
Boqollaal qoys oo afartii toddobaad ee la soo dhaafay gaaray xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka waqooyi-bari Kenya ayaa wajahaya xaalado cunno yari iyo hoy xumo.
Waxaa ku adag in maalinkii hal waqti ay helaan cunto ku filan, sida Raadiyow Ergo ay u sheegtay Ruqiyo Rooble Qaasim oo toddobaad ka hor timid xerada Dhagaxley.
Waxay tilmaantay in waxa kaliya ee qoyskeeda uu ku tiirsan yahay ay tahay raashin ay ku caawiyaan dadka xerada ku nool.
“Duhurkii waxba looma karinayo. Habeenkii ayaa wax loo kariyaa. Dhib iyo rafaad iyo silac ayaan iskaga nool nahay Wax la sameyn karo maleh kaarna ma helin,“
Ruqiyo oo ah hooyada siddeed carruur ah oo agoon ah waxay rajaynaysay in ay billowdo shaqo xoogsi ah sida dhar-dhaqista, balse wali aysan helin, maadaama xerada ay ku cusub tahay.
Waxay ku hoyadaan aqal xooshad ah oo qabowga habeenkii, qoraxda iyo dabeysha aan gabaad uga noqon karin.
“Guriga ma dedno bacna wali ma helin. Ilamaha xataa wax loo huwiyo malahan biyahana feel iyo rafaad ha iska ahaadaan waan iska soo darsanaa caagagga,”
Dhamaadkii bishii Diseembar qoyska Ruqiyo waxaa isku biirsaday xoolihii oo ka dhamaaday iyo saygeedii oo xanuun aan la garan oo barariyay caloosha u dhintay, taasi oo ku qasabtay in xeryaha qaxootiga ay soo maciin bidaan.
Waxay ka soo barakacay miyiga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ku dhaqanayeen ari iyo lo’ oo abaartu ay ka dishay.
“Xoolaha aan dhaqanaynay waxay ahaayeen 10 neef oo lo’ ah iyo 15 neef oo ari ah. Lo’dii markay dhamaatay, arigii ilmaha ayaa loo gad gaday oo lagu noo laynayay. Markii aan gacan waxba lagu haynin waan isaga soo guuray, waxaana dhahay ilmaha qoxootiga hala geeyo, saasaana inta ku imaanay,”
Xerada ay deggan tahay waxaa keenay gaari shan maalin uu soo waday, kaas oo ku soo qaaday $240, lacagtaas ayay tilmaantay inay aheyd mid qaraabadeedu ay ku caawiyeen markii uu ninkeedu dhintay.
Tan iyo bishii Janaayo waxaa soo gaaray xerada Dhagaxley 358 qoys, sida Raadiyow Ergo uu u sheegay guddoomiyaha guud ee xeradan.
Waxay iskugu jiraan qoysas horey ugu noolaa qaxootiga oo sanado ka hor Soomaaliya ku noqday iyo kuwo cusub oo markii ugu horreysay ay u tahay.
Dadka dib u soo laabtay waxaa ka mid ah qoyska Nuurto Cabdi Nuur. Waxay sheegtay in iyagoo aan waxba wadan ay yimaadeen xerada oo ay hadda ku nool yihiin tan iyo 25 bishii Janaayo. Waxay xustay inaysan jirin cid u shaqeysa qoyska iyo il dhaqaale oo uu ku tiirsan yahay.
Nuurto ayaa sheegtay in helitaanka biyaha aysan dhibaato ku qabin, balse caqabadaha ugu adag ay ka haystaan dhanka hoyga iyo cuntada.
“Cuntada wax uu dad soo uruuriyay oo la soo qaaraamay oo galay ah ayaan ku nool nahay. ilmo hal sano, labo sano iyo saddex sano jira waxaas miyuu cuni karaa. Ilaahay wax hana siiyo aadbaan u rafaadsanahay,”
Qoyska Nuurto waxaa hoy u ah aqal cooshad ah oo ay dhisatay, kaas oo ay xustay inuu yahay mid nugul oo aan ka celin karin roobka iyo qoraxda.
Waxay intaas ku dartay inaysan xal u hayn caqabadaha haysta, ayna rajo xumo gashay markii ay aragtay qoysas bilooyin ka soo horeeyay oo aan wali helin diiwaan galin iyo kaar dadku ay ku qaataan gunno lacageed iyo raashiin hay’aduhu ay bixiyaan.
Waxay sheegtay in labo bil iyo kow iyo toban beri ay ku qaadatay in halkan ay soo gaarto. Waxay ku soo guureen gaari dameer uu ku caawiyay nin qaraabo la ah. Sida ay xustay safarku ma aheyn mid xiriir ah oo waxay ku nasanayeen hadba deegaan.
“Waddada waan ku soo rafaadnay oo dhib baan ku soo marnay. Biyaha labo jiirikaan ayaan soo qaadanay, markuu dameerku qaadi waayo midbaan iska dhigeynay. Jidka baahi iyo oon iyo daaal ayaan ku soo marnay,”
Waxay ka soo barakacday deegaanka Xagar oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose, kaas oo 212 km u jira xerada ay joogto. Deegaankan ayay dib ugu noqotay sanadkii 2016, markaas oo ay ka guurtay xerada qaxootiga ee Ifo oo ay ku nooleyd muddo saddex sano ah.
Nuurto oo ah hooyada toddobo carruur ah ayaa sheegtay in xeryaha Dhadhaab ay soo maciin biday markii abaar darteed ay uga dhammaadeen afartan lo’ ah iyo ari boqol ah intii u dhexeysay bilihii Maarso iyo Oktoober ee sanadkii hore.
Waxay intaas ku dartay in labo sano ka hor ay ugu dambeysay tacbashada beer tooda ah, taas oo ay u waayeen roob ku filan oo dalagu uu ku baxo.
Qoysas dhawaan tagay xeryaha Dhadhaab ayaa ka soo barakacay gobolada Jubbooyinka, Bay, Bakool iyo Gedo.
Guddoomiyaha xerada Dhagaxley Cabdullaahi Cali Aadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska cusub ay xaaladoodu liidato oo aysan heli karin wax hal waqti ay karsadaan, markii ay waayaan kaalmo kooban oo ay ka helayaan qaxootiga horay u deganaa xeryaha.
“Annaga guddi ahaan dadaal fara badan ayaan samaynay. Dadka ayaan uga soo uruurinay wixii ay awoodeen, laakiinse waxii wax kuf ilan ma ahan,“
Tan bishii lixaad ee sanadkii hore xeryaha Dhadhaab waxaa tagay 80,439 qof oo Soomaaliya uga soo barakacay colaad iyo abaar sida ay sheegeen hay’adaha samafalka ee ka howl gala Dhadhaab.
Xigasho: Radio Ergo
Leave a Reply