Dawladda Soomaaliya oo sheegtey in kharashaadkii xuska maalmaha xorriyadda loo weeciyey gurmadka abaaraha

Muqdisho (WDN)- Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar, ayaa sheegay in wax badan laga badaley siyaasadda dawladda isla markaana Kharashdkii dawladda ugu talo gashay in lagu qabto xafladaha lagu xusaayo maalmaha xorriyadda loo weeciyey in loogu gurmado dadka abaaruhu waxyeeleeyeen ee Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegey in suurtogal aysan ahayn in la qabto xaflado kharash xooggan uu ku baxaayo xilli malaayiin Soomaali ah ay macluul qarka u saaranyihiin. Sidaa daraadeed dawladda ay diiradda saareyso xilligaan in la samata bixiyo dadka abaaruhu hayaan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka warbixiyey xaaladda caafmaad ee madaxweynaha isagoo tilmaamay in xaaladda caafmaad ay aad u sareyso, isla markaana waajibaadkiisa gudanayo isagoo raacaya talooyinka hay’addaha caafmaadka ee la xiriira habraaca xakameynta xanuunka Corona Virus maadaama madaxweynaha cudurkaas laga helay.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.