Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DOOD CUSUB IYO DAWLADNIMADA DALKEENNA

W.Q. Cabdicasiis Maxamuud Macallin 

1960kii ayaa Soomaalida la yiri ismaamula, dawladdii ugu horraysey ayaa la kala tuurtay. Somaliland oo in laba gobol oo midoobey awoodda lagu qaybsado doonaysey waa laga diidey. 9 sano oo dimuqraadiyad iskadhaafe is riixriix qabyaaladaysan ahaa ayaa ku soo dhammaaday in wood khasaaro gacanta laysula tago. Dimuqraadiyad-ku-sheegtii cusbayd iyo bulshadii beelaysnayd khaati bay kala istaageen. Xubnihii dawladda wadey illeen cirka kama soo dhicine dhaqankii dadkooda ayay dawladdii ku hoggaamiyeen ka dibna eex iyo musuqmaasuq ayaa xargaha goostay.

Inqilaab iyo xukun milateri ayaa qiil helay. Cadaadis iyo car yaa saa yeela ayaa socotey 21 sano. Waxaa xigey in maalin dawladdii darbiyada looga daato. Dadkii dawladdii kacaacnka ridey qaarna waxay lahaayeen dawladda daarood rida kuwo kalena waxay lahaayeen dawladda marreexaan rida, sidaas ayaana lagaga takhallusay dawladdii Soomaaliya ee xilligaas ka mid ahayd dawladaha ugu xoogga badan Afrika.

Kuwii shalay ridey dawladdoodii dhisnayd ayaa billaabay inay hadba meel ku kulmaan iyagoo weli u kala fadhiya beelo magacyo leh iskuna deyeya inay dawlad cusub oo ay wadaagaan dhistaan! Somaliland ayaa Iyana la yagleelay. 32 sano oo ay Somaliland dhisnayd ayaa 6 dawladood Xamar laga dhisay, kuwaasoo aan midina in yar oo Xamar ka mida soo dhaafin. Dawlad waliba magac qabiil iyo inta kaloo aan oggolayn bay eersatay. Somaliland oo iyaduna 32daa sano qabyaalad la huraysey ayaa haatan beeliba tiir fuqsatay.

Yaa xiga? Waa Puntland, waayo inta hartay iyadaa u buuran, waxaadna ka dhex maqlaysaa hadaaqii beelaysnaa ee Somaliland rogey sida: “Qolaa iska kaaya haysata” iyo “Puntland la wada leeyahay baa loo baahan yahay” illeen Soomaalidu waxay isku dhaarsatay inaan waxba dhisnaane.

Maanta marka laga hadlayo dawladnimada dalkeenna heer maamul goboleed iyo heer dawlad dhexe toona ma hayno jiho aynu u dhaqaaqno aan ka ahayn inaan ku khafiifnay dimuqraadiyad aan iyadana sida wadkeenna u hubno inaysan inoo shaqaynayn.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa), Wasiirka Arrimaha Gudaha D. Puntland ayaa isagoo dawladnimada dalka ka hadlaya yiri: 30kii sano ee la soo dhaafay wixii aan dawlad dhisayney waa is tirtireen ee aan turubka baandhayno, in kastoo uusan wasiirku sheegin halka turubka laga jarayo baandhayn ka dib.

Waa ku raacsanahay wasiirka in turubka la baandheeyo oo aan u fahmey in wixii hore wax ka duwan lala yimaado, sidaa darteed waa inaan su’aashan isweydiinaa: WAA MAXAY WAXA DAWLADNIMADA INOO DIIDDAN?

Sida iska cad waxaa jira arrin ka dhexaysa dhammaan dawladihii aynu ridney (Common Factor), arrintaasoo ku khasbaysa bulshada inaysan oggolaan wax dawlad ah oo u dhisan iyo in dib loo soo dhiso dawlad Soomaaliyeed midna. Haddaba waa maxay arrintaasi?

Jawaabta oo koobani waa u abaabulnaanta, ku tiirsanaanta iyo wax-ku-qaybsiga hab-beeleed.

Dadka Soomaaliyeed waxay u qaybsan yihiin beelo is wada neceb waxna isu oggolayn iyaguna is oggolayn; qof kastaa wuxuu ku tiirsan yahay odaygiisa iyo wax uu u yaqaan ilma adeer, mana oggola inuu aamino ama taageero dawladdiisa; dawlad kastoo la dhisana waxaa tiirar u ah oo ay ku taagan tahay kooxo beelo ahaan u dhisan oo awoodeeda qaybsaday. Maadaama awooddii dawladda loo qaybiyey beelo aan is ogolayna, beel kastaa markii ay doonto ayay ka bixi kartaa dawladdaas oo tiirkii dhankeeda ahaa la bixi kartaa. In beeli ka baxdo dawlad ama maamul ay ka mid ahayd waxaa soo dedejiya eexda iyo musuqmaasuqa ku sidkan hab beeleedka oo ay ku dhaqanto beesha markaa xukunka haysaa.

Wax kasta oo soo dhex mara Soomaalidu waxay ku qaybsanaysaa hab beeleed mana oggola in xitaa dawladdoodu hab kale ugu qaybiso. Waxaan xasuustaa waa qolo caddaan ahi tiri waxaan rabnaa wiilal iyo gabdho filin noo matala, markaasay Soomaalidii dheheen imisa beelood baynu nahay inoo qaybsha!

Inay beelo u qaybsan yihiin dhib ma ahaateen hadday intay wax isku darsadaan wada jiri karaan. Haka yaabin!

Harti woqooyi wuxuu yiri Isaaq na xukumi maayo, Dhulbahante wuxuu yiri Isaaq iyo cid kale tooni na xukumi mayso, Marreexaan wuxuu yiri Habargidir iyo Ogaadeen midna na xukumi maayo, Xawaadle wuxuu yiri Abgaal nama xukumaayo, waa markaynu in yar ka soo qaadano, balse in kasta ha leekaatee ma jirto beel oggol in mid kale xukunto. In lays xukumo Soomaalidu waxay u yaqaaniin in lays gumaysto, waayo xukunku waa halka kheyraadka dalka lagu kala badsado, masuulka Soomaaliyeedna kolley beeshiisa ayuu metelaa iyadoo beelnimadu hadba heer joogto, wuxuu helana beeshiisa ayuu la rabaa.

2018kii laba nin ayaa nin nolosha ku gubey magaalada Muqdisho; waxaa Guddoomiye Gobol ahaa Mudane Yiriisow AHUN. Dambiileyaashii markii la xiray ayaa waxaa yimid masuuliyiin dawladeed oo xildhibaano ku jiraan, kuwaasoo dalbanayay in dambiileyaasha la sii daayo. Guddoomiye Yiriisow waa diidey, isagoo leh xitaa lama damiinan karo. Dhaqanka haddaa eegtid Mr. Yiriisow ayaa khaldanaa, waayo qofka Soomaaliga ahi xubnaha beeshiisa ayuu metelaa gar iyo gardarroba waa inuu u hiiliyaa, dawladnimo iyo sharcina waxba kama gelin oo dhaqanka ayaa ka xoog badan, siyaasiguna waa uun nabadoon dawladda ku jira lana shaqeeya oo ku xiran nabadoonka shacabka ka dhex shaqeeya.Waa uun tusaale kale. Wax kasta inta marka hore afka loo rogo ayaa la rabaa inay si fiican u shaqeeyaan!

Dhaqankeennu nidaam iyo kala dambayn ma ogola. U fiirso Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre waxaa habeen iyo maalin lagu haystaa muxuu madaxweynihiisa uga dambeeyaa muu wax walba ku qabsado. Markuu wax walba ku qabsado oo u diido inuu shaqeeyo ayuu si fiican u meteley beeshiisa!

Carabtu waxay tiraahdaa عقل الجمع عقل القهر oo macneheedu yahay “Sida bulshadu u fekerto (dhaqanka) ayaa ah kan wax khasba ama lagu khasban yahay”. Haddaba dhaqankeenna qabyaaladda, eexda, musuqmaasuqa iyo cadaalad darrada ah ayaan oggolayn in dawladi inoo dhisnaato ama aan mid cusub dhisano, haddaan marka hore isaga la bedelinna lagama yaabo in dawladi inoo dhisanto adigu ama dimuqraadiyad ka sheekee ama maantoo dhan federaal ku wardi ama dawlad dhexe hakaaga dhegganaato.

MAXAA XAL U AH DHAQANKAAN SI AAN DAWLAD U HELNO?

Jawaab:

1. In la helo hoggaamiye aaminsan in dhibaatadeenna dawlad la’aaneed ka imaanayso dhaqankeenna, waayo qof aan garawsan inuu xanuunsan yahay daawo ma raadiyo, qofkii xanuunka haya gartaana daawadii bar buu helay, si isla markaa loo helo siyaasad dawladeed oo fulisa qoddobadaan hoos ku xusan.

2. In xubnaha baarlamaanada maamullada laga dhigo isimada/duubabka maamulladaas intii ay hab beeleed ku soo xuli lahaayeen xubno baarlamaan.

3. In dhammaan nabadoonnada maamulladu ay noqdaan xubnaha goleyaasha deegaanka degmooyinka maamulladaas.

4. In la mamnuuco in beeluhu soo doortaan isimo/duubab iyo nabadoono ka dib marka kuwii hore lagu wareejiyo goleyaasha baarlamaanka iyo deegaanka ee maamullada si halkaa loogu joojiyo sii socoshada ku dhaqanka hab-beeleedka

5. In dastuurrada maamullada lagu muujiyo in isimada iyo nabadoonadu goleyaasha baarlamaanka iyo deegaanka hoggaaminayaan intay noolyihiin si aysan bulshada dib uga billaabin shaqadoodii odaynimo

6. In isim/xildhibaan noqdo heer gobol, nabadoona/xildhibaan gole deegaan heer degmo halka madaxweynana noqonayo heer maamul goboleed, iyadoo isim/xildhibaankii dhinta ama hawlgaba gobolkiisii laga soo dooranayo qof beddela, sidoo kalena nabadoonkii dhinta ama hawlgabana laga soo dooranayo degmadiisii qof bedela, iyadoo doorashaduna tahay qof iyo cod aan xisbiyo ku salaysnayn ee la kala dooranayo muwaadiniin si furan isu soo sharraxay

7. Qofka lagu beddeley isim/xildhibaanka ama nabadoon/xildhibaan gole deegaanka dhintay ama hawlgabay wuxuu xilka haynayaa 5 sano oo ka billaabata maalinta la dhaariyo

8. In dhammaan xubnaha maamullada ka qabanaya jagooyinka siyaasadeed sida Madaxweyne, Guddoomiye Gobol, Duq magaalo, xildhibaan beddelaya mid dhintay ama hawlgabay, xildhibaan gole deegaan oo beddelaya mid dhintay ama hawlgabay, iyo ku xigeennaba lagu soo doorto qof iyo cod aan xisbiyo lahayn. Waxa aan u bixiyey dimuqraadiyad sahlan (Simple Democracy), halka dawladda dhexena laga dhigayo dimuqraadiyad dhammaystiran lehna xisbiyo badan (full democracy with multipartism). Arrintaan waxaa khasbaya faqriga haysta dadkeenna iyo qaalinimada dimuqraadiyadda, iyo weliba yaraynta buuqa iyo saxmadda la socota doorashooyinka xisbiyada ku salaysan maadaama hay’adeheenna garsoorkuna yihiin kuwo jilicsan oo u baahan dib-u-dhis xoog leh.

9. In la dhiso xafiiska xiriirka dadweynaha(Public Relations Office) oo leh miisaaniyad ku filan ayna hoos tagaan dhammaan xubnaha fanka iyo suugaantu si bulshada looga wacyi geliyo dhaqamada xunxun sida eexda, iyo musuqa, loogun hago isbedelka bulsho ee ka guurista hab beeleedka iyo u guurista dawlad rasmi ah, barista dawladnimada, xuquuqdooda iyo waajibaadka laga rabo iyo wixii kaloo muhiim loo arko.

10. In si cad dastuurrada maamullada loogu mamnuuco in mansab dawladeed iyo mid kaleba lagu gaaro magac beeleed, magac diimeed, magac xisbi iyo magac kooxeed kasta iyadoo taa beddelkeeda mansabka lagu gaarayo aqoon, waaya-aragnimo, waxqabad iyo daacadnimo (Merit)

MAXAA SABABAY TALOOYINKA KU XUSAN QODDOBADA KORE?

Dadka Soomaaliyeed dawladda waxay u yaqaanaan shaqo gaalo, dastuurka waxay u yaqaanaan gaalnimo, canshuurta waxay u yaqaanaan xaaraan siyaasigana waxay u yaqaanaan beenlow khaa’in ah oo aan sina loo aamini karin dadkana wax wanaaga u soo wadin.

Dhinaca kale, dadka soomaaliyeed hoggaamiyaha dhabta ah ee ay ku kalsoon yihiin waa oday dhaqameedka beeluhu doortaan, kaasoo hoggaamiya nidaam beeleedka hortaagan dawladnimada. Waxaa ii markhaanti furaya wixii ka dhacay Laascaanood:

14 isim ayaa isu yimid oo horta iyagu midoobey, taasoo sababtay inay midoobaan Dhulbahante, Harti, Daarood iyo weliba Soomaalida kale inteeda badan. Dadkaas midoobey muruq, maal iyo maskax waxay lahaayeen ayey isugu keeneen G. Sool, jiheeyeen, dagaal geliyeen kuna guulaysteen. Maxaa dhici lahaa haddii sidoo kale isimada Puntland ku midoobaan gole dawladeed sida Golaha Baarlamaanka ama mid iyaga u gaar ah oo la yiraahdo Golaha Sare ee Isimada Puntland? Waxaa midoobi lahaa dhammaan dadka reer Puntland, waxaana fududaan lahaa tallaabo kasta oo ay u qaadaan xagga dawladnimada iyo hagaajinta noloshooda, waxaana nidaamkaa cusub ee lagu guulaystey kaga dayan lahaa maamullada kale ee dalka, iyadoo ugu dambayn noqon lahayd guul Soomaaliyeed oo Puntland lagu majeerto.

Hoggaamiyeyaasha dadku ku kalsoon yihiin ee ah odayaasha dhaqanku meelna kagama jiraan qaab-dhismeedka dawladda. Waxaynu hadda haynaa hoggaamiye dawladeed oo aan hayn kalsoonidii dadka iyo hoggaamiyaha dadka oo aan dawladdii hayn. Labada hoggaamiye mid kasta hoggaankiisu waa qabyo iyo wax kala qaaran. Sidaa darteed waa in labada hoggaan la mideeyaa si bulshadu u noqoto dawlad iyo shacab aan loo dhexayn.

Cidina eed kuma laha dhaqankeenna waayo waa mid aynu kulligeen ku dhex dhalanay balse innaga inooka baahan inaan bedelno maadaama uu yahay waqti-dhaaf (Outdated) inakana hortaagan yahay guusha nolosheenna.

Dadka Soomaaliyeed waxay leeyihiin laba hoggaamiye oo ay labadaba iyagu doortaan oo kala ah siyaasi iyo oday dhaqameed. Labadaan hoggaan malaha sharci ay ku wada shaqeeyaan shaqadooduna isma dhammaystirtee way is baabi’isaa.

ضَرَبَ اللَّهُ مَثَلًا رَّجُلًا فِيهِ شُرَكَاءُ مُتَشَاكِسُونَ وَرَجُلًا سَلَمًا لِّرَجُلٍ هَلْ يَسْتَوِيَانِ مَثَلًا ۚ الْحَمْدُ لِلَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ

(Ma sinna cid hal meel looga taliyo iyo cid taladeeda lagu murmo dadka intiisa badanse ma oga)

Dadku dawladnimada way aamini lahaayeen haddii hoggaamiyeyaashoodu ka dhex muuqdaan, weliba hoggaanka u hayaan.

Odayaashu inay gole baarlamaan iyo gole deegaan ku midoobaan waxay la macne tahay dadka oo midoobey. Wax kasta oo midnimo la’aanta dadku la maqnayd oo ay ka mid tahay nabadgelyo waarta, xasilooni siyaasadeed, kala dambayn iyo dadka oo dawladda iyo sharciga aamina ayaa lagu helayaa midnimada odayaasha iyo dadka ay hoggaamiyaan. Dagaal beeleed iyo aano qabiil oo ah labada dhaqan ee joogtada ah, cirkana ku laalay xasiloonidii dalka iyo in haldoorka Soomaaliyeed ka shaqeeyaan dalkooda ayaa dhammaan lahaa. Waxaa soo gurya noqon lahaa qurbajoog oo hanti iyo aqoon wata, kuwaasoo soo jiidan lahaa shisheeye maalgashi wada.

Lama dagaallamayno in qofku sheegto reer hebel, balse waxaan meesha ka saaraynaa isku uruursiga magacyada mowtida si wax loogu helo, taasoo iyadu soo afjartay isku kalsoonaantii qofka Soomaaliga ah iyo tayadii wax qabadka bulshada.

Macne beelka magac beeleedka mar haddaan mansab dawladeed lagu helayn waxaa ka dhalanaysa sinnaan, isku tashi qofeed iyo fursado loo siman yahay. Sidoo kale garsoorka ayaa ka soo wareegaya gacanta odayaasha iyadoo la xoojinayo hay’adaha garsoorka dawladda si ay shaqadooda u qabsadaan. In sharcigu shaqeey (Rule of Law) ayaa isla markiiba tartiib tartiib loo gaarayaa, waayo dadka ayaa ku khasbanaanaya inay dawladdooda aaminaan oo taageeraan ka dib markay waayaan cid magac beeleed ku hoggaamisa.

Dawladnimadu maaha hal hab oo la kala bawsado ee waa habab badan oo kala duwan, qolo walibana kan ku habboon isticmaasho. (Government is like making cars with different features based on market demands).

Dadkeennu weligood ma soo marin dawladnimo ay raalli ka yihiin, waxayna ku dhacday siyaasiyiintooda ayaan weli suurayn dawladnimada ay u baahan yihiin.

Dadkeenna iyo dalkeenna marka dawladnimo laga hadlaayo waa inaynu ula dhaqannaa sidii arrin gaar ah (Special Case). Maanta Koonfurta Sudan baa inaka fiican xagga nidaamka iyo kala dambaynta, waayo dadkeennu weligood waxaanay rabin baa lagu qarqarsiyayey.

Xasuuso 2004tii dawladdii lagu dhisay Mbagati, Kenya oo si shuruud la’aan ah loogu soo daray qabqablayaashii Xamar dhibaatada ku hayey, kuwaasoo shaqadii qabqablenimada laga soo dhex saaray ka dibna muddo dabadeed dadku iska illaaween. Si taa la mida haddii odayaasha dawladda lagu daro, muddo gaaban ayey dadku ilaawi lahaayeen nidaamka qabaliga ah ee ay hoggaamiyaan dawladnimaduna xooggeysan lahayd.

Fikirkiinna, faalladiinna iyo falanqayntiinnuba waa muhiim

Mahadsanidin

W.Q. Cabdicasiis Maxamuud Macallin

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.