Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doodo Suugaaneed

W.Q. Cali Ileeye

Cali Ileeye

Gabyaaga arki-jirey-doonka ah iyo abwaannada maanta waxa dhextaalla dood adag. Kuwa hore waxa ay rabaan in loo maansoodo sidii ay u gabyi jireen xoolaraacatadii hore, iyo in xero loogu oodnaado habfikirka miyiga oo qudha. Halka kuwa danbe ay jecel yihiin in ay soo bandhigaan suugaan la jaanqaadeysa nolosha casriga ah iyo waayaha cusub. Noloshan aan qoqobnayn, ee ay qurbajoogta iyo quruumaha kaleba saamaynta ku leeyihiin.

Suugaantii hore ee raacatadu waa dhaxal ummadeed, oo aan laga maarmi karin, balse taasi kama dhigna ha loo afduubnaado kudayashadeeda weligeed. Hal habnololeed, hal dhaqan, hal fikir, hal lahjad ama hal deegaan, way ka balaadhan tahay suugaanta Soomaalidu. Indhaha laga ma qarsan karo suugaanta caynbacaynka ah ee ku filiqsan geyiga Soomaalida, iyo ta faca cusub, oo in badan oo ka mid ahi ay ka qurux iyo qiimo badan tahay tii hore.

Dal waxanu joognaa
Kuwo duugmay waa hore
Kaga darajo roon yiin
Kan dulsaaran ee nool.

Waxa lagu xiiqay kala fadilidda godadka maansada, iyada oo gabayga la saaray taash aan dhacayn. Gabay iyo geeraar wixii aan ahayn ayaa lagu sheegay hees ay mudan tahay in la quudhsado. Kaalintii haweenka ayaa la liiday, heer ninkii ka maansooda godadka loo calaamadiyay dumarka la faquuqay. Erayo duugoobay ayaa gabay kasta lagu tuulay, xilli qaamuusyadu hawshaas qabteen. Cusaybka iyo hindisaha ayaa laga diday, jeer la dulfadhiistay dogobyo qallalay. Golakafuulka ayaa la buunbuuniyay, heer cantarabaqash la burqaday.

Doodaha ka jira golayaasha fadhikudirirku way tirabeeleen, kuwanina waa gobol ka mid ah kuwa suugaanta ee holcaya.

1. Arki-jirey-doonku waxa ay ku dhaggan yihiin gabayga iyo geeraarka oo ah laba god oo guun ah, iyaga oo dhaliila halabuurka ka maansooda godadka kale. Hadda, gabayga iyo geeraarku kama adka godadka kale, oo qof kasta oo maanso curin karaa iyagana waa uu tirin karaa. Iyaga waxa ay ka tahay awowyaashayadii hore waa ay gabyi jireen, annaguna markaa waa aanu gabyaynaa.

Waxa ay yidhaahdeen gabaygu waa boqorka maansada, waana kan ugu shuruudaha iyo xeerarka badan, waa godka ugu meeris dheer, uguna habka qurxoon.

Way jirtay, gabaygu xilli xilliyada ka mid ah in uu ahaa kan loogu mudansiin badan yahay, se taasi waxa ay ku xidhnayd dhadhansiga iyo dookha suugaaneed ee dadkii xilligaas noolaa. Maanta waxba gabaygu ma dheera godadka kale, taa lidkeeda waxa ka muuqasho badan saarka, jiiftada iyo heellada. Ugu ma xeerar badna gabaygu, ee godkasta waa u shardi in uu yeesho habdhac iyo xarafraac, sida uu gabayguba u leeyahay. Ugu ma meeris dheera gabaygu, ee godad badan ayaa ka meeris dheer sida kabadda. Ugu ma hab qurxoona, oo ma jiro halbeeg quruxda dhismaha loo sameeyay, oo la isla yaqaannaa.

Marka si maangal ah loo fikiro, ee la raadiyo aroorka iyo asalka gabayga, waxa cad in uu yahay god ka mid ah dirka mooyaha*.  Mooyuhu waa godka ugu meeris gaaban dirkaas. Markasta oo shaqallo lagu daro mooyaha waxa soo baxaya god la fir ah. Taas waxa ka dhalanaysa in uu yahay aabbaha dirkaas.

Mooyaha > guuguulaha > maqaley > mullaaxda > jiiftada > haanta > godad kale > hojiska > godad kale > gabayga > godad kale.

Waxa kale oo xiisa leh, haanta oo badhtanka ugu jirta dirkani, marka la labalaabo waxa soo baxaya godka gabayga. Sidaa darteed, haantu way ka facweyn tahay gabayga, gabayga haanta u faanayaana, waa mid awowgii quudhsanaya.

Hoobaalayeey hobalayeey hobalayeey heedhe
Hoobaalayoow heedhe
Hoobaalayeey hadalka way ugu horraysaaye
Hoobaalayoow heedhe
Waa hadal dad wada leeyahoo lagu hadaaqaaye
Hoobaalayoow heedhe
Nin waliba halkuu doonayuu kaga hagaagaaye
Hoobaalayoow heedhe
Aniguna halkaan doonayaan higilka saaraaye
Hoobaalayoow heedhe.

Gabayga, geeraarka, jiiftada, haanta iyo godadka kale, waa gal ama nashqad tixeed, oo nuxur lagu soo gudbiyo. Suugaanta dhadhanka iyo macnaha waxa u yeelaa, ma aha galka ay ku jirto, se waa dulucda ay xanbaarsan tahay, farshaxanka xulashada erayada iyo shucuurka ay gudbinayso. Sidaa darteed, waxa la helayaa jiifto boqollaal gabay ka qiimo badan, iyo haan boqollaal geeraar ka tayo wanaagsan.

In wax la bedbeddelo, oo hadba nashqad iyo nuxur la isku tijaabiyo ayaa habboon. Marakudhegnimadu waa ta keentay in gabaygu liinbaxo, suuqii maansaduna musalafo, oo loo jabo dhanka sheekada.

2. Dadka gabayga weyneeyaa waxa ay ku doodaan in wixii aan gabayga iyo geeraarka ahayni ay yihiin hees! Sidoo kalena waxa ay yidhaahdaan wixii aan gabay ama geeraar ahayn raggu ma geyo. Kuwani ma oga in heestu ay tahay maanso lagu luuqeeyay, ee aanay ahayn god maanso oo jira. Gabay, geeraar, jiifto iyo god kasta oo maskaxdaada ku soo dhaca waa lagu luuqayn karaa, durbaan iyo muusigna waa la raacin karaa, kadibna hees ayuu isu rogayaa.

Hees dhaqameedda guunka ah ee gaafafka, ee hoobaalayoow heedhe, waa gabay.

Annagoo bannaan iyo fadhina hawdka badhihiisa
Hoobaalayoow heedhe
Annaga bilaash uma fadhine beeshayadu taallo
Hoobaalayoow heedhe
Ayuun buu warkiinnoo baxsani beesha soo galaye
Hoobaalayoow heedhe
Baabuur ma raacine cagtaan boodhka soo daraye
Hoobaalayoow heedhe
Waxaan soo bigleeyaba haddaan baydki soo galaye
Hoobaalayoow heedhe
Imikaan bayaan kuu arkaye Bilan maxaad sheegtay
Hoobaalayoow heedhe.

Imisa heesood oo casri ah ayaad taqaannaa oo gabay ah? Tiro ma leh.
Tusmo ila wadaag aaminayaa, waan ku tabayaaye, Cawaale Yare; Subax ciida adigaa dhashiyo, yawmal Carafaade, Cawaale Yare; Naxli li’i ku daayaye i daa, nooli kulanteeye, Nimcaan Hillaac. Tubeec iyo Cumar Dhuule, ayaa iyaguna ku luuqeeyay labadii gabay ee Hodan iyo Macaan iyo Qadhaadh.

Dhanka kale badi heesaha salsalka ee jidaasha dhaanka la isku dhaafiyo iyo kuwa mooyuhuba waa geeraar.

Libaax iida ma daayo
Geel hareeri ma daayo
Habboonow labadeennuna
Habeen guure ma dayno.

Ama sidoo kale

Ma caddee ha caddaado
Caana geel haw ekaado
Culimaa cuni doonta
Iyo caalim wadaade.

Way badan yihiin iyaguna heesaha tuman ee geeraarka ahi: Suleekhaay araggaagu; Onkod roobku ma daayo; Madheedhaaliyo Hawd; Innagay isku wacnayne.

Abwaanka tiriya maanso ku socota godadka haanta, cawska, saarka, maqasha, mullaaxda, kabadda, sabaalaha, heellada iyo kuwa la mid ka, waxa lagu dhaliilaa, ”heesihii dumarka ayuu curiyay.” Kuwa sidaa lihi waa isla kuwa mar kalena yidhaahda ”dumarku buraanburka oo qudha ayaa ay leeyihiin!”

Marka la dhuuxo salka godadka maansada, dhammaantood waxa ay ku aroorayaan dhanka dumarka. Heesaha haweenku u qaadaan sabaalaha ubadka, foofinta xoolaha, salsalka dhaanka, samaynta hararka, tumista mooyaha, jiibta ciyaaraha iyo gelbinta arooska, ayay gebi godadka maansadu ku arooraan. Afkuba saw afkii hooyo ma aha.

Haddaba, gabaygii gaafka arooska, iyo geeraarkii dhaanka waynu soo aragnay in aan labadaba haweenka aan looga horreyn. Jiiftaduna waa godka ugu badan ee la adeegsado heesaha batarka iyo jaandheerka, iyaga oo ragga iyo haweenku talantaallinaya. Taxanihii Hurre Walanwal iyo Cambaro, waa tusaalaha ugu dhow.

Mar kalena waa kuwan haweenku dhaanka ugu heesaya jiifto.

War madoobe Riiraash
Ragayaga raggii dilay
Laga rooryay caawana.

Saddexdii god ee maansada lagu soo koobay, in ay hees noqdaan iyo in aan haweenka laga xigin labaduba waa xaqiiq. Haddaba, godadka maansadu waa kuwo u furan qof kasta oo tix curin kara, ee ma aha kuwo jinsi ku haybsoocan. Kala-duwanaanshaha iyo tirabadnaanta godadku waxa ay farshaxan iyo hodantinnimo u samaynayaan suugaanteenna.

Kama dhigna marka aan godka haanta ka maansoodo in aan ciir lulayo, balse dulucda aan doono ayaa aan u adeegsan karaa. Maansada ”Sirta Nolosha” ee Hadraawi waa haan boqollaal gabay iyo geeraar ka nuxur weyn.

Miyaanay maan gurracan iyo garasho jaan ahayn in mullaaxda ”Dabahuwan” ee Hadraawi iyo ta ”Kaba caseeye” ee Gaarriye lagu dhalleeceeyo waa god u gaar ah haweenka ama waa hees caruureed, halkii laga dhuuxi lahaa dareenka iyo dulucda ay xanbaarsan yihiin, ee qaayaha leh.

3. Gabyaa badan ayaa iyaga oo ku dayanaya raggii hore waxa ay tixdooda ka buuxiyaan erayba erayga uu ka reer miyisan yahay ama ka adag yahay. Waxa ay ku doodayaan in ay taasi ka tahay kaydin eray, balse waxa ay hilmaansan yihiin in kaydinta erayga uu hadda qaabilsan yahay eray-koobuhu (Qaamuus) ee aanu kaasi ahayn xilka maansayahanka.

Xer kale ayaa murqamuujis afeed biday in ay hadba xarafraaca maansadooda erayada ka bilaabma oo dhan ku soo xaadiriyaan tixdooda. Waxa aad kala garan waayaysaa in aad maanso akhriyayso iyo in aad sheeko deelku ku badan yahay akhriyayso. Dulucdii, Dareenkii, hummaaggii, dareerintii, farshaxankii iyo fikirkiiba inta la hilmaamay, ayaa la taxay deel kasta oo xusuustaada ku soo dhacay, ama siin kasta oo qaamuus laga baadhay.

Kuwo kale waxa ay si ka badbadis ah u adeegsadeen erayo qalaad iyo afaf shisheeye. Ingiriisi iyo Carabi laga maarmi karo, ayaa tixo badan lagu sharraxay. Mid waxa looga dhawaanayaa ilbaxnimada casriga ah, midna diin ayaa laga urinayaa.

Saddexda qolo ee aynu sare ku xusnay, inta badan waxa ay sidaa u samaynayaan asalraacnimo, harawsi iyo ilbaxnimo ka deyid.
Maansadu waa in aad dareenkaaga dhabta ah iyo dulucdaada aad u soo gudbiso sida ugu fudud ee dhagaystuhu u fahmi karo. Se erayo qallafsan, xarfo qallalan iyo weedho qalaad, fahankii iyo ujeedadii maansada ayuun bay shareerayaan.

4. 2016-dii waxaan ka qaybgalay xaflad ka dhacday magaalada Gebilay, oo lagu maamuusayay xuska sanadguuradii 43aad ee geeridii abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Xafladaas waxa joogay nin abwaan ah oo sheegay in uu madasha ka tirin doono tix golakafuul ah. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in uu hortayada ku samayn doono maanso dhan.
Aad baan arrinkaa u xiisaynayay in aan goobjoog ka noqdo, waayo waxa aan rumaysnahay in golakafuulku yahay sheekabaraley la buunbuuniyay.

Abwaankii waxa uu hortayada ku soo bandhigay erayo aan dhumucdoodu sii ridnayn, dhaxalgalna noqon karin. Kolba sawirka Timacadde inta uu eego, ayuu marna sanqaroorka, marna suuradda abwaanka wax ka tirinayay.

Maansadu waa midho gooro iyo goobo kala duwan kugu dhasha. Waa midho u baahan in la kala hufo oo la kala haadiyo, ka dibna la qaybo ama la qoro. Kala haadinta, isku-xidhka, qoridda ama qaybiduna waxa ay u baahan tahay waqti, sidaas ayaan golakafuulka ugu arkaa mid u taban maansada. Waa kii Hadraawi oo dhaliilaya arrinka kelida iyo degdegga lagu galaa yidhi, ”Keligii nin gaashaantay, wuu golakafuulaaye.” Aw Yuusuf M. Xirsi oo la dardaarmaya nin dhallinyaro ah oo guurdoonka ahi, isna waa kii lahaa, ‘‘Gaashgaashka waa lagu lumaa, golakafuulkaaye,’’

Waa run in ay dhici jirtay in madal ciyaareed hooballo rag iyo haweenba isugu jiraa in ay isugu halcelin jireen hawraar kooban oo weydiin iyo warcelin ah, balse taasi uma dhiganto maanso dhisan oo dhammaystiran . Waxa lagu haasaawayaa waa wax la isla yaqaanno, inta badanna hawraarta la adeegsanayaa waa mid dad hore curiyeen.

Haddii aad u fiirsato hawraarta rag badan oo abwaannadii hore ka mid ah waxa aad arartooda ku arkaysaa iyaga oo leh: xalay ayaan hurdadii ka kacay, dhulka dhaban maan dhigin, waa lay daaray, xalay ayaa laygu soo degay, Iwm. Abwaannadaas waxa habeenkaa hurdada u diiday habaynta, hagaajinta iyo qaybista tix ku dhalatay.

Macnaha gabay beryahan waanigii, mooge ka ahaaye
Xalaytuu Mayuun iyo ka yimi, Makhiyo shaanshaane.

Ama

Ismaaciil Xayoow laba halaan, xalay ku taawooday
Waagaad xaggiinaa u kici xaraf an kuu sheego.

Abwaanka marka loo sheego in berri shir jiro, tix uu habeenkii diyaariyay ayaa uu geedka la iman jiray. Wuu qaybsanaa tixda, waxa aanu kaga hadlay wixii jiray ee markaa laga shirayay, taas ayaa keentay in loo qaato inuu golakafuulay.

Abwaan kasta oo tixdiisa qodaxda ka gura, u kaadiya, oo qora ama qaybaa maansadiisu waa ay ka dhaxalgalsan tahay, ta nin la degdegay ama golakafuulay.

5. Waa laga daalay gabyaaga reer guuraaga, ee ku dheggan qaab suugaaneedkii hore. Waxa aanu doonaynaa, in habnololeedka iyo habfikirka magaaladu uu hoggaamiyo curinta, wacyiga iyo adduun’araga Soomaalida, ee aanu fikirka miyigu noqon ka calanwalaynaya.

Waa laga daalay in loo boholyoobo hannaanka raacatada, ee qaxarka iyo qalalaasaha ina baday. Waxa aanu doonaynaa in la raaco raadadka ilbaxnimooyinkii hore ee Soomaalida; la baadho dhaxalka imaaradihii Soomaalida ee Islaamiga ahaa iyo taariikhda maamulladii magaalooyinka xeebaha ah ka jiray; lana qaato dheefta ilbaxnimada Galbeedka, ka dibna hir cusub loo guuro.

Waa laga daalay suugaan geeljiruhu horboodayo. Waxaanu doonaynaa suugaan ay iska dhex arkayaan tumaalka, kalluumaystaha, beeralayda, wershadlaha, ganacsadaha iyo shaqaaluhu.

Waa laga daalay suugaan haweenka liidaysa. Waxaanu doonaynaa suugaan awood curineed la isugu faano, ee aan cayn jinsi la isku takoorin.

Waa laga daalay suugaan gabay, geeraar iyo jiifto qudha ah. Waxaanu doonaynaa in dhammaan godadka maansada la soo nooleeyo.

Waa laga daalay qarniyo badan oo kaynta la joogay. Waxaanu doonaynaa in kaaha loo soo wada hayaamo.

WQ:  Cali Ileeye
E-mail: [email protected]

__________________________
* Dirka mooyaha, buuggii Xabag Barsheed waxa aan ku magacaabay dirka jiiftada, se mooyaha ayaa kaga habboon, waayo isaga ayaa barbilow u ah.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.