Baarlamaanka Soomaaliya oo diidey miisaaniyadda dowladda ee 2013 & 3-da xisbi qaran ee Somaliland oo la shaaciyay

Nayroobi, Dec 26, 2012 (WDN) – Baarlmaanka Soomaaliya, ayaa maanta diidey miisaaniyadda ay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya soo diyaarisay. Taas oo uu qorshuhu ahaa in ay dowladda ku shaqeyso sannadka soo socda ee  2013.

Miisaaniyadda oo ku kaceysa in kabadan 86 Miliyan oo doollarka Mareykanka ah, ayaa waxay xildhibaannadu ka doodayeen maalmihii la soo dhaafay.

Xildhibaannada qaar, ayaa ku andacoonayay in miisaaniyaddu aanay isku dheelatirneyn, islamarkaasina ay kharashaad badan ku bixineyso meelaha qaar, oo aysan xildhibaannadu jecleysan qaabka loo soo diyaariyay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, oo  shirka guddoominayay, ayaa markii dambe dalbaday in codka kalsoonida loo qaado miisaaniyadda. Markii dooddaasi socotay ayaa la sheegay in 154 mudane ay madasha shirka  joogeen, hase yeeshee ay  30 xildhibaan hoolka shirka ka maqnaayeen markii codka la qaadayay.

Xildhibaannadii codka u qaaday miisaaniyadda oo tiradooda gaareysay 124 mudane, ayaa waxa diidey 70 xildhibaan, halka 54-nna ay aqbaleen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in aysan ansax aheyn miisaaniyadda ay xukuumadda Soomaaliya soo diyaarisay, si dowladdu ugu shaqeyso sannadka 2013, ayna dib ugu celinayaan si mar kale u soo diyaariyaan misaaniyad  kale.

Dhinaca kale guddigii diiwaan galinta xisbiyada Somaliland, ayaa maanta soo saaray seddexda xisbi ee sharciga u yeeshay in ay noqdaan xisbiyada sharciga ah ee Somaliland, ka dib doorashooyinkii golayaasha deegaanku ay dhawaan halkaas ka qabsoomeen.

Go’aankii Guddiga diiwaan gelintuna wuxuu u qornaa sidan:

“Wuxuu Caddaynayaa:

1. In xisbiga KULMIYE lixda gobol ee dalka dhammaan kaga gudbay 20%, sidaasna ku noqday xisbi Qaran 10-ka sanno ee soo socda, sida uu cadaynayo qodobka 6-aadd faqradiisa 2aad ee Xeer No 14/2011.

2. In Xisbiga UCID iyo Ururka WADDANI u gudbeen xisbiyo Qaran iyagoo buuxiyay shuruudaha ku qeexan qodobka 6-aad faqradiisa 2aad ee Xeer No 14/2011, sidaas ayaanay ku noqdeen xisbiyo Qaran 10-ka ee soo socda.

3. Ururrada UMMADa, RAYS, XAQSOOR iyo DALSAN umay gudbin xisbiyo Qaran iyadoo aad la socotaan in dastuurku caddeeyay inuu dalku yeelanayo saddex xisbi oo kaliya. Sidaas awgeed, ururrada UMMADA, RAYS, XAQSOOR iyo DALSAN kumay guulaysan inay noqdaan xisbiyo Qaran.

 Magacyadda Gudida Diiwaan –gelinta:

1. Cabdirasaaq Jaamac Cumar

2. Aadan Geedi Qayaad
3. Cumar Xasan Axmed
4. Xasan Axmed Ducaale
5. Cabdale Ibraahim Maxamed
6. Maxamed Cabdi Maalik
7. Ismaaciil Cabdilaahi Cali.

Axsaabtii hadhay, ayaa iyana la rajeynaya inay ka hadlaan go’aanka guddiga diiwaan galintu ay soo saareen, inkastoo qaarkood ay si aad ah u naqdiyeen natiijooyinkii ka soo baxay doorashooyinkii golaha deegaanka.

Jamaal Axmed Cismaan
WardheerNews.com
Nayroobi, Kenya

Leave a Reply

Your email address will not be published.