Hawlgalka Qaramada Midoobey Soomaaliya ee UNSOM oo waqtiga loo kordhiyey

Muqdisho (WDN)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  ayaa waqtiga u kordhiyey muddadii hawlgalka ee ay ka wadeen Soomaaliya, waxaana lagu daray muddo hal sano oo cusub. Arinkan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey uu dib u eegis istaraatiijiyadeed  ku sameeey  howlgalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Hawlgalka Qaramada Midoobey Soomaaliya ee UNSOM oo waqtiga loo kordhiyey

Golaha Amaanka ayaa ka dalbadey xafiiska UNSOM in ay ilaaliso isla markaana xoojiso joogitaankeeda guud ahaan Soomaaliya iyo in ay sii wadaan wada shaqeynta ay la leeyihiin hay’addaha kala dawladda federaalka Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), si dawladda Soomaaliya ay uga adkaato kooxaha xasilooni darida ka wada Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa sidoo kale cambaareeyey weerarkii arxan darada ahaa ee kooxda Alshabaab ka geysatay Muqdisho, 29-kii bishii October ee lasoo dhaafey kaasi oo gallaaftay nolosha in ka badan 100 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay 300, waxaana golaha amaanka xusey in ay ka gacan siin doonaan dawladda Soomaaliya sidii ay uga adkaan lahayd kooxaha argagixisada ee Alshabaab iyo daacish ee qaranimada Soomaaliya kasoo horjeeda.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle, ayaa uga  mahadceliyey Golaha Amaanka muddo kordhinta uu u sameeyey xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey Soomaaliya (UNSOM ). Waxa uuna tilmaamay in Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay dib u cusboonaysiiso ballan qaadkeeda ku wajahan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay xoojiso isku xirka hay’adaha kala duwan.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho