Buug Cusub oo Qaahira Lagu Soo Bandhigay

Qaariha, Waxaa magalada qaahira ee dalka Masar caawa lagu soo bandhigay Buug cusub oo loogu magacdaray “Hardanka Garbaha Soomaaliya.” oo uu qoray DrDr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)l  oo ah wasiiru-dowlaha warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dhaqanka Puntland.

Waxaa munaasabadda bandhigga buugga ka soo qayb-galay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, madax ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, Jaaliyadda, ururrada ardeyda, aqoonyahanno iyo bahda qalinlayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar.

Ugu horrayn waxaa madasha ka hadlay Md. Cabdicasiis Cartan oo ah qoraa cilmibaare isagoo sheegay in buuggu yahay buug muhiim ah marka laga fiiriyo dhinaca mowduucyada uu ka warramayo.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Cartan yir, “  buugga Dr. Ashkir uu daabacay waa mid kugu qasbaya hal fadhi oo qura in aad ku dhammayso akhrintiisa, waa buug uu si farshaxannimo leh uu u qoray.”

Waxaa madasha sidoo kale ka hadlay xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa – oo ah aqoonyahan si xeeldheerna u yaqaan afka Carabiga- xildhibaanku wuxuu aad u taageeray in Dr. Ashkir isagoo wasiir ah; misana marnaba aanu sii dayn qalinka iyo wax qoriddaba. 

Waxaa iyana madasha ka hadlay Maxamuud Gowgole u-qaabilsanaha dhaqanka ee safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo Liibaan Deni, madaxa ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Masar.

Buugga oo si farsamo casri ah oo qurux badan loo daabacay ayaa waxa uu Dr Ashkir ku qoray afka Carabiga.

Buuggan cusub ayaa waxa uu ka kooban yahay saddex cutub oo kan ugu horreeya uu yahay faallo-siyaasadeed ku aaddan isbaddallada lixaadka leh ee dalka Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba ka socda.  Halka cutubka labaad ee buuggu uu ka hadlayo dhaqanka, qoraagga buugga oo ah aqoonyahan daneeya dhaqanka ayaa kaga warramay buuggiisa dhawr mowduuc oo ay ka mid yihiin : Ilaaliyaasha afka Soomaaliga iyo mid kaloo uu ugu magac-daray “ Gambool.. halgamaa Soomaaliyeed oo run sheeg ahaa.” Iyo mowduucyo kaloo xiisa leh. 

Cutubka ugu dambeeya ee buugga waxa uu ka warramay shakhsiyaad saameyn ballaadhan ku lahaa qoraaga. 

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.