Monday, October 14, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dhulboobka Magaalo Waa Salka Dulmiga iyo Kala Saraynta Bulshada

W/Q Maxamuud Cabdillahi Axmed

Geel Xalaal iyo xoog
Si uu ku xero galo
Sina kuma xuma –  tuduc, heesta geel ah.

Hordhac

Warbixinta Qaramada Midoobay ee Somalia Urbinsation Review waxay tirada dalka Somaaaliya ku qiyaastay ilaa 16 milyan oo 7.4 milyan (46%) ay ku nool yihiin magaalooyin. Somalia Urbanization Review: Fostering Cities as Anchors of Development (worldbank.org). Xawliga korodhka tirada dadka magaalooyinka waxa lagu qiyaasay 43% sannadkii, qiyaastuna waa in sannadka 2050 saddaex laabmi doonto. Tani waxay Soomaaliya ka dhigaysaa dalalka xawliga magaalayntu ugu sareeyo ee dunida. Waxaad maanku ku haysaa in 2.6 milyan oo barakacayaal ahi dul fadhiyaan magaalooyinka.

Barakacayaal, Soomaaliya

Dadka magaalooyinka ku soo qulqulaya ee miyiga ka soo barakacayaa waxay ku soo biirayaan magaalooyin aan lahayn qorshe magaalo oo sugan, oo ka jiraan maamulo itaal daran, kana aradan adeegyo guud. Waxa uu maqaalakani korka ka xaadin ku samaynayaa hardanka dhulboob ee ka socda magaalooyinka iyo riiq reebkiisa mustaqbalka. 

Maamulka magaalooyinka

Badi magaalooyinka Soomaalidu ma laha qaab maamul ay ka siman yihiin. Qaarkood maamulka magaalada waxa magacaaba dawladda Federalka, kuwana maamul goboleedka. Waxa ilaa hadda toos loo doortaa maamulkooda waa magaalooyinka Somaliland iyo Puntland (qaarkood). Kulligood waxay ka wada siman yihiin inay qabtaan shaqo/adeegyo kooban. 

Maamulka magaalooyinku waxay ku caan baxeen in dhulka danta guud ah (common land) rukhso gadasho ah u siiyaan hantiileyda. Adeegayada nabadgelyada, biyaha, korontada, caafimaadka asaasiga ah iwm ee magaalooyinka waxay gacanta ugu jiraan dawladda dhexe/maamul goboleed, hay’ado caalami ama shirkado ganacsi.

Maamulada magaalooyinku waxay ku mashquulsan yihiin dhulbixin iyo diiwaan-gelin, waxayna gabeen inay la yimaadaan qorshe magaalo (urban planning). Dawladaha hoose, xataa, ma fulin karaan go’aanada dhulka la isku qabsado ee maxkamadaha, taas oo kalifta in loo caddaalad doonto meelo kale.

Doorka ganacsatada

Ganacsatada hantiileyda ahi waxay ku dadaallaan inay helaan dhul ay maalgashadaan. Waxa tas-hiilaadka u sameeya dulaaleyda dhulka, xoogagga hubaysan ee reeraha iyo maamulada.

Sidaas ayaa dhulku, taakana ha ahaadee, ku noqday badeeco baqsid, xoog iyo xatooyo lagu qaato, la badeeceeyo, la huweeyo (speculation), dabeetana la maaliyaddeeyo. Dheeriga lacageed ee ka soo dhexbaxa haweyntaas waxay badiyaa u baxdaa dalka dibeddiisa sida Eastleigh/Nairobi, Dubai iyo Jabuuti.

Muqdisho, caasimada Soomaaliya

Waxa kale oo shirkadaha waaweyn ee gancasigu ku caan yihiin inay dhul saaxad ballaaran leh ka weertaan banaanada ka fog magaalooyinka; mararka qaarna qoysaska obosiimooyinka deggan ay ka gataan boosaskooda, ka dibna iyagu sharciyeystaan, muddo ka dibna dhulkaas badeeceeyaan ama ka dhisaan guryo ay sii iibiyaan. 

Ganacsatada hantiileyda ahi waxa kale oo ay la wareegeen adeegayadii guud ee asaasiga ahaa iyo kaabayaashii dawliga ahaa ee jiray sida sida biyo-gelinta, korontada, is-gaadhsiinta iwm oo ay ku heleen rakhiis oo aan soo noqosho lahayn. Tusaale waxa u ah sida habqanka ah ee magaalooyinku ku helaan biyaha. Xarumihii korontada waxa laga gaday xarumihii shirakdo ganacsi oo xidhiidh dhow la leh/lahaa maamulada kala duwan ee waddanka.

Adeegyada asaasiga ah ee shirkadahaasi habqanka ku bixiyaan, sida biyaha iyo korontada, waa kuwo qaali ku ah qoysaska badankooda; faa’ido xad-dhaaf ahna laga sameeyo.

Haweynata goobaha faras magaalada

Markaad dhexmarto magaalooyinka waxay ishaadu qabanaysaa in goobaha ugu mudan faras magaalaha (downtown) ay haystaan shirkado ganacsiga ee waaweyni. Haweynta dhulka magaalo wuxuu dhalingeddi ku sameeyey wejiga faras magaalaha. Ganacsatada hantiileyda ah, shirkadaha dhismaha, madaxda dawladda iyo kooxaha hubaysan ee reeraha ayaa soo asteeya goobaha ku soo jeeda waddooyinka muhiimka ah, ciddii doontaaba ha lahaatee, siiba haddii ay goobtu ahaan jirtya boos/dhisme dawaladeed.

Taasi waxay keentay in la haweysiiyo dhismaha meheradaha yaryar, sida makhaayadaha iyo dukaamada ku soo jeeda laamiga/waddada. Dabeetana laga gato, lagana hirgeliyo dukaamo casri ah (malls), lagana barakiciyo tafaariiqleydii suuqa fariisan jirtay. Waxa kale oo la abbaaraa xeryihii ciidamada, iskuulada, qubuuraha (sida dhowaan ka dhacday Xamar). Maxaa ka socda qabuuraha Iskuul Booliisiya? – Qalbi taabad iyo qarracan (caasimada.net)

Doorka qurbo-joogta

Qurbo-joogta waxa loo nisbeeyaa inay masuul ka yihiin sicirka dhulka ee samada isku shareeray. Qurbo-joogtu waxay lacagtooda dhul raadiska ah soo mariyaan xawaaladaha, mararka qaarna ganasatada ayaa ka soo aruurisa, iyagoo ugu bushaaraynaya guryo loo dhisi doono oo ay kiro ka qaataan. Tani waxay keentaa in kirada guryuha iyo meheradahu qaali noqdaan. 

Baro-kacayaasha iyo dadka nugul

Baro-kacayaashu badankoodu waxay uga soo qaxeen miyiga collaad iyo abaaro, iyagoo isa soo dul tubay magaalooyinka waaweyn. Qaarkood waxa beerahoodii gobollada webiyada ku yaalay – sida Shabeellada Hoose iyo Jubbada Hoose – xoog ugala wareegay maleeshiyo reereedyo hubaysan; gobollada qaar-na waxa laga suubiyey ceshiimooyin (enclosures) marmarsiiyo looga dhigtay in lagu dhaqayo. Waa astaan muujinaysa buburka noloshii miyiga.  

Abuurista xerooyin baro-kacayaal waa dariiqo kale oo loo maro badeecaynta dhulka. Qoysaska ku noolina  waxay ku jiraan baro-kac joogto ah, marba xero laga raro, xero cusubna loo yagleelo. Marnaba looma sharciyeeyo bartay buulka ka dhisteen. Waxa xaaladdaas oo kale ku jira danyarta magaalo ee obosiimooyimka muddada dheer deggenaa.

Awood sheegasho

Dhulka, si lagu helaba, marka la badeeceeyo ama la dhiso, waxa korodha hantida mulkiilaha, dakhliga shirkadaha dhismaha iyo dulaalleyda. Xataa mararka qaar waxa xeryaha baro-kacayaasha laga suubiyaa waddooyin iyo adeegyo kale oo kiciya qiimaha dhulku, ka dibna waxa qoysaska laga cayriyaa boosaskii ay ku ilmo dhaleen.

Waxay saraakiisha maamulada magaalooyinku u gacan bidixeeyaan ganacsatada dhulboobka ah, kooxaha hubaysan ee reeraha ee kursiga ku ilaasha oo xiriir macmiil/rukun (clientalism) ka dhexeeyo.

Mararka qaar waxa danyarta lagu qabsadaa dhulkii ay weligood degganaayeen, waraaqo loo suubistaa, iyadoo la adeegsanayo awood dawladeed oo reeraysan. Qoyska danyarta ahi ma haysto lacag ay iskaga bixiyaan laaluushka maxkamadaha; sidaa darteed waxa dhacda in qoyskaasi dhulkoodii qayb bixiyaan ama ka gadaan kuwii ku qabsaday. Dulmigu wuxu ku arooraa awood sheegasho.

Dhulku wuxuu madaxda dawladda u yahay hanti siyaasaddeed iyo sharaf bulsho oo waqtiga kursiga ku fadhiyaan ay hantiyaan, ololaha doorashadana ku galaan. Sidaa darteed dhulka waa awood siyaasaddeeed.

Sidee loo fasiri karaa hanti-boobka noocan ah?

Haddii la raaco fasiraadda uu bixiyey David Harvey ee faro-maroojinta hantiileydu ku qaadato dhulka, xoog iyo xeeladba, waxay ku aroortaa aragtida Marx ee hanti urursiga bilawga ah (primitive accumulation of capital). Harvey wuxu leeyahay hantiileydu iskuma halayso keliya inay faa’ido sameeyaan, waxayse mar walba ku hawlan yihiin sidii ay u qaadan lahaayeen kheyraadka dabeeciga ah ee la wada leeyahay, iyagoo is-bahaysi kula jira maamul dawladdeed. Wuxu Harvey ku magacaaby hanti gurubsi faro-maroojin lagu helay (capital accumulation by dispossession). Accumulation by dispossession – Wikipedia. Ogoow kheyraadka dabeeciga ah ee ugu mudani waa dhul iyo waxa ubucdiidsa ku jira.

Waxa intaas dheer inay hantiileyda lagama maarmaan u tahay sidii hantida goob qudha, ama goobo tirsan, la isugu keeni lahaa. Geyiga Soomaalida waxay noqon kartaa Xamar, Jabuuti, Hargeysa, Nairobi & Dubai. Waxa kale oo ay u xusul duubaan in hantidu ku jirto gacmo kooban (monopolisation of capital); xagga Soomaaliya marka loo noqdo waxay ku  socotaa Hormuud iyo Dahabshiil.

Waxa laga dheegan karaa fasiraadda kore in waxa Soomaaliya maanta ka socdaa ahayn hantigoosi buuxa, laakiin waxa biqlaya geedkii ganacsato hantiiiley ah oo ay la socota ifafaalihii in mujtamaca Soomaalidu yeelanayo bulsho kala saraysa (social stratification). Macnihii waxa unkumay dabaqad gacantooda ay ku jiraan hanti, maamul dawli ah, mararka qaarna reeraysan. 

Iska caabinta dhulboobka iyo wacyi beenaad

Sidaan kor ku soo xusnay kol haddi bulshadu noqotay kooxo kala sareeya: hantiileyda iyo maamulda oo dhinac ah iyo danyar magaalo, baro kacayaasha iyo reer miyiga oo dhinac ah. Kolkaa waa lama huraan in caabini dulmi diida ahi ka timaado dhanka danyarta. Laakiin ilaa hadda ma muuqato. Waxase xubno ka tirsan bulshadu dulmani, siiba dhalintu webiyadu, ku muujiyaan iska caabinta dhulboobka ku biirista Alshabaab. Taas oo khatarteeda leh.

Su’aashu waa maxaa loo waayey xarako bulsho oo si nabad ah u caabisa dhulboobka? Jawaabtu waxay ku jirtaa wacyi beennaadka bulshada Soomaalida ku nooshahay. Isbahaysiga hantiileydu iyo u adeegayaashoodu waxay dhiseen wacyi beenaad (false consciousness) ku salaysan reernimo. Macnihii waa in qof ama koox bulsho ku qanacdo feker aan iyaga dantooda u adeegayn, laakiin u haysta inay sidaasi dantooda tahay, sida danyar ama barakacayaal reernimo ku difaacaya dhulboobe gashan shaati dawladeed.

Warbaahinta qudheedu bulshada dulman waxay ku eegtaa muraayadda qabiilka, aqoonyahanada iyo culimada Soomaaliduna ma noqon kuwa abuura xarakooyin bulsho dulmi diid ah, maanka iyo qalbiga shacabka ka saara wacyiga beenaadka reernimada.

Gebagabo

Xaalka dhulboobka maanta waa: “dhul xalaal iyo xoog, si uu ku xero galo, sina kuma xuma”. Kol haddii la waayey xeer maamul magaalo oo hagaya adeegsiga saaxadda magaalo (city space) oo ilaalinaya danta guud waxa fursad helaya kooxaha hubaysan, hantiileyda iyo maamul ku sheegayada la shaqaysta.

Sida dalal badan ka dhacday, haddiii kooxo tiro yari mulkiyaan hantida dadka ka dhaxaysa – dhulka – waxa ka dhasha dagaallo riikh dheeraada oo aan sahal maaro loogu helin sida ka dhacday dalalka Laatiin Ameerika. Jiilalka dambe yaan loo dhitayn mushkilad dhuleed riiq dheeraata.

Wa Billaahi Towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.