Dad Alshabaab u qaabilsanaa arurinta lacaga baadda ah oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho (WDN)- Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee hawlgalada ka dhankla ah kooxda Alshabaa  ka wada gobolka Shabeelaha dhexe, ayaa maanta soo bandhigey 2 nin oo lagu sheegay in ay kooxda Alshabaab u qaabilsanaayeen arurinta lacagaha baadda ah ee kooxda ka qaadeysay ganacsatada iyo shacanka gobolkaasi.

Labadaan qof ayey ciidamada  xooga kusoo bandhigeen deegaanka Warciise waxaana lagu kala magacaabaa Cali Shiikh iyo Xasan Macalin, kuwaasi oo shacabka sida qasabka ah uga qaadi jirey waxa Alshabaab ugu yeeraan Sakawaat-ka. Waxaana labadaan nin ee ciidanka xooggu soo bandhigeen ay qirteen in falalkaasi ay ku lug lahaayeen.

Qabashada dadka Alshabaab u qaabilsan lacagaha baadda ah ayaa ah arrin cusub oo bilow u ah, iyada oo ugaarsiga dadkaasi oo hore dawladdu u balanqaaday in ay xoogga saareysa la dagaalanka kooxahaasi waxaana ay ganacsatada iyo shacabka ka dalbatey in dawladda  sio wargeliyaan ayadoo adeeg gaar ah arrimahaasi u samaysay.
La dagaalanka kooxaha aruriya lacagaha baadda ah ayaa xeeldheerayaashu tilmaamayaan haddii dawladda Soomaaliya ku guuleysato in ay keeni karto Alshabaab oo wajahda caqabad dhanka dhaqaalaha ah, ayadoo haatan kooxda lagu tiriyo kooxaha argagixisada midda ugu dhaqaalaha badan ee Alqacida ka tirsan.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.