Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dhadhaab: Nin qaxooti ah oo nolosha qoyskiisu ay isbaddeshay markii uu ku shaqo billaabay taksi uu si adag uu ku helay

Kaydka Ergo

by Jibril Osman

Abuukar Maxamuud Cabdullaahi oo ku nool xerada Xagardheer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa isbadal dhanka nolosha ah u horseeday shaqo uu ku billaabay $0.2 oo looga kireyn jiray maalinkii gaari gacan uu ku xoogsan jiray.

Abuukar ayaa maareynta nolosha qoyska ka soo billaabay gaari gacankaas oo uu ka iibsaday gaari taksi ah oo hadda uu xerada uga dhex shaqeysto.

Shaqadan ayaa ah isha koowaad ee uu ka dabaro nolosha reerka.Howshaas ayaa u suurta galisay in qoyskiisa uu u helo cunto saddex waqti ah iyo in carruurtiisa uu waxbarasho ka bixiyo.

Wuxuu tilmaamay in xilligan oo uu jiro sicir barar aysan noloshooda wax badan ka tari karin raashiinka iyo gunnada lacageed ee la siiyo qaxootiga Dhadhab, taas oo la dhimay bishii August ee sanadkan.

Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in qaxootiga oo ay ka jirto nolol adag iyo kaalmada dadka la siiyo oo yar awgeed ay ku dhalisay inuu sameysto il dhaqaale oo u gaar ah.

“Waxa la bixiyo oo raashiin ahaan naloo siiyo wax na anfaca maahan. Laakiin shaqeysto maanta oo wax meel ay ka soo galaan iyo wixii la siiyo kab ayay iskugu noqdaan. Cuntadii marka lagu siiyo oo guriga aad keentid waxay kaaga baahan tahay kab faro badan, sida goosaartii (Iiidaan). Waxaan soo shaqeystaan ka dabaraa, sida waxaad ka bilowdaa koow sonkortii, caanihii, hilibkii iyo wixii kaloo yaanyadii, baradashii iyo wixii qudaar ah ayaan ka dabaraa ma fahamtay.”

Abuukar ayaa gaariga uu lee yahay wuxuu ku gatay $2,500. Waa lacag labo sano iyo siddeed bilood uu ka aruursaday gaari gacan uu ku shaqeyn jiray. Xerada waxaa looga yaqaan gaari gacalihii taksiilaha noqday.

Wuxuu xusay in dad badan oo ka nolol sareeyay markii uu riixi jiray gaariga uu hadda si bilaash ah ku qaado marka ay u sheegaan inaysan lacag haysan. Wuxuu tilmaamay in tani ay tahay guushii ugu weyneyd ee uu gaaro noloshiisa.

“Mar walba meesha aan joogo inaan ka sii dhaqaaqo oo fikradeyda wax ka badalo oo shaqada aan joogo aan ka abuurto shaqo kale ayaan ku fakaray in go’aankeyga noqdaan ku fakaray ma fahamtay.  Sidaydaba hammigeyga wuxuu ahaa inaan kor u kaco oo aan sameysto waxaan ilmaha ugu shaqeysto. Nin shaqeysta iyo inaan shaqeysan isku mid maaha masha AllAah.”

Shaqadan waxay u fududeysay in waxbarashada uu ka bixiyo lix carruur ah oo u dhigta dugsi lagu barto Qur’aanka. Wuxuu bishii ka dhiibaa lacag isku darkeedu yahay $20. Afar ayaa sidoo kale u dhigta iskuul hoose iyo dhexe ah oo waxbarashadiisu bilaash tahay.

Abuukar oo ah aabbaha 12 carruur ah ayaa sheegay in sicir bararka hadda jira uu qoysas badan ku keenay inay wajahaan cunno yari, balse isagu uusan ka warwar qabin xaaladaas, waloow uu sheegay inuu dareemayo culeys dhanka dhaqaalaha ah.

“Horta nin yahow waxa meesha ku jira shidaalkii oo qaali ah oo la gadaayo shan lihii kun iyo saddex boqol. Haafka bariiska ah oo la gadaayo afar kun oo shillin, haaf sonkor ah la gadaayo toban kun, wax hadda la soo gadan karo maba jiraan. Wixii dhaqaale ahaan meesha maba ka soo baxaayaan.”

Abuukar ayaa gaariga uu nolosha reerka ka maareeyo wuxuu ku shaqeynayaa saddex sano. Dadka iyo badeecaha ayuu ku qaadaa. Howshiisu fasax maleh ee waa toddobaadka oo dhan. Bishii waxaa ka soo gala dhaqaale gaaraya $150 illaa $200.

Bishii wuxuu meel ka dhigtaa lacag $20 ah oo ka baxsan biilka reerka iyo qarashaadka joogtada ah. Raadiyow Ergo ayuu uga waramay qorshaha uu arintaas ka lee yahay.

“Waxaan u hammi dheerahay in gaariga oo hadda igu noqday daug (duq) oo markii horaba aan ku gatay duugnimo inaan ku badasho gaari cuseeb ah oo furihiisa aniga leygu soo wareejiyo oo ilmaha aan ugu shaqeysto. Laakiin hadda sababo jiro awgood oo sicir barar ah ma gaari karo hadda.”

Abuukar oo ah 35 jir waxay qoyskiisu helaan bishii gunno lacageed oo ah $30 iyo 38 kiilo oo masago ah. Ninkan ayaa xusay in kaalmadan ay ugu filnaan weyday in maalinkii labo waqti dabka ay ku shitaan, taasina ay ku dhalisay inuu abuurto il dhaqaale oo u gaar ah.

Dadka dhiggiis ah ee qaxootiga kula nool ayuu kula taliyay inaysan niyad jabin oo noloshooda ay badalaan, sidoo kalana aysan isku haleyn gacan kale oo aysan ku baahi bixi Karin.

“Intii iga dambeyso oo hammi ku jir ah waxaan kula dardaarmaa inay dadaalaan si iyagana hammigooda ay u garaan oo kii dambeeya oo walaal ah ama ehel ah u caawinaan. Waxaan kula talin lahaa inaysan hammi dhigin oo aysan tiiro dhigin oo nin walba hammiga uu lee yahay uu gaaraayo. Dadaalaa ayaa gaaro ee nin walbow dadaal boqolkiiba boqol. muraadkaaga waad gaareysaa Ilaahayow haddaad meel ku riddo labaatan Shillin way badaneysaa oo berri rajey ku galineysaa.”

Abuukar ayaa isagoo faro maran qaxootiga yimid sanadkii 2008. Wuxuu ka soo qaxay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Wuxuu ahaa beeraley ku qanacsan joogista deegaankiisa, balse amni xumo ayuu sheegay inay kaliftay markii koox hubeysan ay dishay adeerkiis oo ay isla la haayeen beerta oo 20 hektar ah.

“Marka nin yahow beerteyda aad iyo aadbaan u jeclahay. Mid igu filan bey aheyd, mid wax walbo ku yalaan ayay aheyd oo geedo miro leh ku yaalaan. Amni darradaas awgeed markii aan wareysto dadkii oo ley dhahaayo amni daradii aad ka tagtay mid ka daran ayaan ku jirnaa ayaanan ugu noqon karin. Anigoo arkaaya ayaa horteyda lagu dilay adeerkey. Aadbaan u soo calool xumaaday, tii darteed ayaan hadda u joogaa meeshaan.”

Ma badna fursadaha shaqo ee laga heli karo xeryaha qaxootiga Dhadhaab. Taas ayaa dadka badi ka dhigtay inay ku tiirsanaadaan kaalmada qaxootiga oo ah midaan ku filnayn.

Qoysaskan ayaa ah danyar halkan maciin biday markii ay la kulmeen colaado iyo abaar ka baabi’iyay ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.