Toddobaadkii lagu jirey dabbaaldegyadii lagu xusayey maalmihii taariikhiga ahaa ee xornimada, 26ka iyo 27ka Juun iyo 1da Luulyo, waxaa garab socdey shirar iyana taariikhi ah oo lagu daah-furay Akadeemiya-goboleedda Af-Soomaaliga oo ah xarun-cilmiyeed nooc cusub ah, taas oo lagaga dhawaaqay Magaalada Jabuuti, Jamhuuriyadda Jabuuti. Waa haya’d ka dhexaysa gayiga ama dalalka Geeska Afrika ee ay Soomaalidu degto: Soomaaliya, jibuuti, Itoobiya iyo Kenya.
Shirarka udub-dhigga Akadeemiyadu waxay socdeen 24 – 27kii Juun. Kan udub-dhexaadka u ah wuxuu ahaa xafladdii daah-furka Akadeemiyada oo ay hormuud ka ahaayeen wasiirrada dhaqanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-degaanka Soomaalida Itoobiya, Somaliland iyo Puntland. Waxaa iyana ka qaybgalay ergo ka socotey Kenya. Waxaa kaloo ka qayb-galay madax sare oo ka socotey xukuumadda iyo baarlammaanka Jabuuti, aqoonyahanno badan oo ka kala yimi dhammaan waddannada Geeska Afrika ee Soomaalidu degto iyo adduun-weynaha kaleba. Waxaa goob-joog ahaa guddigii aqoonyahannada ee lixdii bilood ee la soo dhaafay ku hawllanaa darsidda iyo diyaarinta Asaaska akadeemiya weyn oo uu yeesho afka Soomaaligu. Waxaa kaloo munaasabadda ka qaybgalay dad fara badan oo ka kala tirsan qaybaha kala duwan ee bulsha-weynta Jabuuti iyo bahda warbaahintaba.
Xafladdaan oo lagu beegay munaasabadda 26ka Juun, maalintii Hargeysa laga taagey calankii ugu horreeyey ee ay yeelatay Soomaali xor ah, waxaa lagu qabtay hotelka Kampinisky oo ah kan ugu weyn Jabuuti. Waxaa khudbado qiima badan ka jeediyey wasiirrada dhaqanka ee kor ku xusan oo uu hormuud u ahaa Wasiirka Dhaqanka, Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Aadan Xasan Aadan oo si mug leh u faahfaahiyey ujeeddada mashruucan, baahidii keentay iyo waddadii dheerayd ee uu soo maray geeddi-socodkii ay ka dhalatay Akadeemiyada cusub ee daryeelka Af-Soomaaliga. Waxaa kaloo hadal qiima leh halkaas ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka Dowlad-degaanka Soomaalida Itoobiya. Madaxdaasi dhammaan waxay si diirran u soo dhaweeyeen Akadeemiyada cusub, waxay ku tiiqtiiqsadeen baahida weyn ee loo qabo Akadeemiya ka dhexaysa dalalka looga hadlo Af-Soomaaliga, dadaalkoodana midaysa. Waxay dhammaantood ballan qaadeen inay dowladohoodu diyaar u yihiin inay gacan weyn ka geystaan hirgalinta Akadeemiyada.
Khudbadahaas rasmiga ah ka hor waxaa xafladda lagu furay bandhig-dhaqameed xiisa leh oo ay ka-qaybgalayaasha ku jalbeebiyeen kooxda caanka ah ee Afarta Maarso ee Dalka Jabuuti, ka dibna waxaa la dhageystey war-bixin ay soo jeediyeen Guddigii aqoonyahannada ee lixda bilood soo darsayey arrimaha lagama-maarmaanka u ah asaasidda Akadeemiyada.
Gunaanadkii munaasabaddan xiisaha leh madaxdii dowladaha iyo maamullada kala duwan waxay wada saxiixeen Axdi ama bayaan rasmi ahaan loogu dhawaaqay in la asaasay Akadeemiya-goboleedda Af-Soomaaliga.
Munaasabaddan rasmiga ah waxaa ka horreeyay kulan-aqooneed gogol-dhig u ahaa oo isla Jabuuti, Xarunta Urur-goboleedka IGAD lagu qabtay maalin ka hor oo ku beegnayd 25kii Juun 2013. Shirkaas oo ay ka qaybgaleen aqoonyahanno badan oo ka kala socdey waddannada Geeska Afrika iyo qurba-joogtaba waxaa lagu darsayey natiijooyinkii ka soo baxay hawlgalkii Guddigii Asaas-dhigga Akadeemiyada. Waxaa kaloo la isku weydaarsadey qoraal-cilmiyeedyo iftiiminaya arrimo xiriir la leh hawlaha loo baahanyahay inay qabato Akadeemiyadu. Kulan-cilmiyeedkaas waxaa ka soo baxay talooyin iftiimin u ahaa kulan-wasiireedka kor ku xusan iyo wax-qabadka mustaqbalka ee Akadeemiyada.
Kulannadaas waxaa lagu doortay gole loo xilsaaray hoggaaminta Akadeemiyada muddo sannad ah, taas oo uu ku xigi doono shirweyne si kama-dambays ah loogu dhammaystiro dhismaha Akadeemiyada. Muddadaas sannadka ah magaalada Jabuuti ayaa Akadeemiyada u noqon doonta xarun ku-meel-gaar ah. Golaha la doortay wuxuu ka kooban yahay 13 aqoonyahan oo u kala dhashay dalalka iyo degaannada kor ku xusan. Magacyadooda iyo xilalka loo kala doortay waa sida hoos ku qoran:
Dr. Maxamed Daahir Afrax – Guddomiyaha Akadeemiyada
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” – Guddoomiye-ku-xigeen
Dr. Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil – Guddoomiye-ku-xigeen
Dr. Cabdinaasir Ibraahim Axmed – Guddoomiye-ku-xigeen
Dr. Hibo Muumin – Khasnaji
Abwaan Siciid Saalax Axmed – xubin
Amb. Saalax Maxamed Cali (Shariif Saalax) – xubin
Barfasoor Cabdalla Cumar Mansuur – xubin
Abwaan Axmed Shiikh Jaamac – xubin
Abwaan Axmed Shiikh Cabdiraxmaan – xubin
Axmed Maxamed “Axmed Shiraac” – xubin
Burhaan Warsame – xubin
Maxamed Guutaale – xubin
F.G. Labada xubnood ee u dambeeya oo reer Kenya ah waxay codsadeen in la beddelo welise go’aan lagama
Copyright © 2013 WardheerNews, All rights reserved
Leave a Reply