Dibumilicsiga Kaydka WardheerNews: Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa, mise waa dhalasho?

W.Q. Maxamed Hirad

Odhaahda Tifatirka: Annagoo weli ku guda jirna xuska iyo xusuusta toban guurada ka soo wareegtay aasaaskii WDN, ayaa waxaanu maanta idiinka soo xulnay kayd qoraallada ee WardheerNews maqaalkan taariihkiga ah ee uu qoray Abwaan Maxamed Hiirad, kuna soo baxay WDN Abril 26, 2010. Maqaalkani waxa uu si fiican bulshada Soomaaliyeed ugu muujinayaa qabiilka ay sida aadka u aaminsantahay ee ay isku kala qaybiyaan, iskuna guumaadaan in aanay xaqiiqdiisu ahayn sida ay u haystaan.
——————

Arar:

Oday_Soomaaliyeed
Muuqaalka oday Soomaaliyeed oo xidhan koofiyaddii duqayda lagu yaqaannay

Runtii waa su’aal ay adag tahay in  jawaab waafi ah laga bixiyo. Waxa taas daliil u ah, siina adkaynaya innaga oo aan illaa maanta hayn qoraallo ama dokumantiyo taariikhi ah oo arrintaas wax ka yidhi. Waxa keliya ee aynu cuskannaa inta badan waa qoraallo kooban oo dad ajnebi ahi ay qoreen, xilliyo mudada laga joogaa ay aad u yar tahay, marka la barbar dhigo inta ay qowmiyadda Soomaaliyeed soo jirtay. Waxa intaas dheer, kuwaas oo aan dhul badan oo Soomaaliyeed marin, sidaa awgeedna xogta ay ururiyeen ay ku salaysan tahay dad iyo degaanno kooban.

Mar haddii xaal sidaas yahay, qofka doonaya in uu baadhitaan ku sameeyo mawduucan oo kale waxa ku adkaanaya in uu helo qoraallo badan oo uu raadraaco. Marka maqaalkan kooban waxa uu xooggiisu ku salaysan yahay aqoonta duqay Soomaaliyeed oo degaanno door ah oo kala geddisan deggen ama ku barbaaray, aqoon fiicanna u leh qabaa’ilka iyo xogo kale oo aan ka soo ururiyay qoraallo kooban. Waxa intaas dheer oo aan qoraalkan yar iyana u adeegsanayaa suugaanta Soomaalida oo ay ku jiraan sheekooyinka iyo odhaahaha Soomaalida dhexdeeda caanka ka ah.

Aqoonayahanada dersa asalka Soomaalidu waxa ay sheegeen in magaca Soomaali oo qoran ay markii u horraysay ku arkeen hees Xabashi ahi oo ay ku tilmaamayaan qoladaasi sida ay uga guulaysteen dagaal dhex maray iyaga iyo Soomaalida. Marka waxa la dhihi karaa ama muuqata in aan magaca Soomaali laftiisa xog badan laga hayn wixii ka horreeyay dagaaladii Imaam Axmed Guray. Waxase jirta ama laysla garan karaa markii diinta islaamku soo gaadhay dalkan, in dad badani ku noolaayeen degaanka Soomaalida.  Kuwaas oo magac, Diin, iyo dhaqan u gaar ah lahaa. Waxa illaa haddeer jira wax badan oo ka sii baaqi ah raadadkii iyo dhaqamadii dadkaas. Waxa tusaale inoogu filan, dab shidka, xabaalaha,  sida taallo tiiryaadka, curraafaynta iyo samaanyaha oo dhammaan laga helo ama ka jira geyiga Soomaaliyeed.

Axmed_Guray
Taalladii Imaam Axmed

Waxa ay aqoonyahanno badani iyana isku raacsan yihiin in dhulkii loo yaqaannay Punt uu hadda ka mid yahay degaanka Soomaalida, dadkii ku dhaqnaana ay Soomaalidu asal ku leedahay.

Daraasado lagu sameeyay hiddaha (genetics) Soomaalida ayaa iyana caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay asal la wadaagaan dadyowga kale ee ku dhaqan Itoobiya, Ereteriya iyo Waqooyiga Afrika sida qawmiyadaha Oromada, Canfarta, Berberka iyo xataa Carabta Waqooyiga Afrika. Waxa intaas dheer afafka qowmiyadahaasi ku hadlaan oo ay isku bah yihiin afka Soomaaliga. Daraasadaha hiddaha asalka Soomaalida lagu sameeyay waxa ay caddeeyeen  in dadyowga ku dhaqan Geeska Afrika ee ay Soomaalidu ka mid tahay ay yihiin ummad gaar ah (Distinct Seperate Race) oo ka duwan ummadaha la jaarka ah sida Carabta iyo Afrikaanka kale. Waxa intaas dheer oo daraasadahaas koobani sheegayaan in qawmiyadda Soomaalidu ay jirtay muddo ka badan 4,000 oo sano.

Markii diinta Islaamku ka dhalatay Jasiiradda Carbeed oo sida aynu wada ognahay bad yari u dhaxayso iyada iyo Soomaaliya ayaa waxa markiiba ay si hawl yar ugu soo tallowday dhinaca degaanka Soomaalida. Diintaas oo dabcan muddo dheer qaadatay in Soomaali oo dhan ay wada gaadho. Hase yeeshee waxa xaqiiqo ah in ay raad weyn ku yeelatay dhaqanka Soomaalida oo xilligan la joogo dhammaantood wada Muslim ah. Waxase adag in la aamino ama waxa aynu odhan karnaa macquul ma aha dhawr wadaad baa qaran dhan sahal ku qabsaday muddo qaaban.  Ama dhawrka Shiikh ee ay Soomaalidu sheegato iyo carruurtiisii baa ka adkaaday oo qaarna dadkii dalkan ka buuxay laayey, intii kalena bara kiciyey oo dhulkii ka qaaday.  Midda kale waxa isweydiin mudan meeye dadkii diinta ay u laqimayeen ee dhexdooda diinta ka faafinayeen? Iyagii keliya  iyo carruurtoodii baa dalkii oo dhan u hadhay, waa arrin aad cajiib u ah oo caqligu aanu qaadan karin!

Markaynu qodobkan ka hadalkiisa soo koobno, sida la garan karo Soomaalidu waxa ay ka soo jeeddaaa dadkii dalka joogay ee diinta la soo gaadhsiiyay muddo hadda kun sano ka badan laga joogo. Waxa ayse dhaqan badan la wadaagaan muslimiinta ku dhaqan Bariga Dhexe iyo dalalka kale ee caalamka Islaamkaba.

Maqaalka oo dhan halkan ka akhri

W.Q. Maxamed Hirad
E-mail:mohamedhiirad@yahoo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.