajo ka qaba Inay Somaliland la Midowdo Soomaaliya

Ciiddamo Soomaaliyeed oo Tababar Loo  Xirey Iyo Turkiga oo Rajo ka qaba Inay Somaliland la Midowdo Soomaaliya

Nayroobi, Abril 17, 2013 (WDN)- Ciiddamo ka tirsan booliska Soomaaliya, oo seddex bil tababar uga socday dalka Jabuuti, ayaa shalay galinkii dambe halkaasi loogu soo gaba gabeeyay tababarkaas.

Ciiddamadan oo gaaraya ku dhawaad 200 oo askari, ayaa waxay ahaayeen kuwa duruus dheeraad ah ku qaadanayay dalka Jabuuti, waxaana munaasabaddii xiritaanka tababarka ka qeyb galay taliyayaasha ciiddamada booliska ee dalalka Soomaaliya, Jabuuti, saraakiil ciidan iyo madax ka tirsan Jamhuurriyadda Jabuuti.

Taliyaha ciiddamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhuna Maye, ayaa uga mahad celiyay dowladda Jabuuti taageerada ay u fidiyaan Soomaaliya, waxa uu ciiddanka tababarku u dhammaaday kula dardaarmay inay noqdaan kuwa ka faa’ideysta tababarka ay qaateen ayna ugu shaqeeyaan ummaddooda.

Jabuuti, hore waxa loogu tababaray ciiddamo kala gaddisan oo ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale raysal wasaaraha Turkiga, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in Somaliland ay dib ula midowdo Soomaaliya inteeda kale.
Wargeyska Edmonton Journal ee dalka Kanada ka soo baxa, oo soo xiganaya wakaaladda wararka ee AP, ayaa qorey in Talaadadii uu Erdogan sheegay in rajo uu ka qabo in isfahan midow ah ay gaaraan labada dhinac ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Turkiga, ayaa marti galiyay shir dhawaan la soo gabagabeeyay oo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland iyagoo heshiis horudhac ah ku gaaray magaalada Ankara.

Somaliland, ayaa sheegtay inay ka go’dey Soomaaliya inteeda kale ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo aanay jirin illaa iyo hadda dowlad ama urur caalami ah oo aqoonsaday gooni isu taaggooda.

Jamaal A. Cismaan
WardheerNews.com
Nayroobi, Keenya

Leave a Reply

Your email address will not be published.