
Muqdishu (WDN)- Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun.
War soo gaadhay WardheerNews ayaa sheegaya in Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Xoosh Jibrill, Wasiirkii Dastuurka ee DFS uu ku geeriyooday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Marxuum Wasiir Xoosh, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, iasagoo xiligii Dowladii Kumeel Gaadhka iyo ka gadaal markii ay Soomaaliya ka baxday KM-ba ahaa Wasiirka Dastuurka
Sidoo kale Wasiir Xoosha ayaa horey u soo noqday Xildhibaan.
Marxuum Xoosh ayaa lagu xasuustaa doorkii hormuud-nimo ee uu ka qaatay qorista iyo meelmarinta Dastuurka KMG ee Soomaaliya, isaga oo hadda ku howlanaa sidii Dastuur dhamatiran loogu samayn lahaa Soomaaliya.

Dhamaan Bahda WardheerNews, oo saxiib dhow lahaa marxuum Xoosh, ayaa tacsi iyagoo ka tiiraanyaysan u diraya qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Cabdiraxmaan Xoosh, ilaahayna waxaanu uga beryanayaa marxuumka in uu ka waraabiyo naxariitii Jano eheladiisana Samir iyo Iimaan.
Aamiin
Leave a Reply