Warsaxafadeed
___________
Dowladda Maraykanka ayaa sida ugu adag u cambaaraynaysa dilkii loo geeystey Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maanta magaalada Muqdisho lagu dilay. Waxaan tacsi u diraynaa qoyskii iyo eheladeedii. Dilkani wuxuu tusayaa dhibaatada ay al-Shabaab ku hayso ummada Soomaaliyeed oo dhan, iyo xurmo darada ay u haayaan nabada, caddaalada iyo naxariista ay dhamaan Soomaalidu meel walba ay joogaan ay xusayaan bisha barakaysan ee Ramadaan.
Saado waxay ahayd fanaanad iyo abwaanad caan ah iyo weliba xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale Saado waxay tusaale fiican u ahayd hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Dilkani waa mid aad u saamaynaya dhamaan Soomaalida ku nool wadanka gudihiisa iyo dibadaba.
Dowladda Maraykanku waxay marwalba garab taagantahay dadka Soomaaliyeed, Ciidamada Qaranka Soomaaliya, iyo Hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Waxaana si dhow ula shaqayn doonaa hogaamiyeyaasha siyaasada iyo amniga Soomaaliyeed si loo sii wado la dagaalanka al-Shabaab.
Wasaarada Arimaha Dibada ee Maraykanka
Safaarada Nayrobi
Leave a Reply