Friday, February 26, 2021
Wardheer News
  • Featured
  • Maqaallo
  • Slideshow

DEGELKA AFDHAAB: SHIBBANAHA ‘HAMSA’ IYO NUGLEEYAHA ‘AMA’

W.Q. Anwar Maxamed Diiriye

Haddii uu ‘hiil afku leeyahay,’ waxa qumman baa ay ila tahay, in had iyo goor loo dhug iyo  daymo lahaado, meelaha uu ilduufku ka jiro ee nuglaaday. Haddii bulshada afka ee maanka  furani ay sidaa yeesho, waxa hubaal ah, in maalinba meel dayacan la gufeynayo, iyada oo aqoon  iyo garasho loogu hiillinayo afka iyo waayihiisa………goor iyo ayaanba! 

Haddaba, aniga oo ka duulaya u dhug lahaanshaha hogag marin habaabay, ayaa aan maanta  doorbidayaa, in aan idinla wadaago cillad iiga dhex muuqatay shibbahaha ‘hamsa’ iyo  nugleeyaha ‘ama’. 

Bishii Maaj 2012 ilaa iyo hadda, waxa i soo hor fariisatay arday ka badan 600, oo 40tameeye  mooyaane inta kale afka ay marti aan u dhalan u ahaayeen. Ardaydaas in ka badan kala bar,  waxay ahaayeen arday hore u soo qaatay afka 3-9 bilood, xilliyo kala duwan.  

Waxa nasiibdarro weyn ahayd marka ardaydaas hore afka wax uga soo baratay aan horudhac  ahaan u siinayey ablablaynta guud ee afka iyo weliba xarfaha, in mid iyo laba mooyaane intooda  kale ayan weligood maqal oo aan macallin Soomaaliyeed ama mid ajnebi ah toonihi aannu u  sheegin in ‘hamsa’ tahay mid ka mid ah shibbanayaasha afka Soomaaliga. 

Ma garan karo in sababtu tahay is moodsiis ama aqoondarri ka timid xagga macallinka iyo in si  kale ay wax u khaldameen, waxaase hubaal ah in ardaydu ay mudnaayeen, in la baro ‘hamsada’ iyo waxa ay afka dhigaalkiisa iyo dhawaqiisaba ugu taal. 

Yeelkeede, “HAMSA’ waa xarafka 22aad ee shibbanayaasha afka Soomaaliga. Waxa ay qabataa  dhawr hawlood oo la’aantood dhawaqa iyo dhigaalkuba aanay mug buuxa yeelanayn, haddii aan  lagu suntin halka ay mudan tahay in ay ku suntanaato. 

b) Mar waa dhawaq hojiso, taas oo codka ereyga ay ku jirto u yeesha rako lagu nasto ama  lagu hakado. Waxa ay kala reebtaa oo ay cod hojis u noqotaa ereyo aan isku raaci karin  dhanka coddeynta in la kala sooro mooyaane, sida ereyo u badan kuwo afka Carabiga ka  soo jeeda oo kale, sida Hay’ad. 

t) Mar labaadkana, waxa ay kala soocdaa oo dhexda u gashaa codadka ka kooban allano  ama shaqallo aan afkeenna dhawaqoodu in la kala sooco mooyaane aanay is raaci karin,  sida su’aal, faa’iido, la’aan iwm. 

j) Mar seddexaadka, waxa ay hamsadu abuurtaa wax dhimman ama waxa ay tognaanta ku  tahay tabnaan ka dhigta, sida la’ (Saxarla’, Ceebla’, Cawrala’, Dhoyla’, Gu’, Go’ iwm). 

Magacyadaas haddii laga reebo hamsada, waa ay macne beelayaan, xasilloonida dhawaqa  iyo coddeynta ereyaduna waa ay lumayaan. 

Sida aad ku arki karto magac Soomaaliga ay raacday hamsadu, waxa kaaga soo baxaya su’aal  oranaysa “maxaa ay la’ iyo la ku kala duwan yihiin. Jawaabta oo dul-ka-xaadis ahina waxa  weeye, in uu afkeenu leeyahay laba qurub oo kala ah ‘la’ oo ereyga ay raacdo macne gaar ah  siisa iyo ‘la’ oo ah xiriiriye ama meeleeye, hadba sida uu ereyga ama weedha u raaco). 

**** 

Nugleyntu waxa inta badan loo baahdaa marka heesaha la saarayo coddeynta iyo dhawaaqyada  xarkaha dananka leh ee miyuusigga iyo marka erey ama weedh hore loo yiri mid la mid ah ama ka macne sahlan lagu sidkayo. Xagga coddeynta heesaha, waa ereyo la isku dhirbaaxayo ama la  isku jarjarayo, iyaga oo la kala xadayo, si halka ciriiriga ah ee xarriga ama dananiyaha laga  tumayo iyo fannaanka ku coddeynaya xargihiisa dhuuntu iskugu saloolmaan ama soohmaan.  

Tusaale, haddaad u fiirsato heesta ‘Deeqa ee uu ku coddeeyo Axmed Cali Cigaal, weliba  qaybteeda hore ee horudhaca ah, ayaad si fudud ugaga bogan kartaa nugleynta coddeynta  ereyada maansada.

  • xusuus baa i dilootayoo 
  • qalbigayga doorisoo 
  • hadba meel u duulee 
  • ma laygu kaa diray? 
  • ma adigaa doqonoon 
  • duunyada wax dhaamin? 
  • daalaye Deeqaayl 

Haddaba, ‘ama’ waa nugleeye u oggolaada adeegsadaha in uu erey ama weedh la yiri uu ku  fududeeyo, iyada oo hadba ereyga dambe ama weedha dambe ay ka sahlanaanayso ama la macne  noqonayso kii/tii hore loo yiri. 

Cillada nugleeyahan iyo isaticmaalka kala haysataana waxa weeye, in inta badan dadka  isticmaalaayi ay inta ay erey af Soomaali ah oo qurxoon ku hadlaan ay ‘ama’ ku ladhayaan  dabadeedna erey qalaad ku daba taxayaan. Halkaa marka ay marayso, dhegahaagu waxa ay ku  hakanayaan ereyada ama weedhaha la isku nugleeyey ee uu qofku adeegsaday, adiga oo  markiiba iskula faqaya ‘oo maxaa la nugleeyey? Ma afkaan hooyo ayaa mudan in mid qalaad oo la yiri lagu nugleeyo oo laga daba yiraahdo, mise afka hooyo ayaa mid qalaad oo aan badiyaaba  dadka loo laqimayaayi aqoon loogu nugleynayaa?…..Goormaa la doorsoomay! 

Halkaa waxa ku jira dhimaal aad u mug weyn, khatartiisana leh oo haddii uu sidaa ku sii socdo  xilli aan dheerayn xaaqi doona garashada ereyga ama weedha afka hooyo ee lagu nugleeyey afka  qalaad. 

‘Ama’ hawsha kale oo ay qabataayi waxa weeye, in ay ereyo tax ah oo isku macne ama kala  macne ah, oo af hooyo wada ah ay isku nugleyso, iyada oo ujeedku yahay in dadka qofba kii uu  ereyadaas ama weedhahaas la yiri ka garanayo uu ku buuxsado habsami u socodka hadalka ama  qormada. 

Haddaba, talada aan ku soo gunaanadayo qormadan yari waxa ay tahay, in aan hamsada looga  tegin si dhayalsi ama wahsi ah, oo aan dhambalan lagu ridin mugga dhigaalka ereyga afka  hooyo; iyo in si taxaddar leh loogu dhug yeesho isticmaalka ‘ama’ iyo nugleynta ereyada iyo  weedhaha loo adeegsanayo intaba. 

“Ama’ waa in ay ereyga hore nugleysaa, oo ereyga ama weedha dambe u yeeshaa macne ka  debecsan faham ahaan ereyga ama odhaahda hore loo yiri, ee ma aha in ereyga la nugleynayo ee  hore uu ka sahlanaado kan lagu nugleynayo ee dambe. 

F.G: casharkani intaa wuu ka mug iyo baaxad weyn yahay, intanise waa ‘halhaleelkiyo hawlaha  adduun, hiirta waabberi, ku hamsiiyaay! 

Febraayo 2021, hiilkaygu waa kaa!

W.Q. Anwar Maxamed Diiriye 

Email: [email protected] 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2021 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.