Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorka Saxaafadda ee Waqtiga Doorashada

W/Q: Hamdi Wardhere Mohamed

Dulmar 

Saxaafaddu waxay tiir dhexaad u tahay fur-furnaanta iyo xoojinta hanaanka dimuquraadiyadda dal walba. Doorasho aysan saxaafaddu qeyb ka aheyn ma yeelato tartan xiiso,  xamaasad iyo isku soobax cod bixiye-yaal mug leh. Marka laga hadlaayo doorasho xor iyo xalaal ah ma ahan oo kaliya xorriyadda cod-bixinta iyo aqoonta cod-bixiyeyaashu u leeyihiin inay codkooda dhiibtaan laakiin waxaa qeyb ka ah helitaanka hanaan furan oo u suuragalinaya dadweynaha inay ka qeyb-qaataan doodaha furan ee siyaasadda iyo sida loo heli karo xog buuxda oo ku saabsan xisbiyada tartamaya, dhuuxidda barnaamijyada ay xisbiyadu lasoo shirtagayaan iyo qiimeynta ama kala xulashada xogaha shaqsiyadeed ee musharraxiinta iyo meelaha ay ku kala tiirsan yihiin iyo waxqabadkoodii hore.

Saxaafadda xorta ah waxay waqtigaan adduunka ka ciyaartaa door lagu ilaaliyo daah furnaanta hanaanka doorashada iyo guud ahaan saxidda siyaasadda dalka ayadoo si hordhac ah ama ka dabatag ah usoo bandhigta waxkasta oo meelkadhac ama horumar ah oo dalka kajira, annagoo soo xigan karna oraahdii Jim Morrison ee aheyd “qofkii maamulaya saxaafadda ayaa maamula maskaxda ummada”. Saxaafadda Soomaalida wallow ay ku shaqeeyaan daruufo adag oo xaga amniga, xorriyadda, dhaqaalaha iyo aqoontaba ah haddana waxay runtii muujiyaan dhabar-adeyg weyn oo ay bulshadooda ku gaarsiiyaan warar iyo barnaamijyo helitaankooda, dyaarintooda iyo soo bandhigiddooda culeys lagasoo maray. Shaki kumajiro in la duro aqoonta iyo habraaca anshaxa suxufiyiinta Soomaalida qaarkood ayadoo loo sababeyn karo maqnaanshaha aqoonta  ama bixinta ruqsadda suxufinimo oo kalasaari laheyd qofka istaahila inuu qeyb kanoqdo saxaafadda iyo midka kale. Haddaba, qormadaan waxaan ku qaadaadhigi-doonaa qodobbo ay kamid yihiin milkiyadda, waajibaadka iyo doorka hufan ee saxaafadda Soomaalida xiliga doorashada.

Qeybaha Saxaafadda iyo Milkiyaddooda

  • Saxaafadda dowladda: waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo kala; Qeybta 1-aad waa qeybta ku hadasha afka dowladda ama xisbiga markaas talada dalka haya kaasoo soo bandhiga waxqabadka iyo guulaha dowladda. Qeybta 2-aad waa warbaahinta adeega dadweynaha oo kamadaxbannaan maamulka dowladda iyo siyaasadda kana shaqeysa soo bandhigidda barnaamijyada horumarineed ee kobciya aqoonta iyo wacyiga dadweynahasida taariikhda, dhaqanka, midnimada iyo wada noolaanshaha bulshada. 
  • Warbaahinta gaarka loo leeyahay: waa warbaahin faa’ido doon ah oo ka madaxbannaan gacanta dowladda taasoo ay milkiyaddeeda leeyihiin shaqsiyaad ama shirkado, kuwaa oo faa’idada kaseemaya ii dhehyada ama xayeysiimaha ganacsiga iyo baahinta afkaaraha ama warbixinada quseeya siyaasiinta muxaafidka ama mucaaradka ah hadba midkii kusoo jiita dhaqaale ama fakar siyaasadeed.
  • Warbaahin ay leeyihiin xisbiyo siyaasadeed ama shaqsiyaad siyaasiyiin ah: waa nooc warbaahineed oo baahiya ama buunbuunin u sameeya waxqabadka iyo afkaaraha siyaasadeed ee xisbi ama siyaasi gaar ah islamarkaana dura qeybaha kale ee ay is-hayaan taasoo aan tusaale usoo qaadan karno warbaahinta Foxnews oo uu milkiyaddeeda leeyahay Rupert Murdoch kaasoo aad u taageera afkaaraha siyaasadeed ee dhanka midig ee dalalka Mareykanka iyo Australia.

Waajibaadka caamka ah ee saxaafadda waqtiga doorashadda

Haddaba, sida caamka ah saxaafadda xorta ah waxaa xilliyada doorashada looga fadhiyaa inay fuliyaan qodobbada hoos ku xusan inkastoo fursadahaan qaarkood aysan waqtigaan ka abuurnayn dalka Soomaaliya.

  • Inay si cilmi kudheehan bulshada codka dhiibanaysa u gaarsiyaan una baraan xuquuqda iyo miisaankooda cod-bixineed.
  • Inay si joogta ugusoo bandhigaan dhaq-dhaqaaqyada ugu danbeeya ee ololaha doorashada dalka.
  • Inay fursad siman siiyaan dhammaan musharraxiinta, inkastoo saxaafadda gaarka loo leeyahay ay midaan kuxiraan miisaanka qarashka musharaxa iyo sida ay iskula jaan-qaadaan afkaarta siyaasadeed ee musharaxa iyo milkiilaha warbaahintaas.
  • Inay hirgaliyaan madalo ay musharrixiinta iyo siyaasiyiintu kula hadlaan kuna gaarsiiyaan farriimahooda cod-bixiyeyaasha.
  • Inay abuuraan madalo ay dadweynuhu ugusoo gudbiyaan baahidooda iyo ra’yiga ka dhex guuxaya gudiga doorashada iyo xisbiyada ama musharrixiinta tartamaya.
  • Martigalinta doodo cilmiyeysan oo loo qabto siyaasiyiinta tartameysa si dadku uga bogtaan shaqsiyadda, aqoonta, codkarnimada iyo kalsoonida musharaxa taasoo qeyb kuyeelan karta go’aanka cod-bixiyaha, ayadoo laga fogaanayo adeegsiga hadallada xanafta leh ee dhaawacaya sharafta shaqsi, midnimada dadka, qowmiyadaha ama caqiido gaar ah.
  • Shaacinta maalinta, goobaha iyo waqtiga doorashada.
  • Tabinta xog-xaqiiq kudhisan oo kusaabsan kala horreynta codka ayadoo laga fogaanayo been-abuur horseedi kara qalalaaso iyo xasilooni darro.
  • Dabagalka iyo shaacinta guud ahaan hanaanka doorashada, gaar ahaan hufnaanta waxqabadka gudiga doorashada iyo gudiga amniga doorashada.

Maxaa looga fadhiyaa saxaafadda Soomaaliya xiligan lagu jiro doorasho?

Dabcan xorriyadda saxaafaddu waxay muhiim u tahay soo bandhigidda xog ka madax-bannaan danta dhinac gaar ah, waxayna horseedi kartaa horumarka hanaan dowladnimo hufan, caddaalad, bulsho kawarhaysa waxa dalkooda & caalamka kasocda iyo kobac dhaqaale. Annagoo aan moogeyn culeysyada ay ku howl-galaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ayna tahay in lagu ammaano, haddana waa inay ku baraarugaan in saxaafaddu tahay aalad awood u leh dhisidda iyo burburinta waddanka. Suxufigu waa inuu gartaa inuu qeyb kayahay xasiloonida dalka islamarkaana doorkiisa muwaadin-nimo si masuuliyad ku dheehantahay u qaataa. Dalku waxuu kujiraa waqti doorasho, ayadoo rabshadaha ka dhasha doorashooyinka loo qeybiyo laba nooc oo kala ah rabshado la abuuro doorashada kahor oo ah kicin iyo cabsi galin lagu sameeyo deegaanka iyo xubnaha la tuhunsan yahay inay saamayn kuyeelan karaan natiijada doorashada iyo rabshado la abuuro kadib shaacinta natiijada doorashada. Labadaan qeybood-ba saameeyn ayey ku leedahay saxaafaddu qaasatan qaabka ay u tabiso oraahyada iska soo horjeeda, shaqsiyaadka lagu marti galinaayo barnaamijyada warbaahinta iyo cinwaanka loo adeegsanayo barnaamijyada kabaxa warbaahinta.

Waxaa mararka qaar la arkaa idaacad, TV ama website soo bandhiga warar, warbixin, dood ama wareysi laga gaabsan karay oo muran iyo kala qeyb-sanaan baahsan ku reebta maskaxda shacabka taasoo laga yaabo inay damqiyaan boogihii bogdasay ee bulshadan ay ragaadiyeen colaadaha soo noq-noqday. Waxaa suuragal ah in ahmiyadda suxufiga ama tifaftirahu markaas tahay inuu soojiito bulsho maalintaas kusoo xoonta lasocodka rugtiisa warbaahin balse uusan fakar dheer ku bixin saameynta, kala qeybinta iyo dhaawaca ay bulshada u horseedi karto. Waxaa dhacda in TV-yada iyo idaacadaha qaar ay wareystaan ama martigaliyaan siyaasiyiin ama shaqsiyaad lagu yaqaano adeegsiga erayada xanafta leh, kala geynta bulshada ama dhaawicidda midnimada ummuda Soomaaliyeed ayadoo aysan jirin xakameyn lagu sameynayo erayada uu shaqsigu adeegsanayo ama laalid lagu sameeyo hufnaanta xogta uu adeegsanayo shaqsiga taasoo dadka waxgaradka ah ku duri karaan aqoonta iyo anshaxa wariyaha iyo guud ahaan warbaahinta wax tabinaysa. 

Warbaahintu waxay leedahay habraac anshax adag oo ay tahay inuu u hoggaansamo shaqsi kasta oo raba inuu isticmaalo darajada uu rabo ha yeesho, waana warbaahinta midda wax hoggaamisa ee ma ahan shaqsiga martida ku ah barnaamijka. Waxaa marar badan la arkaa shaqsi barnaamij marti ku ah oo aan la xakameyneyn erayada uu adeegsanayo, waqtiga uu hadalkiisu socdo, ku talax-taga shaqsi ama maamul ka maqan goobta oo dhinac difaaca uusan goobtaas joogin iyo doodo anshaxa baalmarsan oo buuqa dhinacyada aan waxba laga maqli karin kuwaa oo isku qaata doorkii su’aasha iyo jawaabta halka wariyihii dhex-dhexaadinayey laga dhigo dhageyste. Dabcan xorriyadda saxaafadda waxay muhiim u tahay bulshada, saxaafaduna waa inay muhiim u aragtaa inay xoriyadaas si loo taageero loona adkeeyo inay masuuliyad adag iska saarto xoojinta midnimada iyo xasiloonida bulshada ayadoo soo bandhigaysa warar iyo barnaamjiyo dhaxal-gal u ah bulshada oo xaqiiqda ka turjumaya. Muhiimaddu waxay tahay inay warbaahinta iyo suxufiguba masuuliyad iska saaraan oo rog-rogaan mowduuca ay baahinayaan waxtarkiisa iyo waxyeeladiisa.

Xilligaan oo dalku dhex maquuranayo doorasho aysan inta badan shacabku qeyb kanoqon doonin, waxaa wanaagsan in saxaafaddu ku hadasho codka shacabka oo bilowdo olole lagu dhiirrigalinayo doorasho xalaal ah oo ay maslaxadda ummaddu kujirto iyo sidoo kale olole kadhan ah doorashooyinka dadban ee dalka kusoo laabta ayadoo culeys kusaareysa dhammaan siyaasiyiinta inay la yimaadaan isbeddal awoodda shacabka dib loogu celinayo sannadka 2025-ta. Saxaafaddu waxay abuuri kartaa jawi iskugu jira canaan iyo cambaareyn kuwajahan dhammaan dhinacyada iskaleh gaarsiinta doorka doorasho qof iyo cod ah iyo dhammeystirka dastuurka dalka,  kuwaa oo muhiim u ah horumarka siyaasadda dalka laakiin ma ahan inay saxaafadu kudhex milanto hardanka siyaasadda dalka. Saxaafadda tayada leh ee madaxabannaan waxaa lagu sifeyn karaa sida garsoore dhex-dhexaad ka ah hardanka siyaasadda oo aan sinnaba uga gabban soo bandhigidda xaqa iyo xaqiiqda.

Gunaanad

Waxaa xusid mudan inay dalkaan soo mareen suxufiyiin u istaagay soo bandhigidda xaqiiqda waqti aad u adag ayagoo ka doortay in halkii loo meerin lahaa warar beenabuur ah inay xaqiiqda sheegaan naftoodana ku waayaan, annagoo Alle uga baryeyna janno. Suxufiyiinta maanta jooga waxay ku shaqeynayaan waqti kayara amni, dhaqaale iyo fursad fiican kuwii shalay naftooda u huray bulshadooda, waana inay qaataan door aan meel uga dhaceyn dhiigga suxufiyiintii naftood hurayaasha ahaa oo lagu hormarinayo dalka laguna saxayo habraaca doorashada dadban ee loo madlan yahay 2021 qudheeda ayadoo la baraarujinaayo lalana xisaabtamayo guud ahaan bulshada, ergada wax dooranaysa, musharraxiinta xildhibaanada iyo xubnaha u taagan xilalka sar sare ee dalka.

Hadaba, maadaama sida uu sheegay Malcolm X. ay saxaafaddu leedahay awood “ay danbiile uga dhigto qof aanan danbi laheyn, danbi la’aana uga dhigto qof danbiile ahaa” saxaafadda Soomaalida waa inay ka feejignaadaan in laga weeciyo soo bandhigidda xaqiiqda ama si qaldan uga faa’ideystaan awoodooda suxufinimo gaar ahaan waqtigan doorashada, annagoo qormadan kusoo gunaanadeyna oraahdii uu Nicholas Lewis kula dardaarmay suxufiyiinta ee aheyd “ Noqo qofka qoranaya warbixintiisa, awoodda aad leedahay waxay kujirtaa qalinkaaga, hana u ogolaalin inuu qof kale kuu meeriyo qormadaada”. 

W/Q: Hamdi Wardhere Mohamed

Email: [email protected]

Facebook: Xamdi Wardheere


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.