Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Buurta Iyo Bajaajlihii Yaraa!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan X.Xasan

Tuugadadii bakhaarka xadaysay

Laba maalmood ka hor dhalinyaro Amxaaro iyo Tigree isugu jirta ayaa lagu qabtay magaalada Goday iyagoo dhacaya bakhaar  la sheegay in ay ninkii hayay qataareen (sixreen) ka dib markii ay wax taabsiiyeen. 

Tuugadan ayaa dad shacab ah oo ka agdhawaa bakhaarku ku soo gaadheen ayna gacanta ku dhigeen iyagoo kala baxaya lacagtii khasnadda ku jirty oo la sheegay in ay dhammayd 34 kun oo Birr.

Maalintii shalay arrintaa aan kor ku xusnay mid aad uga geddisan ayaa iyana ka dhacday magaalada Jigjiga. Hooyo Soomaaliyeed ayaa lacag dhan 300,000 Birr kaga dhex tagtay bajaaj ay raacday. Wadihii Bajaajta oo ahaa wiil dhalinyar oo Soomaali ah ayaa ka dib markii uu ka dhex helay bajaajtiisa lagactii oo bac madaw ku jirta inta uu qaaday la raadiyay hooyadii lahayd fartana ka saaray.

Guuleed Yare

Labadan dhacdoo oo baraha bulshda aad dadku ugu falanqaynayeen ayaa dadweyne fara badani aragtidooda ka dhiibanayeen siiba arrintan damiirka iyo Alle ka cabsigu ka muuqdo ee uu sameeyay Guuleed Ibraahim Ismaaciil.

Dadka badankoodu waxay ammaan iyo duco isugu ladhayeen Guuleed oo ah wiil agoon ah iyo waalidkii ku soo barbaariyay dhaqanka subban.

Dad badan oo dhacdada hore ka falceliyay ayaa iyana waxay tibaaxayeen in tuugtaasi ay madaxtooyadu amar ku bixin doonto in la sii daayo ayna lacag iyo raalli-gelin isugu dari doonto maadaama ay ku jiraan kuwo ka soo jeeda qawmiyadda Amxaarada. Waa arrin muujinaysa habdhaqanka Amxaaro jacayka ee looga bartay kusime Mustafe cagjar muddadii uu xilka hayay.

Waxaa iyana la yaab lahayd faallooyinkii ay dadku ka bixiyeen arrinta damiirka iyo dadnimadu ka muurqato ee Guuleed Yare ku kacay.

Aan ku billaabo qoraal dheer oo luqadda Ingiriisiga ku qornayd oo kusime madaxweyne Cagjar ku faafiyay boggiisa FB. Kusimaha ayaa ugu horreyn ka sheekeeyay qaabkii ay u dhacday arrinta Guuleed Yare. Waxaa la yaab iyo amakaag ku noqday dadkii akhriyay qoraalkaas in kusimuhu halkii uu ka xusi lahaa una hambalyayn lahaa waalidkii danyarta ahaa ee soo barbaariyay Guuleed in libinta dhacdadan uu isagu isa siiyo kuna sheego mid muujinaysa waxyaabaha uu isbeddelkii deegaanka ka dhacay keenay. 

Kusimaha ayaa  qoraalkiisa ku sheegay in deegaanku halkii uu hore kooxdii heegada ka soo saarijiray uu maanta Guuleed oo kale soosarayo. Waxay dad badani isweydiiyeen markay arkeen hadalkaas aan loo meel deyin ee kusimaha tolow Guuleed ma isagaa buurta ku tarbiyeeyay.

Iyadoo haddaba ay dawladdu sidaa aan kor xusnay rabtay inay u adeegsato arrinta Guuleed Yare si ay  sumcad ugu samaysato ayaa dhanka kale dhacdadani indhaha shacabka ku soo jeedisay xatooyada hantida ummadda ee ay ku caan baxeen kusime Cagjar iyo adeegayaashiisu.

Shacab tiro badan ayaa mas’uuliyiinta maamulka Cagjar ka dalbaday in ay ku daydaan Guuleed Yare oo ay shacabka u soo celiyaan hantida faraha badan ee ay lunsadeen. Kuwo kale waxay sheegeen in ay hooyadaasi nasiib badnayd mar haddii aanay lacagtaas kaga dhex tagin madaxtooyada amaba gawaadhida V8 ah ee ay wataan mas’uuliyiinta maamulka Cagjar.

Yeelkeede Guuleed Ibraahim Ismaaciil waxa uu tusaale u noqon karaa guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed yar iyo weyn, mid xil haya ama midka aan hayn, mid sabool ah iyo mid hantille ah ba, waxaanu muujiyay in weli ay jiraan dad Soomaaliyeed oo damiirkoodu noolyahay ayna u kala soocantahay xaaraanta iyo xalaashu.

Alle ka sokow waxaan shaki lahayn in Guuleed uu leeyahay waalid xalaal quudato ah oo si fiican u soo barbaariyay.

Haddaba aan qoraalkan kooban ku soo gabagabeeyo weydiinta waa Kuma Guleed Ibraahim Ismaaciil (Guuleed Yar)?

Maxamed Khalaf oo ka mid ah aqoonyahanka DDS, kuna nool magaalada Jigjiga ayaa su’aasha kor ku xusan qoraalkan hoose kaga jawaabaya.

WAA KUMA GULEED (GULEED AAMIN).

Guuleed oo lacagtii siinaya haweenaydii lahayd

Wanaagga, aaminimada iyo dunji fiicnidu waa u dhalasho ee maaha wax la iska abuurto.

Guleed maaha hantiile, qoys hantile lehna kama soo jeedo balse wuxuu qani ka yahay qalbiga.

Waa agoon aabihii dhowr sano ka hor uu geeriyooday. Wuxuu ku soo koriyay xalaal. Aabihii wuxuu ku shaqaysan jiray xirfaha makiinadda qoraalka(typist.) Wuxuu dadka danyarta ka caawin jiray qoritaanka araajida dacwadaha maxkamdda.

Aabihii markuu geeriyooday waxaa xirfaddii la wareegay wiilkii curdeed si uu qoyska noloshiisa u maareeyo.

Guleed waxaa isna loo gaday  Bajaaj si uu qeybtiisa uga maareeynta nolosha qoyska.

Iyada oo ay ku gadaaman tahay duruufo adag islamarkaana dhalinyaranimo u raacdo ayuu haddana ku adkaystay dhowridda dhaqanka suubban ee xalaasha ah ee uu waalidkiisa ka dhaxlay.

Guuleed wuxuu sameeyay taariikh ay adag tahay in qof dhalinyaro ahi uu sameeyo, taas oo ah inuu muujiyo dhaqanka xalaal miiradka ah.

Bajaaj uu wade ka yahay ayaa lagaga dhex tagay lacag dhan 300,000. Daqiiqado kadib wuxuu raadiyay hooyadii lahayd oo uu ugu geeyay goobtii uu ku dejiyay hooyadii lacagta ku ilawday.

Guleed taariikh ayuu qoray waa inay tusaale u noqoto inta amaanada haysa. (Maxamed Khalaf)

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan

Email: [email protected]

WardheerNews, London, U.K.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.