Ceerigaabo (WDN) – Dagaal ayaa ka dhacay deegaanka Shidan ee gobolka Sanaag. Dagaalkasi ayaa lagu soo waramaya in uu uu dhaxeeyo labada beelood ee Warsangeli iyo Habar-Yoonis, oo wada dega gobolka Sanaag.

Wararka soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Soomaaliland oo uu wato Guddoomiyaha Gobolka Sanaag iyo kuwo kaleeto oo soo maray dhinaca Badda, ay qeyb weyn ka ahaayeen dagaalkaasi. Halkaasina ay ka dhasheen khasaare isigu jira dhimasho iyo dhaawac, iyada oo wararku sheegayaan in 17 qof ay ciidamada Soomaaliland kaxaysteen oo aan laga war qabin goobta ay ku dambeeyeen.
Dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay dagalkaasi ayaa lagu soo waramayaa in la loo qaaday Cusbitaalada magaaloyinka Ceerigaabo iyo Boosaaso.
Wali ma jiro war rasmi ah oo ka soo kal baxay laba maamul ee Soomaaliland iyo Puntland, oo ka waramaya dagaalkaasi.
Deegaanka Shidan oo lagu sheegay in ay tahay goob leh macdan, ayay horey uga dhaceen dagaalo iyo iska hormimaadyo u dhaxeeya labada beeelood.