Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Deegaanka Soomaalida iyo Degganaansho La’aanta Itoobiya (Q.1aad)

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Itoobiya way ololaysaa. Waxaa xilligan ka aloosan dhibaatooyin iyo khalhkal siyaasadeed oo maalinba maalinta ka dambaysa cirka isku sii shareeraya.

Waxaa guud ahaanba meesha ka baxday rajadii isbeddelka ee laga filanayay ka dib markii uu talada dalka la wareega Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, waxaanay xaaladda Itoobiya maanta maraysaa marxad ka liitada xilligii uu talada hayay ururkii EPRDF ee ay horseedka u ahayeen Tigreegu.

Waxa ay dadka siyaasadda Itoobiya u dhuundallolaa aaminsanyihiin in hadda xaalku gaadhay meel ay adagtahay in dib looga soo noqdo.

Hachalu Hundessa

Iyadoo xilliyadii u dambeeyayba ay xoogagga isbeddel doonka Itoobiya ka aaminbaxeen, aadna uga soo horjeedeen dhabbaha siyaasaddeed ee uu cagta saaray Abiy Axmed, ayaa haddana waxa ay taladu faraha ka sii baxday ka dib markii dhawaan la dilay heesaagii u dhashay qawmiyadda Oromada ee Hachalu Hundessa oo shacbiyad weyn ku dhex lahaa Oromada. Dilkaas ayay qawmiyadda Oramdu gudo iyo dibadba si cadho leh uga jawaabeen.

Tallaabooyinkii uu qaadday Abiya Axmed si uu u xakeemayo mudaharaadyada iyo burburka ka dhashay dilka heesaaga ayaan noqon kuwo lagu liibaanay balse bansiin uun ku shubay dabkii iyo holocii hore u baxayay. Waxa ay dunidu mar qudha ku soo baraarugtay hoggaamiyihii biladda nabadda ee Noobalka lagu abaamariyay oo caddaadis, cabbudhin iyo dil kula kacaya shacabkiisii.

Dibadbaxayaal Oromo

Cadhada qawmiyadda Oromada oo iyadu ahayd tii sababtay isbeddelkii ka dhacay Itoobiya ee suurtogelisay in uu talada qabto RW Abiy Axmed ayaa hadda maraysa meeshii ugu xumayd.

Dhimashada, xadhiga iyo burburka hantiyeed ee ka dhashay dibadbaxyada ka taagan deegaanka Oromiya ee ay dariska yihiin Soomaalidu waa mid aan la saadaalin karin waxa ay ku dambeyn doonto arrintu.

Qawmiyadda Amxaarada oo siyaasad ahaan aad u diiddan nidaamka federaalka qawmiyadaha Itoobiya, laguna tilmaamo in uu RW Abiy Axmed dhankooda u janjeedho; islamarkaana lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilkii heesaaga ayaa noqotay bartilmaameedka ay dibadbaxayaasha Oromadu ku cadho-burburayaan. Waxaa sidoo kale ay burburiyeen astaamihii iyo taalooyinkii boqorradii Amxaarada.

Dhanka kale qawmiyadda Tigreega oo iyadu muddo dheer ku naaloonaysay talada Itoobiya ayaa hadda ka xadhkofurtay maamulka Addis ababa. Waxay si cad uga horjeesteen dibudhigistii doorashada Itoobiya iyagoo islamarkaana ku dhawaaqay in ay doorasho aanay la ogeyn maamulka Addis ababa ka qaban donaan deegaankooda. Haddii aanay xaaladda wax iska beddelin waxay u egtahay in ay Tigreegu ku dhawaaqi doonaan gooni-isutaag. 

Waxay dad badani arrimaha hadda ka taagaan Itoobiya ku tilmaameen billowgii dhammaadka Imbaraadooriyaddii Abasiiniya ee  xoogga isugu keentay qawmiyadaha kala geddisan, muddada dheerna ay ku amarkutaaglaynaysay qawmiyadda Amxaaradu.

Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxa ay tahay waxa shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato uga qorshaysan marxalladan cusub ee ay gashay Itoobiya?

Deegaanka Soomaalida

Marka aynu taariikhda dib u yara milicsanno waxaan cidna daah ka saarnayn in qaddiyadda shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos jira xukunka Itoobiya ay ahayd welina tahay qaddiyad gumaysi.

Shacabka Soomaali Galbeeed iyo dawladdihii kala dambeeyay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ba waxa ay halgan naf iyo maalba loo huray u soo galeen sidii shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysataa u heli lahaayeen xaqa aaya-katalintooda sida shucuubtii kale ee Afrika ee la gumaysan jirayba u hanteen xorriyaddooda.

Haddaba innagoo aan waqti badan iskaga lumin halgankaas iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray maadaama laga wada dheregsanyahay, waxaa habboon in aan wax iska weydiino xaaladda xilligan ay ku suganyihiin shacabka Soomaali Galbeed iyo waxa la gudboon.

Tan iyo intii xukunkii Dhergiga laga tuuray awoodda, lagana hirgeliyay Itoobiya nidaamka federaalka ee ku dhisan ismaamulka qawmiyaddaha, shacabka deegaanka Soomaalidu waxay heleen wax loogu yeedho ismaamul hoose balse run ahaantii talada meeló kale looga soo yeedhiyo.

Waxaa loo geystay muddadaas xadgudub iyo tacaddi farabadan, waxaana laga duudsiyay xuquuqo badan oo dastuurka federaaku siinayay shacabka deegaanka Soomaalida, maamullada halkaas ka jiraana ma ahayn kuwo marnaba ku yimaadda rabitaanka dadkooda, waxaana caado u ah in horjoogayaasha deegaanka  mid weliba uu kaboqaad u noqdo cidda kursiga ku fadhiisisa ee taladu dhab ahaan ka go’do.

Eedda in si liidnimo iyo xaqiraaddi ka muuqato loola dhaqmo shacabka deegaanka Soomaalida taliska Addis Ababa ka sokow waa mid ay Soomaalida qudheedu wax badan ku leedahay maxaa yeelay marna lama helin Soomaali isku duuban oo xaquuqdooda si wadajir ah u raadsada.

Isnacaybka, shakiga iyo kala aaminbaxa qabyaaladdu sababtay waxa uu raad weyn ku yeeshay siyaasadda deegaanka Soomaalida iyo qaabka ay dawladda dhexe ula macaamisho.

Inkastoo cudurka qabyaaladdu yahay mid guud ahaanba ku habsaday Soomaalida meel kasta oo ay joogaanba haddana saamaynta uu ku leeyahay shacabka Soomaali Galbeed waa mid ka halis badan ta uu ku leeyahay Soomaalida inteeda kale maadaama ay shacaka S/galbeed wax la qaybsanayaan qawmiyado kale oo ismuquunin, cadaawad iyo tartan dhinac kasta ahi ka dhexeeyo.

Haddaba dhibaatadii ugu ba’nayd abid ee uu gumaysiga Itoobiya kula kaco shacabka Soomalili Galbeed waxay soo foodsaartay intii uu talada deegaanka hayay adeegihii Tigreega Cabdi Ilay, sidaadarteed qawmiyadda Soomaalidu waxay ahayd midda ugu baahi badan in isbeddel ku yimaado siyaasadda iyo hoggaanka sare ee Itoobiya.  

Abiy iyo Ilay

Isbeddelkii uu talada ku qabsaday Abiy Axmed Waxa uu ahaa mid si aad ah looga soo dhaweeyay deegaanka Soomaalida, waxaanay filanayeen mustaqbal aad uga geddisan wixii ay hore u soo mareen.

La soco qaybta 2aad oo aan si gaar ah ugu eegi doono maamulka Mustafe Cagjar iyo kooxaha mucaaradka Soomaalida ee ay ugu itaalka roontahay ONLF.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.