Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatey ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu taga Imaaraatka Carabka. Madaxweyne Xasan ayaa la wadaagey dadaalada dawladda federaalka ee ku aadan hagaajinta xiriirka kala dhaxeeya Imaaraatka oo wax badan ka taraya horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.

Md. Xasan Sheekh ayaa jaaliyadda faahfaahin ka siiyey hiigsiga dawladiisa iyo arrimaha ay muhimadda gaarka ah siinayso. Waxa uuna ka codsadey gacansatada in ay kaalinkooda ka qaataan maalgashiga dalkooda iyo sidii sare loogu qaadi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, Waxa uuna sidoo kale ka codsadey in dawladda kala qeyb qaataan dadaallada loogu gurmanayo dadka ku waxyeeloobey abaaraha dalka ka jirta.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed faahfaahin ka siiyey kulankii uu la qaatey dhigiisa Imaaraatka Sheekh Maxamed Bin Zayed, waxa uuna tilmaamay in si gaar ah uu kala hadlay fududeynta sharciyada deganaanshiyaha iyo dalka ku galka oo in badan cabasho ka jirtey. Isagoo sheegay in Madaxweynaha Imaaraatka uu arinkaasi ka aqbalay, isla markaana la wargeliyey hay’addaha hawlahaasi ku shaqada leh.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Imaaraatka ayaa madaxweynaha uga warbixiyey xaaladihii lasoo gudboonaadey tan iyo markii uu xumaadey xiriirka labada dal, waxa ayna Madaxweynaha uga mahadceliyeen dadaalka uu ku bixiyey hagaajinta xiriirka Imaaraatka iyo sida uu isaga xil saarey wax ka qabashada cabashada jaaliyadda .

War kasoo baxay xafiiska la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Imaaraatka Anwar Gargash ayaa lagu sheegay in dawladda Imaaraatka marwalba ay garab taagantahay walaalahood Soomaaliyeed, isla markaana ay u fidinayaan taageero dhanwalba ah. Waxa uuna amaanay siyaasadda Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ku tilmaamay mid wax ku ool ah oo ka tarjumaysa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.
Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa xumaadey xilligii dalka uu ka talinayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho