Muqdisho (WDN)- Xildhibaanada labada aqal ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey miisaaniyadda dalka sanadla 2022 oo muddo 3 maalin ah ay ka dooddayeen.
Xubnaha labada Aqal ayaa muddo 2 maalin waydiinayey Wasiirka maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle su’aalo adag oo la xariira miisaaniyadda iyo xisaab xirka miisaaniyadda dalka.
Xubnaha Labada Aqal ayaa ku dooddayey in dalka 4-tii sano ee lasoo dhaafey aan laga sameynin wax xisaab xir ah, isla markaana aan la hor keenin labada gol, halka Wasiir Beyle uu ku adkeystey in wasaaradiisu samaysey xisaab xirka isla markaana ay soo gudbiyeen.
Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in goluhu ansixiyey miisaaniyadda dalka sanadda 2022 kadib markii ay u ku codeeyeen 204 xildhibaan.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply