ARAGTIDA PUNTLAND EE KU AADAN WADA TASHIGA QARAN EE GEEDI SOCODKA DOORASHOOYINKA 2016

ARAGTIDA PUNTLAND EE KU AADAN WADA TASHIGA QARAN EE GEEDI SOCODKA DOORASHOOYINKA 2016

MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

HORUDHAC:

Kadib markii Soomaliya ay muddo ku jirtay nidaam KMG ah ayaa bishii Agoosto sannadkii 2012 waxaa loo gudbay Dowlad Federal ah oo loo dhan yahay. Waxaa la dhamaystiray Golayaashii Dowladda waxaana loo igmaday in dowladaasi ay ummadda soomaaliyeed gaarsiiso dowladnimo rasmi ah, soona celiso maqaamkii iyo sharaftii iyo karaamadii ay ummadda Somaaliyeed ku laheyd beesha caalamka. Waxaa gaar ahaan laga rabay ayaduna ballan qaaday in dowladaasi mudada ay xilka hayso ay wax ka qabato xasilinta dalka, sugidda amniga, hirgellinta nidaamka federaalka, sareysiinta sharciga, ilaalinta dastuurka Qaranka, hirgellinta dowlad wanaagga, garsoorka, dhisidda dowladaha xubnaha ka noqonaya DFS ee aan hore u jirin ayadoo la raacayo Dastuurka Qaranka, soo nooleynta dhaqaalaha dalka, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, dib u dhiska dalka, ilaalinta iyo abuurida xiriir caalami ah ee ku saleysan iskaashi iyo wada jir.

Dhammaan ujeedooyinkaas loo igmaday dowladaas way ku fashilantay. Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in ummadda soomaaliyeed oo kaashanaysa beesha caalamka si dhamaystiran uga wada qaybgalaan hirgellinta hiigsiga doorashada 2016 si dalka ay uga dhalato dowlad soomaaliyeed oo fullisa baahida badan ee kor ku xusan.

Puntland waa asaasihii DFS waana dowladdii ugu horaysay ee buuxisay shuruudaha dastuuriga ah ee habraaca nidaamka federaalka, waxayna diyaar u tahay in ay doorkeedii hogaamin ka qaadato hirgellinta habka federaalka iyo geedisocodka doorashada 2016. Qoraalka hoose waxay Dowladda Puntland ku soo gudbinaysaa aragtideeda, mabaadiida asaagiga iyo hannaanka lagu gaarayo doorasho Agoosto 2016.

MABAADIIDA AASAASIGA AH:

Dowladda Puntland waxay aaminsantahay mabaadiida aasaasiga ah ee hoos ku xusan kuwaasoo ay lagama maarmaan tahay in la hirgaliyo ka hor inta aan la qaban doorashada 2016.

1) Dastuurka KMG ee DFS waa kii lagu heshiiyey laguna kala saxiixday Nairobi June 22, 2012.
2) Waa in dooarashadu ay dalka ka qabsoonto wakhtiga loogu talagalay ayadoo aan lagu darin waqti.
3) Waa in Xulashada Baarlamanaka cusub lagu saleeyaa 18 kii gobol iyo degmooyinkii jiray kahor burburkii Somaaliya 1991.
4) Hannaanka xulashada Baarlamaanka cusub waxaa go’aaminaya Dowlad goboleedyada iyo Maamulada ka jira degaankaas iyagoo la tashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan .
5) Waa in la dhiso Golaha Aqalka Sare (Upper House) laguna saleeyo 18 kii Gobol ee ka horeeyey 1991.
6) Waa in go’aan kama danbeys ah laga gaaro meesha, maqaamka iyo xuduudaha ay yeelaneyso caasumada soomaaliya.
7) Waa in dib loo wada dhisaa dhammaan guddiyada heer Qaran sida Guddiga Doorashoyinka, Gudiga Xuduudahaha, Gudiga Garsoorka, Gudiga Dastuurka, IWM.
8) Waa in la caddeeyaa maamul goboleedyada buuxiyey shuruudaha dastuurka iyo kuwa aan buuxin iyo maqaamka ay kala yeelanayaan kuwa KMG ah iyo kuwa ka baxay.
9) Awood qaybsiga Dowlad goboleedyadu waa inuu ku salaysan yahay baaxadda deegaanka.

HALKAN KA AKHRSO: ARAGTIDA PUNTLAND EE WADA TASHISHIGA QARAN

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.