Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorashada Dhuusamareeb: Hunguri Wax Ka Wayn La Mariyay Wuu Dillaacaa!

By Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)

Burburkii dawladda dhexe kadib ayuu nin qaraabo la ahaa qoys le’day, dhaxal u helay gurigii ay ka tageen, Tuuladii uu joogay ayuu ka amba-baxay si uu guriga ula soo wareego. Habeenno dhowr ah markii uu ku hoyday gurigii, ayuu xilli saq-dhexe ah ka war-helay qolyo guriga dushiisa saaran oo ka shaqaysanaya. Wuxuu is gabbiyaba aroortii ayuu arkay qeyb jiingaddii guriga saarnayd ah oo la fuqsaday. Waqtiba iskama uusan luminine qeybtii dhimmanayd ayuu inta fujiyay, suuqa geeyay si shilimada uu ka helo uu sahay uga dhigto, tuuladiisiina dib ugu laabto.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Goor uu shilimadii uu jiingadda siistay la goobayo kiishaddii dhexda ugu xirnayd oo uu is leeyahay bartanka u dhig, kuna sii socdo dhankii gawaarida Tuuladiisa tagta laga raacayay, ayaa waxaa ka soo hor baxay qolyihii saqda dhexe gurigiisa ku qamaamay oo uu ka qaxayay. Uma aysan kaadinine hubkii ay siteen ayay si hoose u tuseen, ayaga oo gacanta ugu baaqaya “Adeer soo wareeji shilimada”. Si hal-haleel ah ayuu gacanta ugu saaray, isaga oo ka codsaday in ay u reebaan xooggaa uu jidka ku sii maro, waxaase u sii muuqanayay iyaga oo ku sii dhex-mirqiya mawjadihii dadka ahaa ee suuqa ka adeeganayay.

Ninkaasi waxaa la gudboonaa inuu xaqiisa difaacdo, waana sida caqliga iyo sharciguba meerinayaan. Wuxuuse is tusay intii uu dhib mudan lahaa inuu midda sahlan qaato oo xuquuqdiisa qeybta u soo hartay uu xaraasho, nasasho dheerna galo.  Mase noqon mid u shaqeysa oo intii yarayd ayaa looga daba yimid!.

Arrinka Galmudug oo uu Federaalku faraha kula jiray tan iyo bishii sebtembar 2017, waxa uu lahaa bilihii June-Desembar 2019, muuqaal la mid ah sheekada sare ku xusan. Halkii uu Federaalku ku qancin lahaa, kalana shaqayn lahaa maamulkii ka dhisnaa Galmudug hirgelinta doorashada si waafaqsan Dastuurka Galmudug iyo kan Federaalka, ayuu door-biday in maamulkii ka dhisnaa deegaankaa uu marba qeyb gacanta ku dhigo, ugu dambayntiina uu la wareego shaqadii maamulku qaban lahaa si khilaafsan sharciyada dalka u degsan. Madaxweynihii maamulka ayay qolyaha Federaalku waddo cidlo ah oo ciirsi la’ ku sii daayeen, kadibna Ahlu Sunna ayay dabo dhigeen!.

Goor Ahlu Sunna la yaabban tahay amarka qabsaday iyo ballan-furyada ku dhacday, xaalkooduna aanu wax badan ka duwanayn kii wadaadkii Martin Niemöller (1892-1984) oo inta ballan la galay, aaminayna hogaamiyihii Naasiga, Adlof Hitler (1889-1945) muddo yar kadibna uu Hitler ballantii uga baxay, noloshii wadaadkuna ay ciriiri gashay, isagoo wixii qabsaday ku soo tabiyay affarayda diiwaanka gashay:

Markii hore waxa ay gacanta ku dhigeen Hantiwadaagga
Aniguse juuq ma aanan oran
Waayo ma aanan ahayn Hantiwadaag

Markii xigayna waxa ay gacanta ku dhigeen Ururradii Shaqaalaha
Aniguse juuq ma aanan oran
Waayo ka mid ma ahayn Ururrada Shaqaalaha

Markii xigayna waxa ay gacanta ku dhigeen Yahuudda
Aniguse juuq ma aanan oran
Waayo ma aanan ahayn Yahuud

Ugu dambayntiina aniga ayay gacanta igu dhigeen
Mase jirin qof banaanka jooga
Oo xaaladdayda ka hadla

Nasiib wanaag Ahlu Sunna gurmad iyo garab ayay heshay mana aysan gaarin heer ay geeraar calaacal ah hawada u mariyaan sida wadaadkii ay Hitler wedaayga ahaayeen.

Xeelad iyo xoog wadajira oo aanan tixgelin shuruucdii iyo xeerarkii ku dhisnaa heshiiska bulsho ee lagu aasaasay Galmudug 2015-kii,  ayaa Federaalka u suuro geliyay inuu keligii maamulo hannaanka doorashada Dhuusamareeb 2019/2020, una gacan bannaanaado soo xulista xildhibaanada. Waxaase muuqanaysa in uu iska-caabin xoog leh uu kala kulmayo siyaasiyiin firfircoon, garashadooda iyo farsamadooduna sarrayso, diyaarna u ah in ay Federaalka kula tartamaan hanaanka uu degsaday keligii oo uu ugu talo galay inuu ku soo saaro musharaxiinta uu taageerada u fidinayo.

Shir-jaraa’id oo ay musharaxiinta kala ah Odawaa, Weheliye, Guutaale iyo wakiilka musharax Cabdi-dheere ku qabteen Dhuusamareeb (15/01/2020),  waxa uu iftiimiyay dareenka qotada dheer iyo xilkasnimada siyaasiyiintaas ee ku aadan ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka Galmudug. Waxayna sida muuqata go’aansadeen iyadoo dhamaan baaqyadii ay soo jeediyeen dhegaha laga furaystay, in ay la yimaadaan dul-qaad, u booga-dhayaan duubabkii la dardaray, samirsiiyaan siyaasiyiintii la lug-gooyay, xildhibaanda la soo xulayna ka leexiyaan masuuliyadda gefafkii dhacay. Qodobadaas dhamaantoodna waxa ay muujinayaan mawqif akhlaaqi ah oo sarreeya oo ay ku sifoobeen siyaasiyiintaasu, kaasoo dhif iyo naadir ku ah masraxa siyaasaddeed ee dalkeenna. Arrinkaasuna waxa uu culeys weyn ku yahay Federaalka oo la gebi-dhaclaynaya gefafkii uu ka galay Galmudug iyo kuwii uu horay uga soo galay maamul-goboleedyada kale.

Haddaba iyada oo lagu gudo jiro maalmihii ugu dambeeyay doorashada waxaa la gudboon Federaalka in uu xakameeyo hamuunta uu u qabo maroorsiga awoodda Galmudug, maankana ku hayo murtida oranaysa “Hunguri wax ka wayn la mariyay wuu dillaacaa”  uuna ka shaqeeyo in doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxtinamdu u dhacdo si daah-furan oo ka maran gefafkii horay u dhacay oo loogu dul-qaatay, iyada oo ay tahay in Federaalku xisaabta ku darsado in doorasho la musuqay guusheedu ay tahay mid laga qoomameeyo, xusuusta Dhuusamareeb waxaan weli ka tirmin musuqii dhacay doorashooyinkii 1964 iyo 1969, sidoo kale waxaa weli muuqda raadadka gabood-falladii doorashadii Baarlamaanka heer Federaal ee Cadaado ka dhacday 2016.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ku guuleysta doorashada, kadibna ku mashquula dhismaha maamulka Galmudug, wadaxajoodna la gala Federaalka oo ay wada-shaqeyn iyo is-kaashi ka yeeshaan diyaarinta doorashooyinka 2020/2021, ayaa uga maslaxad badan danta dadka iyo dalkaba in Federaalku doorashada dhaco, ciddii uu xilka u dhacayna shaqayn weydo, qolyihii la soo dhacayna ay Muqdisho culayskooda isugu geeyaan, madaxda Federaalkuna waayaan meel ay ka neefsadaan.

Doorashada Dhuusamareeb dhinac marka laga eego waxa ay bannaaka soo dhigtay xeeladaha Federaalku la damacsan yahay doorashada 2020/2021, taas oo mucaaradka siinaysa fursad ay kaga sii gaashaantaan. Dhanka kalana waxa ay doorashadu ciriiri badan gelinaysaa bedka siyaasaddeed ee Federaalku haysto, si kale haddii loo dhigana doorashada Dhuusamareeb guusha musharaxa Federaalku iyo guul-daradiisuba isma dooriyaan, marba haddii aanu Federaalku la iman daah-furnaan lagu qanci karo.

Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.