Sunday, May 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion

CODKARNIMADA IYO DHAWDHAWDA

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
siciid1

Codkarnimada iyo dhawdhawdu waa laba aad u kala durugsan, aan waxba isaga dan ahayn. Codkarnimadu waa sifo la isku ammaano, oo hoggaamiye kasta badanaa laga fisho. Halka ay dhawdhawdu tahay nuqsaan la isku yaso oo maangaabta lagu tilmaamo. Taas ayaana keenta dadka adduunka ugu xilka culus inay si gooni ah isugu xilqaamaan inay isbaraan sidii khubado soo jiidasho leh ay u hanan lahaayeen.

Inahaasi waa kuwo laga dheregsan yahay oo xiise badan looma qabo. Waxaase jira oo run cad ah in hadba sida qofku afka hodon ugu yahay, uu adeegsiga ereyada u yaraystaa. Haddaan si kale u dhigo, arrin walba sida loogu kala aqoon yar yahay, ayaa soo-koobidda murtideeda loogu kala hadal dheeraadaa. Aqoontoo yaraataa hadal badni ayay kuu dirtaa, jeer aad dhawdhawle ku sifowdo. Codkarnimada iyo dhawdhawda waxaa la sheegayaa in xuub caaro ah oo qafiif ahi u dhexeeyo, ee bal aan eegno kuwii dantu ku qasabtay inay khudbado taariikhgal ah dunida u soo bandhigaan. Mid walba iyo kaalintiisa.

M U C A M M A R  Q A D A A F I

Madaxweynihii dalka Liibiya ayaa bishii sebt. 23 ee sanndkii 2009 khudbad ka jeediyay Golaha loo dhanyahay ee Qarammada Midoobay (UNO). Qofka saddexaad ee shirkaa ka hadla ayuu ahaa. Xilliga la isu qabtay in ereyada lagu jeediyo waxuu ahaa 15 daqiiqo. Isagu wax badan kuma uu darsan qiyaastiisa, ee wuxuu fadhiga haystay 100 daqiiqo keliya.

qadaafiAfar arrimood ayuu isku soo koobay. Tan hore oo kaalinta dalkiisa uu wax ka iftiimiyay; tan labaad in golaha ammaanka ee QM uu yahay mid qowlaysatadu iyo waxa loo yaqaan Qaacidaddu ku qaraabtaan. Tan sddexaad, burcad-badeedda lagu sheego Soomaaliya inay hafar iyo been hadoodilan tahay. Tan afraad, in safka cudurka dunida soo galay ee lagu magacaabo Durey-Doofaarka ee af-ingiisiga loo yaqaan “Swine Flu” uu yahay sun iyo shirqool gumeystuhu ku faafinaayo dunida.

Markuu ereygiisii ka gab siiyay oo go’iisii ka qaatay ayuu tegey khaymad (teendho) uu beerta Qarammada Midoobay dhexdeeda ka dhistay suu ciddii soo booqata ugu soo dhoweeyo.

F I D E L  K A A S T R O

castroHoggaamiyaha dalka Kuuba, khudbad uu ka jeediyay shirweynihii xisbiga shuuciga ee Kuuba 1986 ee lagu qabtay meesha fagaaraha (ninkii geesiga ahaa) isagoo kala fanedaya, kala dhigdhigaya siyaasadda dalka lagu maamuli doono dhawrka sano ee soo socda – dhinacyada dhaqaalha, bulshada, xiriirka dibedda, nabadda, waxbarashada, caafimaadka, isboortiga, isgaarsiinta iwm- waxay qaadatay 7 saacadood. Qiyaas ahaan waa intii buugyare laga aqriyi lahaa dhererkeed. Ciddii daal iyo caajis ka muuqdaa waa cid wadaninamadooda iyo kacaannimadoodu naaqus tahay oo uurka ka bukta.

K R I S H N A  M E N O N

krishnaWasiirka dalka Hindiya u qaabilsan UQM oo ka hadlayay fadhi uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM 1957. Arrintu waxay ku saabsan tahay gobolka Kashmiir ee ay dalka Hindiya iyo kay deriska yihii ee Baakistaan isku hayeen, welina sidii u taagan.

Siddeed saacadood ayuu hadalka haystay jeer uu dawakhay oo cusbitaalka loola cararay. Waddaniguse sidaa kuma haro, ee markuu soo kala miiraabay ayuu kobtii ku soo laabtay oo saacad kale halkii hadalkii ka sii waday

M A D A X D A  F A L A S T I I N

Ururrada xoraynta dalka Falastiin oo tiradooda cid si dhab ah u taqaan ay yar tahay, haddaan ka soo qaado 8 keliya oo aan la kulmay madaxdooda ee xafiisyada ku lahaa Cadan (Yemen) 80aadkii qarnigii 20aad ee la soo dhaafay. Hoggaamiyeyaashaa iyo ku-xigeennadooda oo dhammaantood la wada baxa:
– Abu Kifaax .. Abu Salaax .. Abu Milaax .. Abu Ribax ..
Abu Niwaax .. Abu Filaax .. Abu Siyaax .. Abu Riyaax iyo ..iyo
– Abu Minaal .. Abu Hilaal .. Abu Qitaal .. Abu Xibaal
Abu Jibaal .. Abu rigaal .. Abu Gidaal .. Abu Niwaal iyo.. iyo

Inta kaga baxday khudbado ay ku tartamayaan oo sannadkiiba dhawr jeer la qabto ee la isugu faanayo sida loo kala codkarsan yahay, haddii hawl dhab ah la gelin lahaa – inta dhegaysnaysana marka lagu daro – maanta Qudus sidaas uma gacan gasheen. Gabyaagii caanka ahaa ee NIZAR QABBANI ayaa arrintaa beyd maansa ah ka yiri: Af-carbeed
“ kallafanaa irtigaaluna .. khamsuuna alfa khaymaten gadiidah !”
Tarjumid: ‘ Dhawdhawdaasi waxay nagu kacday.. qaxooti 50, 000 ah in xeryo hor leh loo furo!’

J E N E R A L  M A X A M E D  S I Y A A D  B A R R E

Madaxweynihii dalka Jamhuuriyadda Dimuqraatiga ee Soomaaliya (1969 – 1991). Intii uu xukunka dalka hoggaanka u hayay,weliba sannadihii kacaanka ugu horreeyay, aad ayuu ugu dadaali jiray in khudbadaha dhaxalgalka ah aany ka qadin wasaarad, wakaalad, heyad, iyo goob kale oo dalka muhim u ah. Sidaas darteed, ayaa casharka ugu weyn ee uu bixiyaa ahaan jiray:
“Horta bal aan isweyddiinno, maxaa kacaanku u dhashay.” Kolkaas ayuu khudbad ka jeedin jiray. Waqti intee le’eg? Hadba sida jawigu yahay. Tan ugu yar saacad ka soo qaad. Middase xusuusta mudani waxay tahay isla khudbaddii loo jeediyay aqoonyahanka isugu yimi kulliyadda Lafoole ayaa muddo ka dib, ay nasiib u yeelan jireen dhallinta xarunta kacaanka ee Afgooye agtiisa ku tiil.

siyaadSidoo kale ayaa lafteeda uu uga jeedin jiray Golaha Ummadda ee Muqdisho oo madaxdii dalka oo dhammi isugu timi, intaan maalmo ka dib aanu sed u yeelan kulan lagu qabanayo suuqa Jalalaqsi.
Kolkaas ayaa duul dheeganaya inay soo aqriyeen oo fuuqsadeen culuumtii ay dareeriyeen Plato.. Darwin .. Marx .. Einstein .. Tagore.. .. Taha Xuseen .. Fanon .. Gandhi ..iyo iyo odhan jireen, “ ninku waa aftahan daran!” Khudbadaha aan soo sheegay inta qoraal af-soomaali ah lagu dejiyo ayaa af-ingiriisi lagu tarjumi jiray oo madaxda dalka Soomaaliya booqasho ku timaadda hadiyad loo siin jiray iyagoo ku soo baxay buugga loo yaqaan “ My Country And My people” si ay laftoodu duruus uga korodhsadaan.

L E O N I D B R E Z H N E V

Madaxweynihii dalka Midowga Soofiyeeti (1968 – 82), sannadihii u dambeyay ee uu sida ba’an isugu darsamy ayuu munaasabad walba khudbad loo soo qoray ka jeedin jiray, isagoo weliba mararka qaarkood isla bogga laftiisii ku laaban jirey arag-xumo iyo illawshiinyo isu biirsaday darteed. Khudbad walba inay dahab ka qaalisan tahay ayaa lagu qiimayn jiray oo billad hor leh lagu toli jiray.

leonidKhudbadahaas waxaa lagu dari jiray manaahiijta waxbarashada si aan faca soo korayaa aanu sedkaas uga qadin. Markay billadahaasi wax qof korkiisa ku sido ay ka bateen, jaakadiina meel looga waayay ayaa sarkaal gaar ah loogu qoray oo derajadiisu tahay billad-sidihii madaxweynaha. 1982 ayuu L. Brezhnev geeriyooday. Xilligaa waxaan ku sugnaa dalka Itoobiya. Safaarraddii Midowga Soofiyeeti uu Addis Ababa ku lahaa ayaan tegey oo buuggii tacsida soo saxiixay iyadoo koox Soomaaliyeed oo murugaysani ay i daba safan yihiin.

G E O R G E  B E R N A R D  SHAW

Intaas keliya innagoo ku dhaafaynna kuwa aynu maantaa fursad u hellay khudbadahoodii, aan u gudubno George Bernard Shaw wuxuu isagu ka qabo khudbadda iyo dhererkeeda habboon. Raalli ahow!
Horta George B. Shaw kumaad tahay? Iftiimin aad u gaaban, waa qoraa u dhashay dalka Ireland dabayaaqadii qarnigii 19aad. Suugaanta, siyaasadda iyo cilmiga bulshada ayuu wax badan ka qoray. Qof burji kulul, oo carrbkiisu maddani yahay ayaa lagu yiqiin. Wuxuu ka tirsanaa aasaasayaashii ururka la yiraahdo “ The Fabian Society” ee shicbiweynaha iyo danyarta u hadla. Muuqaal ahaan wuxuu ahaa nin dheer oo dhuuban, gadh weyn oo isku jooga leh iyo madax aan tin lagu arag.

G E O R G E  B E R N A R D  SHAW(Dhacdo): Gabadh jalaqsan, quruxda dhinac walba u saydhaysa oo magaciisa bilan ka dheregsan ayaa ku tidhi:
‘ Ka warran, George, haddii aynu isguursanno?
“Maxaynnu ka dheefaynnaa?”
‘carruur caqli –badnaantaada iyo qurux-wanaaggayga leh si aynu iska dhallo’. George kuma uu raajin jawaabtii.
“waxaan ka cabsi qabaa, inay sida kale u dhacdo oo aynu kuwo foolxumidayda iyo caqliyaraantaada wata soo kordhinno.”

(Dhacdo kale): Maalqabeen, millionaire weyn ah oo dhibsaday qoraallada George B Shaw ee wargeysyada ku soo baxa, ayaa mar ay kulmeem Shaw si kulul u weyddiiyay:
‘Horta George, maxaad xilli walba lacagta iyo dadka hodonka u hadal haysaa oo wax uga qortaa?’
“Maxaad rabtaa haddaa, in aan wax ka qoro?”
‘Waxaad ka qortaa oo ka hadashaa anshaxa, asluubta san, akhlaaqda, naxariista iwm.’
“ Waa gartaa, oo labadeenna, midkeenba wixii ka maqan ayuu had walba ka hadlaa oo carrabka u badiyaa!!”
Maalqabeenkii intuu micnihii si fiican u dhuuxay ayuu ka jaqaafiyay.

Bal imminka aan u soo jeesanno sida uu George Bernard Shaw uga hadlo khudbadaha la jeediyo. Sidan ayuu ku jawaabay mar arrintaa laga waraystay.
Wariye : Waqti intee le’eg ayaad u baahataa si aad khudbad ama erey micno leh oo 1 daqiiqo socda inaad ku diyaarsatid?
GBS : Waxaan u baahdaa toddoba maalmood.
Wariye : Mid saacad barkeed socotona diyaarin intee le’eg ayay
Kaa qaadataa?
GBS : Afar maalmod
Weriye : Mid aad saacad jeedinaysona?
GBS : Maalin qudha
Weriye : Mid lagaa rabo inay afar saacadood qaadatona?
GBS : Ma taa! Taas waan isla taagaa, oo ku daansha-daanshoodaa.

( for a 4-hour speech, I don’t need any preparations. I do it at the
spur of the moment, on the spot! )

Siciid Jaamac Xuseen

[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.