Concerned Voices of Puntland (CVP)
Dalka Soomaaliya waxa uu galay xaalad cakiran. Dawlad-goboleedka Jubaland waxa lagu soo qaaday weerar lagu go’doominayo. Weerarkaasi maaha cadow bannaanka uga yimid, waa mid ay hormuud u yihiin madaxweynihhii iyo raysalwasaarihii loo igmaday dalka horumarkiisa iyo sugida amniga. Ujeeddada weerarkani maaha in xukun la isku haysto. Waa ay ka sino ballaaran tahay. Waxa loo socdaa waa in la burburiyo awoodda dawlad-goboleedyada, iyo in nidaamkii federaaliga ee Soomaaliyi ay ku heshiisay, loona guuro nidaam dawladdeed oo xukunka lagu ururiyo hal qof iyo hal magaalo (Muqdisho).
Habka federaaliga ah ee dalka lagu hago, waxa loo doortay in lagu ilaaliyo awood-qaybsiga beelaha iyo degaannada. Weerarkan lagu qaaday Jubaland, waxa uu halis gelinayaa mabaadii’dii lagu heshiiyey ee dadka isku tolayey. Weerarkan afka iyo addinkaba leh ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Waraare Xamse ujeedadiisu waa in dumiyo oo lagu tirtiro awooddaha dawlad-goboleedyada, iyo guud ahaanba nidaamka federaaliga ah.
Dawladda Puntland waxa ay door muhiim ah ka qaadatay dib-u-dhiskii dawladnimada Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, isaga oo kaashanaya dhaqaalihii iyo ciidankii Puntland, waxa uu hormuud u ahaa dawlad dhiska iyo dib u dhiska Qaranka Soomaaliya. Wax la qaadan karo maaha dawladdii la rabey in ay dalka isku hayso, dadkeedana u xaqsoorto in ay iyadii duullaan ku qaado – qayb ka mid ah dalkii ay xukumaysay. Haddii maanta ay Puntland ka aamusto dulmiga iyo duullaanka lagu hayo walaalahooda Jubaland, berrito cidda weerarka lagu yahay waxa ay noqonaysaa Puntland. Dawladda Puntland waxa ku waajib ah, in ay ka dhiidhido duullaanka qaawan ee lagu qaaday Jubaland – garab iyo gaashaanna u noqoto walaalahooda Soomaaliyeed ee awooddi dawladda lagu dulminayo, laguna burburnayo nidaamkii federaalka.
Puntland, waxa looga baahan yahay taageero iyo is-garabtaag aan shuruud lahayn in ay u muujiyaan walaalahood reer Jubaland. Arrinku ma aha in ay Jubaland keliya difaacayaan, waxa la difaacayaa waa dawladnimada Soomaaliyeed iyo nidaamkii federaaliga ahaa ee lagu heshiiyey.
Shacabka, Isimmada, Bulshada Rayidka iyo daneeyayaasha siyaasadda reer Puntland:
Dhammaan qaybaha kala geddisan ee bulshada reer Puntland, waxa la gudboon in ay garab istaagaan Jubaland, islamarkaana hoggaanka Puntland cadaadis ku saaraan in ay taageeraan Jubaland, oo laga difaaco duullaanka lagu hayo nidaamka federaaliga ah. Lama aqbali karo in dawladda Puntland ay isha ka daawato, afkana ka xirato duullaanka iyo daandaansiga lagu hayo Jubaland.
Madaxweyne Deni iyo dawaladdiisu waa in ay qaataan kaalin hoggaamineed oo ku dayasho mudan. Waxa aannu u soo jeedinaynaa:-
1) In ay si aan mugdi ku jirin u taageeraan Jubaland, cambaareeyaanna duullaanka qaawan ee Villa Somalia ay ku soo qaadday dawlad-goboleedka Jubaland.
2) In ay iskaashi dhow oo wadashaqayneed la samaysato dawlad-goboleedyada Jubaland, SSC-Khaatumo iyo dawladaha kale ee xubnaha ka ah DFS.
3) In ay caalamka gaarsiiso muhiimmadda ay leedahay in la ilaaliyo nidaamka federaaliga ah ee ay dawladnimada Soomaaliyeed ku dhisan tahay, kana digto xadgudubka loo gaysanayo dastuurkii ku-meelgaarka ahaa ee Soomaalidu ay heshhiiska ku wada ahayd.
Halkan ka akhriso- English version
Concerned Voices of Puntland (CVP)
Email: CVP_Puntland@proton.me
Garowe, Puntland
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2025 WardheerNews, All rights reserved