Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Buugga Xeebti Geerida: Sookoobid iyo Faalleyn

W.Q. Ibrahim Aden Shire

Xeebtii Geerida  waa buug yare soo baxay Julaay 1990. Wuxuu ka kooban yahay 160 bog. 26’ka bog ee buugga uga dambaysa waa faallooyin uu horey u daabacay wargeyskii Ogaal iyo bayaankii ay soo saareen kooxdi loo baxshay Manafeesto. Qoraaga buuggu waa Cabdiqaadir Shire Faarax. Jaldiga xaggiisa danbe wuxuu ku qoray waxbarashadiisii, heerkiisii shaqo iyo waayo’aragnimo. Waxaan ka xusi karnaa inuu ahaa xubin ka tirsanayd baarlamaankii Soomaaliya intii u dhaxaysay 1985 ilaa bishii labaad 1990, goortaas oo uu sheegay inuu xilkii iska casilay dalkana ka dhoofay. Wuxuu, sidoo kale, ahaa aasaasihii iyo tafarihii wergeyska Ogaal oo ahaa todobaadle uu soo saari jiray XHKS. 

Magaca buugga bari hore ayaan maqlay. Sida dad badan oo kale, ayaan u qaatay inuu si gaar ah uga warramayo gumaadkii arxandarrada ahaa ee loogu geystay muwaaddiniin aan wax danbi ah lahayn 16ki Luulyo 1989 xeebta Jasiira. Hasa ahaatee markii aad dhuuxdo habdhaca doodda qoraaga waxaa kuu soo baxaya inuu Xeebta ula jeeday Soomaaliya oo dhan. Wuxuu tilmaamayaa in taliski Maxammed Siyaad dalka ka dhigay kawaan lagu gowraco shacabka. Jasiira dilal badan oo ka dhacay, oo qaarkood si bareer ah wiil nin madax ahi dhalay u geystay, ayuu xusayaa. Dabcan xasuuqii 1989kii isagana waa uu soo qaaday. Inkasta oo uu xusay qaar ka mid ah shacabkii lagu laayay halkaas, haddana guud mar ma ogiye kama uusan bixin xog faahfaahsan iyo tilmaamo gaar ah. Malaha intaan ka ognahay ka badan kama uusan ogayn.

Buuggu wuxuu si weyn u weerarayaa maamulkii markaas xukunka yahay. Waxaa qoray muwaaddin aqoon yahan ahaa oo arkayay in dalku god ku sii dhacayo. Colaadihi sokeeye ee dalka ka socday, dhaqaalihi sida xad dhaafka hoos ugu dhacay, aqoonyahanki iyo dadkii qiimaha lahaa ee torob-torobta dalka uga baxayay iyo adeegii bulsho ee sii libdhayay ayuu sabab uga dhigay maamul xumadii dowladdi jirtay iyo damicii qoyska talada dalka hayay. 

Maxamed Siyaad

Wuxuu si gaar ah weerar ugu qaaday AUN’tee Jaalle Maxammed Siyaad iyo caa’iladiisii oo uu ku eedeeyay in ay doonayaan in ay xukunka dhaxaltooyo ka dhigaan dhibta haysata shacabkana aysan dan ka lahayn. Xaqiiqdii intaas wuuba sii dhaafay oo wuxuu Maxammed Siyaad ku eedeeyay inuu ku raaxaysanayo silica shacabka, isagoo sabab uga dhigay inuu doonayo in uu ka aargoosto. Haddii aad is leedahay sidee iyo maxay u dhibeen oo uu uga aargudanayaa? Qoraagu wuxuu ku dooday in Jaalle Siyaad isagoo aad u yar aabbihii Soomali dishay, sabab u noqdeen inuu silic iyo saxariir ku koro isaga iyo hooyadiina tuseen nolol qaraar. Sidaad darteed qoraagu wuxuu ku doodayaa in dhibaatada dalka ka socotay uu ula kac u geysanayay Jaalle Siyaad oo daba socdo dil aabbihii nin Soomaali ah u geystay! Su’aalaha badan ee halkaas ka dhalanaya kama uusam jawaabin qoraagu.

Ha ku dheeraado dhaliisha dowladda iyo weerarka madaxweynaheedee, kama aysan hoos bixin tilmaamidda ceebaha kooxihii hubka qaatay. Buuggu wuxuu leeyahay kooxahaasi khayr ma soo wadaan. Wuxuu ku dooday inay yihiin kuwo qabiil ku dhisan, hadaf cad aan lahayn, waxay doonayaan aan aqoon, Siyaad rida ma ogiye maxaan keeni doonnaana aan is waydiin. Dhab ahaantii, wuxuu sadaal toolmoon oo gadaal ka rumowday ka bixiyay waxa ay dhali doonaan mucaaradkii fooshu haysay. Bogga 127’aad ee buugga wuxuu ku qoray:

Wali arrintu meel durugsan ayay soo maraysaa. Jaanta la isula qaadayo sidii lo heli lahaa isbaddal run ah, way kala dhimmantahay. Gidaarka qabiilku wali wuxuu ka xoog badan yahay kan qarameed. Taasi oo macnaha ka qaadi doonta isbaddal kasta oo yimaada iyo saba[b]ta aynu isbaddalka ugu soo dagaalnay. Sidaas darteed, dhagar ummadeed, oo isbbadalka kasoo fool leh galaa, waxay Maxammed Siyaad ka dhigi kartaa geesi qaran oo lagu xadgudbay, ka sakow, guuldarrada qaran ahaan lagala kulmayo. 

Aydhoolaji ahaan, qoraagu waa nin aamminsan dimuquraadiyadda. Sidaa darteed wuxuu xal u arkaa kaliya qaadashadeeda iyo ku dhaqankeeda. Wuxuu sidoo kale u hadlayaa ama u doodayaa aqoonyahanka iyo qalinmaalka guud ahaan. 

Afsoomaaliga ku qoran, habaynta iyo jihaynta buugga, tabinta sheekkoyinka ku jira iyo soo gudbinta doodda uu xambaarsan yahay buugga ayaa intaba xiiso gaar ah u yeelaya akhriska. Xirfad, hibo qoraannimo iyo xog’ogaalnimo ayaa ka muuqanaysa inta badan kitaabkaan. Aqoontiisa iyo xirfaddiisa qoraannimo ka sakow, qoraha inuu la qabiil ahaa waliba jifo hoose la sii ahaa AUN’tee Jaalle Siyaad, ayaa buugga ka difaacaysa eedaha Soomaalidu ku qaaddo qofkii faker ku diida. Runtii Qoraagu wuu dhiiraday, wuxuuna jabiyay darbigii adkaa ee qabyaaladda. Waxaa lagu doodi karaa wuxuu qaatay khatar nafeed iyo mid bulsho maaddaama ay hubaal ahayd in qabiilkiisu u deyrin doonaan sheegidda ceebaha nin madax ah oo ku qoys ah. Waa ku ammaanan yahay jabinta dhufeyskaas ay ka gudbi waayeen aqooyahanno badan ilaa maantana bulshadeenna haysta.

Hasa yeeshee buuggu ma ceeba yara. Xigashooyin tiro beel ah oo ku jira ma leh tixraac. Meelaha qaar kuwo aad is leedahay sabab aan loo sheegin magaca qofka laga soo xigtay ma jirto ayuu ka tagayaa inuu magacaabo. Tusaale, Bogga 13’aad wuxuu ku qoray: 

Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa wargesyka Ogaal u sheegay in Afrika qaarkeed deynta ay qabaan lagu bixin karaayo oo kaliya muddo soddon sano ah. Haddii aan deyn danbe la qaadan dal kastana kaaftoomo inuu dhaqaalihiisa sii xun u maamulo…

Iima muuqato sabab loo qarin karo magaca aqoonyahanka warkaas sheegay. Waayo Kacaan iyo cid kale toona erayo ay ku qabsan karaan ma uusan oran. In aan la sheegin magaca qof arrin sidaas u sahlan yiri waxay shaki galinaysaa markii sidaas oo kale loo qoro eedayn weyn iyo danbi qof la saaro. Eedaymo iyo dhaliilo badan, oo uu dusha uga tuuray Jaalle Maxammed Siyaad, ayaa sidaan u wada qoran. Dilal qorshaysnaa oo dhacay Jaalle Siyaad oo askari ah, sida dilkii safiirki Masar, iyo kuwo dhacay isagoo xil sare ka hayo ciidanka sidii dilkii AUN’tee madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharm’arke, iyo qaar badan oo dhacay isagoo madaxweyne ah ayuu intaba dusha u saaray Jaalle Siyaad. Xaqiiqdi, qoruhu meelo ayuu qirtay in eedayntiisa caddayn la’aanta ah aysan ku habboonayn qof tacliin sare leh malaha qaarkiina laga fiicanyahay, wuxuu se isugu cudurdaray in ujeedkiisu yahay tilmaamidda tuhun dhalan kara si loo sii baaro. Bogga 85’aad wuxuu ku yiri:

Aayad Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah ayaa oranaysa “Malaha qaarkii waa danbi”. Qofka aqoonta lehna waxaa si gaar ah looga baahanyahay in uu ku saleeyo waxa uu ka hadlayo daacadnimo aqooneed (intellectual honesty), hasa ahaatee iyada oo arrimahaas oo dhan jiraan haddana waxaan qabaa qiyaas qaadasho iyo isweydiin in ay tahay (hypothesis) furaha cilmiga iyo gaarista xogta arrin mucayan ah oo ku dhex dahsoon adduun isku murugsan…

Si kastaba ha ahaatee dhaliilahaanu waa kuwo yar yar iyo khaladaad buugga loogu dulqaadan karo. Maahan kuwo aad hoos ugu dhigi kara doodda buugga xambaarsan yahay ee ahayd in dalku halis ku jiro, in badbadaado dagdag ah dalku doonayo, in shacabku dhibtooday, in cabburis, xarig, dil, handadaad iyo haybad tirid joogta ah lagu hayay aqoonyahanka iyo intii damac siyaasadeed galo, si mashaakilladaas badan looga gudbana ay tahay isbaddal hoggaamineed oo dhaca.

Waxaa se buugga qiima tiray dhowr sadar oo ku qoran bogga 44aad. Waa erayo ka tallaabay xayndaabki akhlaaqda, xudduudka shareecada, adaabta qoraaga iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee suubban. Waa erayo uu ugu gafay shaqsiyadda madaxweyne Siyaad iyo madaxdi tirada badneyd ee la shaqayn jirtay. Maaha dhaliil hoggaamin, mid shaqo, karti iyo dadnimo, oo intaba noqon lahaa mid uu xaq ugu leeyahay ka muwaaddin ahaan, ee waa meel-ka-dhac shaqsiyadeed oo gaartay gogosha iyo xurmooyinka madaxda. Waa kalmado aanan malayn karin waxa ku kallifay qoraaga inuu buuggiisa ku qoro, waa kuwo aan ii habboonayn inaan faafiyo sidaa darteed waxaan doortay in aanan soo guurin. 

Guntii iyo gunaanadkii buugga Xeebta Geerida waa buug la qoray goor dowladdii sii dhacaysay. Wuxuu sidaa mashaakilladi taagnaa waqtigaas, duruufihii lagu noolaa iyo ifafaalihii mustaqbalka ka muuqday. Ma uusan tilmaamin khaladaadka madaxda iyo mucaaradka oo kaliya ee sidoo kale Wuxuu isku dayay inuu xalka iftiimiyo. Haddii laga jaro waxa ku qoran bogga 44aad wuxuu noqon lahaa buug dhaxal gal ah iyo hadyad qaali ah!

W.Q. Ibrahim Aden Shire

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.