Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatey ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Imaaraatka ku dhaqan

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatey ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu taga Imaaraatka Carabka. Madaxweyne Xasan ayaa la wadaagey dadaalada dawladda federaalka ee ku aadan hagaajinta xiriirka kala dhaxeeya Imaaraatka oo wax badan ka taraya horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatey ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Imaaraatka

Md. Xasan Sheekh ayaa jaaliyadda faahfaahin ka siiyey hiigsiga dawladiisa iyo arrimaha ay muhimadda gaarka ah siinayso. Waxa uuna ka codsadey gacansatada in ay kaalinkooda ka qaataan maalgashiga dalkooda iyo sidii sare loogu qaadi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, Waxa uuna sidoo kale ka codsadey in dawladda kala qeyb qaataan dadaallada loogu gurmanayo dadka ku waxyeeloobey abaaraha dalka ka jirta.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed faahfaahin ka siiyey kulankii uu la qaatey dhigiisa Imaaraatka Sheekh Maxamed Bin Zayed, waxa uuna tilmaamay in si gaar ah uu kala hadlay fududeynta sharciyada deganaanshiyaha iyo dalka ku galka oo in badan cabasho ka jirtey. Isagoo sheegay in Madaxweynaha Imaaraatka uu arinkaasi ka aqbalay, isla markaana la wargeliyey hay’addaha hawlahaasi ku shaqada leh.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Imaaraatka ayaa madaxweynaha uga warbixiyey xaaladihii lasoo gudboonaadey tan iyo markii uu xumaadey xiriirka labada dal, waxa ayna Madaxweynaha uga mahadceliyeen dadaalka uu ku bixiyey hagaajinta xiriirka Imaaraatka iyo sida uu isaga xil saarey wax ka qabashada cabashada jaaliyadda .

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Imaaraadka oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh

War kasoo baxay xafiiska la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Imaaraatka Anwar Gargash ayaa lagu sheegay in dawladda Imaaraatka marwalba ay garab taagantahay walaalahood Soomaaliyeed, isla markaana ay u fidinayaan taageero dhanwalba ah. Waxa uuna amaanay siyaasadda Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ku tilmaamay mid wax ku ool ah oo ka tarjumaysa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa xumaadey xilligii dalka uu ka talinayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.