Thursday, May 02, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DFS MA LEEDAHAY QORSHE SIYAASADEED OO KU AADDAN SOMALILAND?

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Wada-hadallada Somaliland iyo Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS) waxay soo jiitamayeen ilaa sannadkii 2012 iyagoon ilaa haddana labada dhinac farqiga u dhexeeya weli wax xal ah u helin. Su’aalo faro badan ayaa ku gedaaman wada-hadalladaas, laakiin waxay qormadani is-weydiinaysaa in DFS leedahay qorshe siyaasadeed oo ku aaddan Somaliland una adeegaya ilaalinta iyo xaq-dhowrka qarannimada Soomaaliya? 

Waxa bishii Abriil ee sannadkan 2023 madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Cabdikarim Xuseen  Guuleed ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha wada-hadallada Somaliland iyo DFS. Maamulka Somaliland si diiran ayey u soo dhoweeyeen, iyana dhankooda waxayna magacaabeen ergey gaar ah, Edna Aden.

Su’aalo badan ayaa laga keenay in hal qof loo xilsaaro  xal-u-helista qaddiyadda gooni-goosiga ee kala dhantaalaysa abyanka dhuleed iyo madax-banaanida qarannimo ee jamhuuriyadda DFS. Xataa waxa su’aal maangal ah laga soo celiyey in erayga “ergey” ku habboon yahay xilkan leh miisaanka culus .

Cabdikariim Guuleed

Magacaabista ergey Guuleed lama ay socon tilmaamo shaqo (Terms of Reference) oo uu madaxweynuhu siiyey iyo ujeeddooyin cad oo laga filayo in ergeygu ka lib keeno. Hase yeeshee waxay u badan tahay in hawsha loo xilsaaray tahay inuu Hargeysa ku qanciyo inay ku soo guryo-noqdaan xayndaabka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Ujeeddo kale oo taas ka hoosaysa lama suurayn karo, marka lagu eego okiyaalaha DFS.

Ergey Guuleed, maalmo ka dib magacaabistiisii, waxa uu la kulmay xildhibaannada DFS ee waqooyiga dalka ka yimi qaarkood  oo ka soo kala jeeda beelaha Isaaq, Samaroon iyo Ciise. MW Xasan Sheekh Maxamuud na waxa uu marar badan tibaaxay in Laascaanood ka tirsan tahay Somaliland.  Kolkaa, Xagguu, talow, ergey Guuleed ku ilaabay xildhibaannadii reer Laacaanood iyo Laasqoray? Ku dar in DFS ay mucaawinada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) soo mariso Hargeysa. Halkaa waxa ka dheegmaya in DFS aanay qeexi karin horta yaa Somaliland ah!

Dhanka kalena, hawsha Edna Aden loo xilsaaray waa caddahay sida dhawr jeer madaxda Somaliland ku tiraabeen, taasoo ah in heshiisayadii hore loogu gaadhay Jabuuti iyo Istanbuul la fuliyo; ilayn way og-yihiin in aan marna Xamar bixinayn warqadda fasaxa e’. Ogaalkay, qodobbadii hore labada dhinac ugu heshiiyeen dhammaantood way fuleen mid mooyaane: wadaagga duulimaadka hawada (civil aviation).

Fulinta qodobbadii hore loogu heshiiyey Somaliland faa’ido badan ayey ka heshay sida in dalalka qaarkood caawimada caalamiga ah toos u siiyaan Hargeysa sida sanduuqa la baxay Somaliland Deveopment Fund iyo in Xamar caawimada caalamiga ah hoos-hoos qayb libaax ka siiso Hargeysa. Hargeysa, xataa, kama soo xisaab celiso lacagaha ay dhuumashada ku qaadato sida uu sheegay xafiiska Hantidhawrka Guud ee DFS.

Imika waxay Hargeysi u shaxaysaa waa sidii lacagta laga heli doono deyn-cafinta haya’adda caalamiga ah ee lacagta (IMF) iyo bangiga dunida (World Bank) qurus weyn uga heli lahayd. Ka garo in wasiirkii hore ee maaliyadda ee DFS, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, uu hadda yahay la- taliyaha  gaarka ah ee wasiirka lacagta ee Somaliland.  Xasuuso akhriste in md. madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiirradiisu aanay afka ka dhigi jirin MW Farmaajo iyagoo ku eedaynayey inuu cuno-qabatayn ku hayey!

Haddaba, waxa sidaa ku hirgalay siyaasadda maamulka Hargeysa ee ahayd in aan la siyaasadayn cawaamida caalmiga ah. Wada-hadalladii Hargeysa iyo Xamar isugu yimaadeen Jabuuti 2020kii, waxay Hargeysa ganafka ku dhufatay in la fasaxo wadaagga iyo isku socodka bahda dhaqanka iyo fanka. Talow diidmadaasi miyaanay siyaasad ahayn? Ma duco ayey ahayd!

MW Xasan Sheekh Maxamuud

Tusaalayaashaas kore waxay u dhacayaan in DFS ku socotay siyaasad sabaalayn ah. Haddana madaxweyne Xasan Sheekh iyo ergeygiisa gaarka ahi tubtii hore ayuun bay hayaan; qorshe cusubna, ilaa hadda, may soo kordhin.

Sabaalaynta noocaas ah waxa looga aayaa ba waa shacabka waqooyi oo mugdi lagu hayo, lagana qayb-qaato majaro habaabintooda. Waxa kale oo laga dhitaystay waa beesha caalamka iyo dalalka Geeska Afrika oo aqbala gooni-isu-taagga Somaliland. Ogow aqbalka iyo aqoonsigu waa labo kala duwan. Tusaale waxa kuugu filan in dawladda Maraykanku heshiis iskaashi oo miltari bishii Desembar 2022da la gashay Somaliland; MW Xasan Sheekh na uu raalli ka ahaa. Heshiiskan oo dhaawac ku ah xaq-dhawarka qarannimada Soomaaliya.

Aqbalaadda ugu horraysa ee gooni-isu-taagga waxa bixisa DFS. Caddayn waxa u ah in sannad kasta ay xaflado ka dhacaan gudaha caasimadda dalka ee Muqdisho, kuwaas oo loogu debbaal-dego maalinta gooni-isu-taagga Somaliland. Sannadkan 2023 waxaaba lagu qabtay Beerta Nabadda ee Xamar. DFS waxay fududaysay in Hargeysa laga soo daabulo calamo, koofiyado, garba-saarro, luqun-saarro iyo astaamo kala duwan oo uu ku xardhanyahay calanka Somalind, lagana soo dejiyay madaarka Aden Cadde ee Xamar. Hargeysana, calanka Soomaaliya iska daayoo, shaati/diric buluug ah dad ku lebistay ayaa xabsiga loo taxaabay. Kaaf iyo kala dheeri.

MW Muuse Biixi

Hargeysa waxay u socotaa, muddada dhow, ma aha aqoonsi buuxa inay hesho, laakiin waa inay gaadho waxa loogu yeedho “Heerka Taiwan”. Macnhii inay shay caadi ah iska noqoto in dunidu ula macaamisho sidii dal madax-bannaan, iyada oo aan weli heer qaran gaarin (statehood), sida macaamilka xagga ganacsiga iyo bangiyada, heshiisyada shirkadaha caalamiga ah, bandhigyada dhaqanka, saldhigyada militari, isticmaalka dekedaha, is-weydaarsiga wakiillada iwm. 

Isku soo wada duuboo, nuxurku waa faraq baa u dhexeeya dhiirrigelin iyo sabaalayn. Dhiirrigelintu anshax iyo abaalmarin ba way leedahay, hadba kii ku habboon; laakiin sabaalayntu waa wada abaalmarin; marnabana soo saari mayso maxsuul togan sida  Xamar naawilayso oo ah bal inay mar uun Hargeysa ku soo guryo noqoto xayndaabka qaranka jamhuuriyadda Soomaaliya.  Xataa hadday soo gury-noqoto, ma jirto meel ku habboon oo looga sii baneeyey dastuurka.

Magacaabista “ergey gaar ah” ka ballaadhan hawsha u taal DFS markay timaado arrimaha Somaliland. Waxa DFS looga baahan yahay inay keento qorshe siyaasadeed oo wata istraatijyado ku salaysan siyaasad waaqici ah (real politik); kuwaas oo noqonoya shaqada koowaad ee wasaaradda arrimaha dibedda, xilka ugu culus ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo haya’adaha dib-u-eegista dastuurka ku meel-gaadhka ah.

Wa billahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.