Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigtey hab gaar ah oo lagula dagaalamayo wakiilada Alshabaab lacagaha baadda u aruuriya

Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigtey hab gaar ah oo lagula dagaalamayo wakiilada Alshabaab lacagaha baadda u aruuriya

Muqdisho (WDN)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtey qorshe wax lagaga qabanayo baadda kooxda Alshabaab ay ka qaado ganacsatada Soomaaliyeed, waxa ayna shaaca ka qaadey hab gaar ah oo bulshadu kusoo gudbin karaan xogta dadka lacaga baadda kooxda u aruriya.

Shir jaraaid oo ay si wada jir ah magaalada Muqdisho ugu qabteen Wasiirada Maaliyadda, Amniga iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayey sheegeen in habkan xukuumaddu hirgelisay uu suurto gelinayo in laga jaro kooxda Alshabaab malaayin Dollar oo si baad ah ay uga qaadaan ganacsatada Soomaaliya. lacagtaasi oo la sheegay in ay u adeegsadaan maalgelinta hawlgaladooda milatari ee bulshada ay ku dhibaateynayaan.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay  in lacagaha ganacsatadu sida baadda ah u siiyaan kooxda Alshabaab loo adeegsado gumaadka caruurtooda iyo bulshadooda, waxa uuna farey ganacsatada in arinkaasi ka joogsadaan bixinta lacagahaasi , isaga oo ku bogaadiyey in ay dawladda kala soo xiriiraan habkaan fudud oo xogta ay dawladda lasoo wadaagaan si gacanta loogu soo dhigo wakiilada kooxda lacagaha u aruriya.

Wasiirka Amniga Dr. Maxamed Axmed Sheekh ayaa dhankiisa xusay in  lacagaha baadda ah ee ay bixiyaan ganacsatada Soomaaliyeed ay carruurtooda iyo hooyooyinkooda lagu qarxiyo, waxa uuna balanqaaday badqabka ganacsatada isagoo yiri ” Dowladda Soomaaliya ayaa masuul ka ah bad qabka qofkasta oo Soomaali ah, haddii ay tahay in qori ku difaacdo, dagaal dagaal ugu difaacdo, Sharci iyo nidaam ku difaacdo kii qalad galay inay ka celiso qaladkane ay ka difaacdo”.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtey in fulinta habkan gaarka ah ee lagula dagaalamayo wakiilada lacagaha baadda u qaadda Alshabaab, loo diyaariyey hawlwadeeno si aad u tababaran oo diyaar u ah in bulshada Soomaaliyeed u adeegaan 24 saac. Waxa ayna xukuumaddu soo bandhigtey taleefano gaar ah oo bulshada xilli walba ay soo wici karaan. Waxaana qorshahan gaarka ah uu qeyb ka yahay hawlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab oo qeybo badan oo dalka ah ka socda.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.