Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DARARWEYNE: DOOX DURDUR AHAAN JIRAY

W.Q. Shaafici Qaasim Nuur

Shaafici Q. Nuur

Waxa aannu kala dhextaagan nahay danbaabidhada sannadka sii baxaya iyo hirdida kan soo gelaya, maalin qudha ayuun baana ka baaqi ah sannadka yagtiiska ku dhammaanaya ee 2017. Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa ayaa soo abaabushay safar aannu ku tegayno tuulada Dararweyne oo dhanka Waqooyi Bari kaabiga uga saaran caasimadda Hargeysa. Ujeedka safarkan ayaa ahaa in gargaar caafimaad oo lacag la’aan ah loo fidiyo dadka ku nool deegaankaas. Laba bas oo la ciirciiraya wadarta 53 qof oo isugu jira dhakhaatiir qalinjebisay, kuwo weli jaamacadda dhigta, kalkaalisooyin caafimaad iyo weliba karaatoon dawooyin ah ayaannu kaga ambabaxnay xarunta jaamacadda.

Saddex jawaan oo gingiman oo roodhi ah, kalluun qasacadaysan, biyo iyo sharaab ayaannu jicsin iyo jidmar ahaan u sii qaadannay. Waxba ha yaabin akhriste, maxaa yeelay waxa baabuurta saaran dhallinyaro wiilal u badan oo sindheer ah e.

Sagaalkii iyo labaatan daqiiqo wakhtiga subaxii ayaannu weydaarannay xadhigga yar ee lagu masasaqay barta kontorool ee duleedka caasimadda Hargeysa. (Maanta horteed miyaaban u fiirsaday xadhig iyo bir midka uu yahay!) Toobiyaha ayaannu qaniinnay. Si uu jidku noogu soo gaabto, baabuurkana aannaan ugu dhex jactadin, Xuseen oo ah ninka ugu gadhka weyn inta baska saaran (balse aan ugu da’ weynayn) ayaa noo ballaysimay sheekooyin madadaalo ah, kuwaas oo markii danbe la isu dhiibdhiibay, ilaa aannu mar qudha uun ku warhellay wadihii baabuurka oo leh, “Magaalada ma dhinacan baynu ka gallaa mise dhinacan?”

Ardaydii safarka shaqo ku tagtay Dararweyne

“Ku soo dhawoow Dararweyne. Ku soo dhawoow beero waaweyn iyo biyo macaan.” Indhahayga ayaa akhriyay boodh ay sidaasi ku qoran tahay oo meel uu ka taagan yahay aan la garanayn. Waxa se aan kuu hubaa in aan judhiiba isha ku dhuftay geedo dhaadheer oo timir ah kuwaas oo aan horraantii u hanqaltaagay, balse aan candhuuftayda dib isaga liqay markii la ii sheegay in aanay weligood dhalin! Immika waxa aannu ka tallaabaynaa doox qaaxo weyn oo ay ka dhex qodan yihiin ceelal qoto dhaadheer oo tuunbooyin xoog badan lagu dhaadhiciyay. Waxa la ii sheegay in marka aanay jiilaal ahayn ilaa toddobaatan booyadood maalintii laga dhaamiyo, kuwaas oo Hargeysada aanay biyuhu wadagaadhin laga waraabiyo.

Xarunta hooyada iyo dhallaanka ee tuulada waxa diyaar ku sii ah dadweyne dumar iyo carruur u badan, kuwaas oo lagu sii wargeliyay in hawlwadeenno caafimaad u iman doonaan. Waxa igu qufullayd in aannu u tegi doonno dad bestood ah, kuwo nafaqadarro hayso iyo kuwo indhuhu aakhiro ka soo jeedaan. Balse waxa aan la kulannay dad dhafoorkooda dhaayahaagu qaban karaan oo aan dandarro badani ka muuqan. Malahayga biyaha dooxa iyo dalagga beeraha ee is barkan ayaa dubkooda hagaajiyay! Waxa naloo kala qaybiyay laba kooxood. Koox xarunta fadhiisata iyo koox xaafadaha ku soo wareegta. 10:30kii subaxnimo ilaa 1:30kii duhurnimo madaxa ma aannu qaadin. Isugeyn maalintaas waxa aannu caawinnay 243 qof, kuwaas oo midka ugu yar latalin caafimaad loo sameeyay.

Kolkii bukaankii safafka dhaadheer ku jiray soo gabaabsiyeen kowdii iyo badhkii duhurnimo ayaannu salaad iyo qado u rawaxnay, marka laga tago koox yar oo u sii hadhay qof qofka goorxun-socodka ah ee weli u soo gelaya. Ninkii fiqiga Shaaficiyada wax uun ka yaqaannay duhur iyo casarba wuu is raaciyay, halka intayadii badnayd aannu ku mintidnay in aannu duhurka sii durkaya uun ka dabatagno. Qadadu waa roodhi iyo kalluun dooxa qarqarkiisa lagu raamsanayo, waxaana la is weydaarsanayaa cabashooyinkii caafimaad ee ugu badnaa ee qof waliba la kulmay.

Wax yar haddii aannu fadhinay ayaa waxa na soo dul istaagay Xamse oo yulqankayaga soo raacay. Waxa uu ilaalinayay beerta aannu agteeda kadalloobno. Wixii aannu haynay markii aannu wax ka wadaajinnay, ayaannu weydiimo la boobnay. Dalagga ugu badan ee beerahan ka baxa waxa uu ku sheegay liinta noocyadeeda kala duwan iyo cambelafka iyo khudrad kale, nasiibwanaag se geedkan dadka qaaq kaga siiyey ee qaadka la yidhaahdaa kama baxo. Waxa kale oo uu Xamse noo sheegay in khudaar iyo geedo yaryar oo kale oo ay beeri jireen ay uga caalwaayeen cayayaan yaryar oo gam ka siiyay, suntii lagu cidhibtiri lahaana ay tahliwaayeen, cid ka caawisana aanay arag. Bal ka warran haddii beeralayda dalka cayayaandile iyo in yar oo gunno ah lagu kabi lahaa?… Miyaanay niyadsami carrada ku shinniyayn lahayn?

Dooxa Dararweyne

Si aan magaca Dararweyne wax uga ogaado ayaan Sh. Cabdillaahi Maxamed oo soddonkii sano ee ugu danbeeyay cadceeddu halkan ugu soo baxaysay, immikana xayn adhi ah dabajooga, weydiiyay, “Adeer magaca Dararweyne muxuu ku baxay?” Isaga oo aan indhaha u marmaran ayuu iigu jawaabay, “Adeer dooxan aad arkaysaa wuxuu ahaa durdur aan gu’ iyo jiilaal toona kala go’in oo xoolaha laga waraabiyo, sidaas ayaana magaca loogu bixiyay.”

Adeegyada aasaasiga ah badankooda waa laga hirgeliyay deegaankan. Waxa ku yiillay masaajid, malcaamad, iskuul iyo weliba xarunta lagu xannaaneeyo hooyada iyo dhallaanka. Markii ay intaasba indhahaygu qabteen, waxa igu soo dhacaysay, “Malaha reer tuulaadku sidaas uma shiddo badna oo saldhig boolis uma baahna!

Saddexdii galabnimo oo wax yar la’ ayaannu Dararweyne soo sagootinay. Iyada oo la soo daalay oo qof walba naftiisu cuslaysay ayaa basaska la soo fuulay. Xanshashaq hoose mooyiye, cid sidii markii hore u sheekaynaysa immika ma jirto, taasina waxay sababtay in jidku intii hore ka dheeraado oo jidaal noqdo iyada oo waddadu isla tii hore uun tahay. Afartii iyo badhkii galabnimo ayaan gurigayaga soo gaadhay aniga oo jidh ahaan u daallan, balse qalbiga ka faraxsan, maxaa yeelay ma jirto farxad ka weyn in qof bini aadan aah oo kuu baahan aad kaalmayso.

W/Q: Shaafici Qaasim Nuur
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.