Madaxweynihii hore ee Ismaamulka deegaanka Soomaalid Cabdi Maxamuud Cumar (Ilay) ayaa la sheegayaa in ciidamada Federaalku ay ka kaxaysteen xero ay leeyihiin ciidamada Liyuu Booliiska oo uu ku sugnaa tan iyo intii ay rabshaduhu ka taagnaayeen magaalada Jigjiga. Lama soo sheegin wax qalalaase ah oo dhacay xilligii la qabanayay.
Ma cadda ilaa hadda meesha ay u kaxaysteen Cabdi Ilay Ciidamada Federaalku inkastoo warar aan weli la xaqiijin ay sheegayaan in loo qaaday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Shalay ayay ahayd markii Cabdi Ilay uu xilka ka degay iyadoo uu bedelay Axmed cabdi oo ka mid ahaa gacanyarayaashiisa.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco wardheerNews.
Leave a Reply