Ciidamada dawladda Soomaaliya oo kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal iyo isgaarsiinta deegaankaasi oo la jaray

Muqdisho (WDN)- Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in uu socdo abaabul dagaal oo xooggan oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee ku sugan degmada Aadan Yabaal oo ah saldhigga ugu wayn ee kooxdaasi ku leedahay deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Aadan Yabaal

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamo uu hoggaaminayo Col. Saney Cabdulle, cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Gor Gor iyo maleeshiyaada deegaanka ee Macawusleey ay haatan ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Mabaax oo dhaca duleedka degmada Aadan Yabaal, sidoo kale waxaa jira ciidamo uu horkacayo taliyaha ciidamada lugta milatariga Soomaaliya Jeneral Maxamed Tahliil Bixii oo kasoo ruqaansadey degmada Cadalle oo ku biiray gulufka, kuwaasi oo fariisin ka dhigtay deegaan 4 Kiilo Mitir u jira degmad Aadan Yabaal.

Xaaladda degmada Aadan Yabaal iyo deegaanada ku xeeran ayaa kacsan, waxaana gebi ahaanba la jaray adeegii Isgaarsiinta degmada, waxaana la sheegayaa in dadka rayidka ah ay billaabeen in ay isaga qaxaan deegaanadaasi ayagoo ka baqanaya in ay waxyeello ka soo gaarto iska hor imaadyada labada dhinac.

Warar aan la xaqiijin ayaa iyana tilmaamaya in saraakiisha sarsare ee maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ay billaabeen in ay isaga baxaan degmada Aadan Yabaal, taasi oo caddeynaysa in kooxdu dooneyso in ay magaalada sii banayso inta ciidamada dawladda iyo gaashaan-buurtoodu soo gaarin degmada.

Degmada Aada Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa ah saldhigga ugu wayn ee kooxda Alshabaab ku leedahay deegaanada uu ka taliyo maamulka Hirshabeelle, waxaana haddii kooxda degmadani laga saaro ay gabi ahaanba luminayaan saameyntii iyo awooddii ballaarnayd ee ay ku laheyd Hirshabeelle, waxaanay noqonaysaa dharbaaxo xooggan oo Alshabaab ay kala kulantay gulufka ballaaran ee dawladda Soomaaliya waddo ee lagu ciribtirayo Alshabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa haddii ay gacanta ku dhigto degmada Aadan Yabaal, waxa ay u noqonaysaa guulweyn oo ay kasoo hoysey dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah Alshabaab, waxa ayna horseedeysaa in lasii labajibaaro gulufkani oo gabi ahaanba Alshabaab awood loogala wareego deegaanada kale ee Soomaaliya ay kaga sugantahay.

Maxamed Cumar Sh. Aadan

WardheerNews, Muqdisho