Muqdisho (WDN)- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya Danab, oo kaashanaya ciidamada nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhig kooxda Alshabaab ay ku lahayd deegaanka Beerxaani ee gobolka Jubbadda Hoose. Goobtaasi oo ay kasoo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarada gaadmada ah ee lala bar tilmaameedsado ciidamada xoogga.
War kasoo baxay taliska ciidamada Danab, ayaa lagu sheegay in intii ay hawlgalka deegaankaas ka wadeen ay dileen 2 ka mid ah maleeshiyaadka Alshabaab islamarkaana ay qabsadeen hub xoog leh oo maleeshiyaadka kooxdu ka carareen.
Hogaanka ciidamada Danad ayaa sidoo kale sheegay in gaari walxaha qarxa lagu diyaariyey ay qabteen isla markaana ay burburiyeen saldhigii kooxda Alshabaab ku lahayd Jubbada Hoose oo weeerarada iyo qaraxyada kasoo abaabuli jireen.
Ciidamada xooga ayaa muddooyinkii danbe ku hawlanaa hawlgalo ka dhan ah kooxda Alshabaab kaasi oo la doonayo in lagaga xoreeyo deegaanada ay maamulaan.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply