Garoowe (WDN)- Golaha Baarlamaanka Puntland oo maanta cod u qaaday qaabka ansixinta xubnaha Golaha Wasiiradda ee Dowladda cusub ee Puntland, ayaa isku raacay in si wadar ah loogu coddeeyo oo aan xubin xubin loo kala ansaxin, Golaha Wasiiradda la filayo in uu Madaxweyne Siciid Deni soo dhiso.

Natiijadii coddeyntaasi oo uu sheegay Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland, Md. Cabdixakiim Maxamed (Dhoobo), ayaa sheegay in 26 ay u coddeeyen in si wadar ah loogu ansixiyo Golaha Wasiiradda cusub, halka 24 xildhibaaan, xubin xubin ay u coddeeyeen, iyada oo 3-na amustay, hal xildhibaana aanu codeyn.
Madaxweyne Deni, oo la filayo in uu si dakhso ah u soo saaro liiska xubnaha Golihiisa Wasiiradda, ayaa dad badani aaminsan yihiin in aan isbadal dhab ah laga filan. Taasi oo dhabar jab ku noqon doonta hawlaha adag ee u baahan wax ka qabashada ee hor yaala shacbiga Puntland.
WardheerNews