Neyroobi, Mey 15, 2013 (WDN)-Ergada shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa maanta Kismaayo ku doortey in uu madaxweynaha maamulka Jubbaland ee sanadaha soo socda noqdao Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo ahaa sidoo kale guddoomiyaha ururka hubeysan ee Raaskaambooni, kaas oo Kenya gacan ku siiyay inay Kismaayo iyo qeybo ka mid ah Jubbooyinka ay ka saaraan Shabaab.
Goobta doorashada ka dhacaysay waxa joogay kaliya seddex musharax, siddeeddii musharax ee xilkan hore u sheegay inay u taagan yihiin, iyadoo labada masharax kalena oo kala ahaa Maxamed Nuur Shambara iyo Hilowle Aadan Muxumed ay isla goobta kaga dhawaaqeen inay ka tanaasuleen u tartamidda xilka madaxtinnimo ee Jubbaland.
Axmed Madoobe, ayaa ergadii shanta boqol ka koobneyd u codeysay kaligiisa in uu noqdo madaxweynaha Jubbaland ee sanada soo socda iyo in kale, waxana taageeray Axmed Madoobe in uu madaxweynaha Jubbaland noqdo 485 ergo, halka ay aamuseen 5, waxaa diiday 10, sida uu warbaahinta u sheegay Cabdiqani Jaamac oo ah guddoomiyaha guddiga farsamada shirka.
Cabdiqani, ayaa tilmaamay in musharaxiintii kale ee aan madasha imaan ay sidoo kale ka tanaasuleen buu yiri u tartamidda xilka madaxtinnimada ee maamulka Jubbaland.
Sheekh Ibraahim Shakuul, oo ka mid ahaa raggii hore u sheegay inay xilka madaxtinnimada Jubbaland u taagan yihiin, ayaa mar ay WDN la xiriirtey waxa uu sheegay inuusan arrintan doorashada hadda ka hadleyn, balse berito uu shir jaraa’id qaban doono, si uu uga hadlo doorashada Jubbaland.






Goobta doorashada ka dhacaysay, ayaa waxa ka maqnaa saraakiil IGAD ka socotay, oo waayadanba Kismaayo u joogay arrimaha maamul u sameynta Jubbooyinka.
Axmed Madoobe, ayaa shegeay in uu ka shaqeyn doono isu soo dumidda dadka ku dhaqan Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo ka dalbaday Soomaalida inay taageeraan doorashadiisa.
Arrintani waxay imaaneysaa iyadoo dhawaan IGAD ay si cad usheegeen in siyaasadda maamul u sameynta gobolladii Shabaab laga saaray looga dambeeyo dowladda, islamarkaasina uy raysal wasaaraha Soomaaliya Md. Saacid uu dhawaan ku dhawaaqay guddi ka kooban labada gole ee dowladda, kuwaas oo xal u raadin doona arrinta murugsan ee Jubbooyinka.
Dowladda Soomaaliya, ayaa hore u sheegtay in shirka Kismaayo ka socday uu hareer marsan yahay sharciga dalka, islamarkaasina aysan marna aqoonsan doonin natiijo kaste oo ka soo baxda.
Dhowr jeer, ayay dowladdu ku cel celisay in shirkaasi loo baddalo shir dib-u-heshiisiineed, oo la isugu yimaaddo shir kale oo maamul loogu sameynaayo gobolladaasi, kaas oo dowladdu ay gar wadeen ka noqoneyso.
Jamaal A. Cismaan
WardheerNews.com
Neyroobi, Keenya