Muqdisho (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalo madaxda Maamul Goboleedka Galmudug ee Dhuusa-Mareeb, ayaa sheegaya in ciidamo lagu qiyaasay 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya, ay soo galeen magaalada Dhuusa-Mareeb.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay ujeedadoodu tahay sidii ay taageero u siin lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka wada maamul goboleedka Galmudug qorshe doorasho, ay dhawaan soo saareen jadwelka doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmadug oo ay gadhwadeen ka tahay isla Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Hadaba ciidamada Itoobiyaanka ee soo galay maanta magaalada Dhuusa-Mareeb, ayaa la sheegayaa in maamulka Farmaajo uu rabo in uu u adeegsado sidii ay u sugi lahaayeen in goobta ay ka soo baxdo natiijada ay rabto DFS.
Ciidamada Itoobiya ayaa horey DFS u adeegsatay cabudhinta rabitaanka shacbiga Soomaaliyees ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, iyada oo rabshado ka dhacay magaalada Baydhabo kagadaal doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed, ay sababeen dhimasho,
Sidoo kale ciidamada Itoobiya, ayaa la sheegay in ay soo galeen gobolka Gedo, deegaanada Luuq, Doolow iyo Buulo-Xaawo, ee Jubbaland, halkaasi oo la sheegay in ay xoog ugu muquuniyeen maamulkii ka jiray deegaanadaasi in ay ka soo horjeestaan maamulka Jubbaland.
Waxaa iyana maanta oo ku beegan bishan Noofember 29, Warqad Furan u diray Raysal- Wasaaraha Itoobiya, Madasha Xisbiyada Qaran iyaga oo sheegay in Itoobiya ay joojiso xadgudubka, farahana kala baxdo, islamarkaana ay dhexdhexaad ka haato arimaha Soomaaliya sida uu dhigayo qodoka 8-aad ee heshiiska joogitaanka ciidamada AMISOM.
WardheerNews
Leave a Reply