Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo magacaabay ergeyga gaarka ah ee abaaraha iyo gargaarka bini aadanimada

Muqdisho, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soosaarey u magacaabay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha  iyo gargaarka bini aadanimada Soomaaliya xilli dalka ay ka jirto xaalad abaaro saameeyay dad iyo duunyaba.

Xildh. Cabdiraxmaan ayaa mas’uul ka noqon doona dadaalada gudaha iyo dibedda ee lagula tacaalayo abaaraha sidoo kalena waxa uu ka shaqayn doonaa sidii looga hortagi lahaa saaamaynta ballaaran ee abaarugu geysanayaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo safka hore kaga jiray mucaaradka dawladdii uu hoggaamin jiray madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo, xulafo dhawna ay ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilkan cusub ee loo magaacabay muujinayaa in uu go’aansaday ka mid ahaanshaha maamulka Xasan Sheekh halkii uu mucaarad ku abaadi lahaa maadama uu marar badan ku guuldarraystay in loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya oo uu muddo dheer quudarraynayay.

Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu sida rasmiga ah xilka ula wareegay maalintii shalay ahayd waxa uu u magacaabey agaasimaha madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud iyo la taliyaha amniga qaranka oo isna uu u magacaabay Xuseen Macalin Maxamuud.

Maxamed Cumar Adan

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.