Barre Hiiraale oo isna sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubba-land

Barre Hiiraale oo isna sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubba-land

Neyroobi, Mey 15, 2013 (WDN)-Barre Aaden Shirre (Barre Hiiraale), oo mar ahaa wasiirkii gaashaandhigga mid ka mid ah dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray, ayaa caawa Kismaayo ka sheegay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Jubba-land, afarta sano ee soo socota.

Barre Hiiraale, oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da qeybeeda afka Soomaaliga, ayaa sheegay in shir kale oo Kismaayo ka socday, ay isla ergo kala matalaysa Jubbooyinka iyo Gedo ugu doorteen madaxweynaha afarta sano ee Jubba-lanad, sida uu warka u dhigay.

Waxa uu sheegay in ay isku dayeen in shirarka Kismaayo ka kala socday ee maamul u sameynta Jubbooyinka ay mideeyaan, laakiin aysan marna taasi suura gal noqonin.

Waxa uu Barre Hiiraale, oo sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubba-land tilmaamay in uu ka shaqeyn doono sidii uu isugu keeni lahaa beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo, ayna sameynayaan dib-u-heshiisiin iyo nabad galyo taam ah.

Waxa uu Col. Barre Hiiraale mugdi galiyay howl-galka Kenya ee AMISOM-ta qeybta ka ah ee Jubbooyinka iyo Gedo, oo uu sheegay in dhibaatooyin ku hayaan bad iyo  beriba, oo aan dadku sidey doonaan u isticmaali kareyn garoomada iyo dekadaha deegaannada Jubbooyinka.

Arrintani, waxay imaaneysaa iyadoo uun maanta shir kale oo Kismaayo ka dhacay loogu doortay sidoo kale in uu madaxweynaha Jubba-land uu noqdo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo ka mid ahaa raggii dagaalka Kismaayo uga saaray kooxdii Shabaab oo in muddo ah Kismaayo ka arrimin jirtey.

Arrinta Kismaayo, ayaa si kasteba, dad badani hadda ay ka muujinayaan xaalad aan wanaagsaneyn, iyadoo dadka reer Kismaayo ay caawa ku seexanayaan magaalo ay joogaan laba hoggaamiye oo wada sheeganaya in midba uu yahay madaxweynaha saxda ah ee Jubbooyinka.

Jamaal A. Cismaan

WardheerNews.com

Neyroobi, Keenya